22/08/2018
Hypertension (dhiig kar).
Dhiig kar ( hypertension): waa si aan caadi aheyn oo dhiiga cadaadiskiisa u kaco.
Dhiig karka waa mid ka mid ah cudurada ugu caansan caalamiyan, wuxuuna halis u yhy inuu sababo cuduradan stroke( istorook), myocardial infarction ( mayokarhiyal infakshan), vascular disease ( faskular dhisiis), chronic kidney disase ( koronik kidhney dhisiis).
Dhiig karka caalamiyan inta qabta waxaa lagu tilmaamay tiradoda ee la ogyhy 26% (972 million qofood), tani waxee culees weyn ku tahy bulshada sababtana waa halista uu ku lug leeyhy cudurada wadnaha iyo kuwa kale aam kor ku soo xusnay.
Dhiig karka waxaa lagu sheegi karaa qofka markuu cadaadiska dhiiga kore, uu ka bato 140mm hg ama ka badan iyo cadaadiska dhiiga hoose oo ka bato 90mm hg.
Sida caadiga ee lagu kala saaro xisaabinta cadaadiska dhiiga ee qofka ka weyn 18 sano ilaa duqnimada, ayaa ah waxaa sheegaya dhiig karka:
• Normal (caadi): cadaadiska dhiiga kore ka badanin 120mm hg, cadaadiska dhiiga hoose 80mm hg ka badanin.
• Prehypertension (dhiig kar hortiisa): dhiiga kore 120-139mm hg, dhiiga hoose 80-89mm hg.
• Stage 1 ( marxalada 1aad): dhiiga kore 140-159mm hg, dhiiga hoose 90-99mm hg.
• Stage 2 ( marxalada 2aad): dhiiga kore ka badan 160mm hg, dhiiga hoose k badan100mm hg.
***********
Maxaa sababo dhiig karka?
Dhiig karka waxa sababo ama ka danbeeya lama yaqaano lkn waxaa la sheega inee yhiin dhoor shey oo is biirsaday:
• Primary hypertension: waxaa sababa deegaanka ama dhaxal buu ka dhasha ee dhanka waalidkaga.
• Secondary hypertension: kani wuxuu leeyhy sababo badan ee la xiriira dhibaato ku dhacdo ama cuduro xubnaheena jirka, daawooyinka qaar, sumooyinka qaar. Alcohol ( qamrooyinka), iyo daroogada.
Primary hypertension: waxaa la dhahaa dhiig kar aan ka la aqoonin sababtiisa kana imaada inta badan deegaan wax la xiriira.
Secondary hypertension: waxaa al dhahaa dhiig kar qofka kaga imaaday sabab la ogyhy sida kilyihiisa (chronic kidney disease, renin-producing tumor) dhaawacmay waxee sababeen dhiig kar.
**************
Maxaa lagu daaweeya?
Inta aan ka hadlin daawada waxaa h**e u soo xusay qofka in la dhaho dhiig kar buu qabaa waxaa lagu ogaada qalab sphygmomanometer( geedka dhiiga lagu cabiro) la socda stetheschope ( sameecadaha dhaqtar xirto), ka dib marka la cabiro waa inuu noqda dhiiga kore 130-160mm hg ama wixii ka badan, dhiiga hoose 90-100mm hg ama wixii ka badan.
Dhiig karka waxaa lagu daweeyaa laba nooc:
1. Qofka noloshiisa uu wax ka badala ( waa inuu sharudahan buuxiyo culeyskiisa waa inuu ridaa, cusbada inuu yareeya ama uu qaadnba, biraha sida potassium oo maalintii 90mmol/day inuu helo iyo calcium magnesium badsado,sigaarka joojiyo tootali, inuu almiiteeyo in ka badan 30 daqiiqo maalin waliba.
2. Daawo kaalmaati ah soconaya cimrigagaaga inta ka dhiman, dadka qaar ee qabo cudurka qaladaadka ay galaan ayaa ah iney joojiyeen daawada am aka tag taga ayadana waa halis waa inaa jogteesa daawooyinkaas, daawooyinka halkan kuma xusi karno anagoo ilaalinee si qaldan loo isticmaalo.
***************
Talooyinka bixineyno:
1: Fadlan ha yareysan dhiig ee la xiriir dhaqtarka cudurada guud ( internal medicine) qaabilsan.
2: talooyinka lagu siiyo joogtee sababto ah cudurkan wuxuu sababa cuduro kale naftaada halis gelin kara.
3: daawooyinka waa muhiim inaad joogteeso oo aadan kala jarin hana u qaadan hadii caafimad dareento inaan loo baahneen in lasii wado waa muhiim inaa sii wado Qatar badan aye kaa weecinayaan ka imaan karto inuu dhiigaga si Qatar ah u kaco oo ugu badanthy in maskaxda dhiig kaga furmo.
4: iska ilaali am aka weeco xanaaqa ama walwalka kuu keeni karo halis adna ha doonan hadaa aheyd qof dabci adag dadka la heshii oo ka fogow qeelada ama dagaalka.
5: cuntada iyo almiitada waa muhiim ee si wngsan ugu dadaal qaasatan cusbada yaree ama jooji.
Qore: