Dr Hiirey Hassan

Dr Hiirey Hassan doctor

Minka marka uu hoos u soo dabco ama booskiisa ka dhaqaaqo (Uterine Prolapse)Soo raaraacsashada minka ama waxa loo yaqaan...
16/02/2024

Minka marka uu hoos u soo dabco ama booskiisa ka dhaqaaqo (Uterine Prolapse)

Soo raaraacsashada minka ama waxa loo yaqaanno (Uterine Prolapse) waa xaalad minka uu ka soo durqo booskiisii lagu yaqiinnay una soo dhaadhaco hoos isagoo ka soo muuqan karo xubinta dhalmada ee haweenka.

Haddii minka uu soo muuqdo uuna soo gaarin saxaha waxaa loo yaqaannaa "raaraacsasho aan dhameestirneen" laakiin waxaa dhici karta in uu soo wada baxo uuna noqdo mid dhameestiran.

Maxaan dareemi karaa ?

Badanaa xaaladaha sahlan ee min soo raaraacsiga haweenka wax calaamado iskuma arkaan inkastoo qaarka kalane ay dareemi karaan calaamadahaan hoos ku xusan:

1- cadaadis iyo culeys miskaha ah
2- Xanuun dhabarka iyo caloosha qeybteeda hoose
3- Xanuun waqtiga galmada
4- Caabuq kaadi heysta oo soo noqnoqdo
5- Dareerto saxaha ka imaato
6- Saxaro adeyg
7- Xanuun markii la kaadinayo
8- Kaadida oo baxsato ama dagdagsiiyo kaadi

Maxaa keeno soo raaraacsiga minka?

Minka waxaa ku hayo booskisa murqo iyo seedo xoog badan oo ilaah ugu talo galay, wuxuuna soo bixi karaa kaliya markii uu ku yimaado dabacsanaan taasoo keeni karto in ay sii xajin waayaan minka uuna hoos u soo laalaadsamo:

1- Duqoobista waxay keentaa murqo dabacsanaan jirka oo dhan taasoo ay ku jirto murqaha xajiya minka.

2- Dhaawac gaaro haweenta xilliga dhalmada (weliba kuwa dhasoyda ah ama kuwa dhalay ilmo waaweyn).

3- Waxyaabo kaalmeyn kara in murqaha dabacsan ay soo raaracsamaan sida Cayilka, Qufaca iyo Jiirashada.

Yuu ku dhacaa soo raaraacsiga minka?
Wuxuu ku badanyahay haweenta dhashoyda ah ama haweenta dhalmo-deyska ah (Tanoo ka dhalato markii ugxansidaha uu hawlgabo isagoo joojiyo soo deynta hormoonka "Istirojiin" oo xoojiyo murqaha minka.)

Ma badantahay xaaladdaan?
Aad uma badno laakiin waxuu qofka jaaniskiisa siyaadaa markastoo da'diisa kororto.

Sidee lagu ogaadaa soo raaraacsiga minka?
Waa in dhakhtarka uu sameeyo fiisito miskeed isagoo dareemi karo inta uu soo baxsanyahay minka.

Sidee loo daaweeyaa raaraacsashada minka?

Daaweynta waxaa loo kala qaadaa qalliin iyo qalliin la'aan, iyadoo ay ku xirantahay heerka uu gaarsiisanyahay raaraacsiga minka.
Daaweynta aan qalliinka aheyn:

1- Jimicsi: waxaa jiro jimicsi loogu talo galay adkeynta murqaha miskaha oo lagu magacaabo "Kegel Excercise", kani wuxuu noqon karaa daawada kaliya ee la isticmaali karo markii ay xaaladdu tahay mid sahlan (Sida loo sameeyo jimicsigaan waxaan uga hadli doonnaa qoraal gooni ah)

2- Qalab ka sameysan cinjir oo lagu taageero minka surkiisa (farraatiga) si uusan u soo dhicin, waa qalab joogto loo gashanayo, si joogto ahne loo nadiifinayo, waana in la iska siibaa galamo walbo ka hor.

3- Haweenka dhalmo deyska ah waxaa la siiyaa hormoon maadaama uu ka maqan yahay hormoonkii aan kor ku soo xusnay.

Daaweynta qalliinka ah

1- Saarista minka, waxaa la sameeyaa markii minka oo idil ka soo baxo booskiisa. (uur ma jiri doono haddii la bixiyo minka).

2- Minka oo lagu celiyo booskiisa iyadoo la adkeynayo seedahiisa laguna qabanayo shakaal loogu tala galay.

Maxaa dhibaato ay keeni kartaa soo raaraacsashada minka?

Haddii aan la daaweyn waxay carqaladeyn kartaa kaadinta, saxaro dhigidda iyo galmadaba.

Ma laga hortagi karaa raaraacsiga minka?
Waxaa jirto dhawr tillaabo oo haddii aad sameyso iska yareyn kartid khatarta cudurkaan:

1- Culeyskaaga xakamey
2- Samey jimicsi joogto ah 'Kegel Excercise'
3- Cun cunno isku dheeli tiran.
4- Jooji sigaar cabidda
5- Haddii aad dhalmo goysay isticmaal daawooyinka lagu badalo hormoonka (HRT)
6- Ha qaadin culeys xad dhaaf ah leh
7- Haddii aad leedahay qufac joogto ah iska daaweey.

17/10/2023

qof walba Facebook asxaab ku nahay Postigan facebook hasoo dhigo ama ha share gareeyo

luqadaha dunida ugu waaweyn aan ku gudbino Risaaladeena

Af ingiriis 👇

*For publication in all languages of the world ..*
*Double standards* ..

Af Faransiis 👇

*Pour publication dans toutes les langues du monde ..*
*Deux poids, deux mesures* ..

Af isbeyn 👇

*Para publicación en todos los idiomas del mundo ..*
*Doble rasero* ..

Af taltyaani 👇

*Per la pubblicazione in tutte le lingue del mondo ..*
*Doppio standard* ..

Af Ruush 👇

*Для публикации на всех языках мира ..*
*Двойные стандарты* ..

Af turki 👇

*Dünyanın tüm dillerinde yayınlanması için..*
*Çifte standartlar* ..

Af jarmal 👇

*Zur Veröffentlichung in allen Sprachen der Welt ..*
*Doppelmoral*

Af bortaqiis 👇

*Para publicação em todas as línguas do mundo ..*
*Padrões duplos*..

Af indunuusiya. 👇

*Untuk publikasi dalam semua bahasa di dunia ..*
*Standar ganda*..

Hambalyo saaxib Dr Abdihakiim Santooni   "Santooni" oo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Benaadir  U magacaabay Xiriiriyaha M...
14/10/2023

Hambalyo saaxib Dr Abdihakiim Santooni "Santooni" oo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Benaadir U magacaabay Xiriiriyaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaarrada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
Xilka laguu idmaday alle hakugu garab galo

04/07/2023

OLD PROBLEM🤣

15/05/2023

Qiso xanun bdn wlh🥲

DENTAL BRACES ( ilko xidhista )Waa maxay biraha ilkaha lagu xiro?Biraha ilkaha lagu xirto waa qaab ka mid ah daaweynta i...
15/05/2023

DENTAL BRACES ( ilko xidhista )

Waa maxay biraha ilkaha lagu xiro?
Biraha ilkaha lagu xirto waa qaab ka mid ah daaweynta ilkaha, waana cilmi si gooni ah ay ugu takhassusaan dhakhaatiirta ilkaha, cilmigaasoo loo yaqaano "Orthodontics", qofka ku takhassusayne loo yaqaano "Orthodontist", biraha waxaa loo xiraa si ilkaha loo toosiyo, meelaha banaan loo baab'iyo, qaniinyadane lagu saxo hadi khalad kale jirana loogu saxo.

Qofka ilkaha xirayo waa inuu noqdaa qof takhassus u leh, maadaama ay ka dhalan karaan cillado badan haddii ay wax qaldamaan, sidoo kalane ay jiraan waxyaabo badan oo la tixigeliyo inta aan biraha la xiran taasoo hoos aan ku faahfaahin doonno, dhakhaatiirta ilkaha markay shahaadada 1-aad qaataan ayay 3 illaa 4 sano sii bartaan cilmiga biro-xerista, aduunka kalane lagama ogola inuu xiro qof aan takhassus u lahayn.

Dhakhtarka ilkaha guud wuxuu kuu sheegi karaa inaad u baahan tahay ilkox-xeris, kadibne wuxuu kuu xawilayaa dhakhtarka ku shaqada lahaa, isagaa markaa kadib kuu diri doono wixii baaritaano la xiriira farsamadaas iyo qaabka ugu haboon ee lagugu samayn karo.

Sidee loo xiraa biraha?
Hadafka biraha loo xirayo waa in ilkaha cadaadis la saaraa si booskooda loogu celiyo ama la isla ekeysiiyo waana howl markay ugu yaraato 2 sano qaadanayso,
waa inaad dhakhtarkaaga si joogto ah ula socotaa si mar walba ilkaha loo nadiifiyo, loona dhuujiyo siliga biraha isku hayo, mararka qaar waxaa loo baahdaa in caag ilkaha isku celiyo in laguu sii geliyo si loo sii cadaadiyo ilkaha, dhuujintaas iyo cadaadis saarista ilkaha lagu samaynayo waa mid qiyaas ku socota iyo xisaab, haddii kale waxaa dhici kara in ilkaha liqliqdaan ama soo siibtaan, waxaa taasi ka daran in ilkahaaga hal dhinac u wada leexdaan taasoo loo yaqaano 'midline-shift', taasoo qofka wajigiisa oo idil foolxumaynayso.

Mararka qaar waxaa loo baahdaa in qofka loo geliyo waxyaabo ilkaha booskodoa ku sii celiya loona yaqaano "retainers" markii biraha iyo siliga laga furo 2 illaa 3 sano kadib, sababtoo ah waxa dhacda in ilkaha booskoodii ku soo laabtaan.

Maxay dhibaato keeni kartaa biro-xerista?
Waxaa jira waxyeello si caadi ah uga dhalan karo biro-xerista ayne muhiim tahay in dhakhtarkaaga isha ku haayo si uu uga hortago, waxaana ka mid ah:
1 in ciridka dhaawac gaaro,
2 in kaalsiyamta ilkaha dhamaatoo taasoo lagu dareemi karo saliilyo aadan horay u lahaan jirin, 3 in jiridka iligga uu dabco,
4 in kalagosyka daanka uu waxyeelloobo,
5 in ilkuhu dabcaan, kadibne markii biraha lagaa furo ay soo daataan,
6 in lafta daanka uu dhaawac gaaro
7 in ilko muhiim u ah tiirinta afkaaga in la siibo iyadoo lagugu qanciyo in loo baahan yahay in la abuuro boos ay ilkaha galaan,
8 in ilkahaaga uu balance-ga ka lumo

iyo kuwa kaloo badan.

Ilkaha xarago ahaan ma loo xiran karaa?
Maya, xarago ahaan ilkaha biro looguma xiro waana qalad bulshadu laga dhaaddiciyay,
Dawo aanu qofku u bahnayn haduu qaato saamaynta dawada ayu ka dhaxlaya dawana xarago loma qaato waana waxa ugu badan ee dadkena lagaga ganacsado iyada oo an cidna loo aabo yeeleyn.

Maxaan sameeyaa haddii si qaldan la iigu xiray?
Waxaan kugula talinayaa
1.inaad raadsatid dhakhtar "orthodontist" ah si uu tala kaaga siiyo biraha kuu xiran iyo haday dhib kuu keeneen inta ay kuu xirnaayeen iyo sida ugu fudud ee lagaaga furi karo hadduu qalad jiro.

Muddo ma akhrin Qiso tan ka xanuun badan."Waxaan xusuusta geeridii hooyaday, aabbe wuxuu u socday dagaal beeleed, hooyan...
15/05/2023

Muddo ma akhrin Qiso tan ka xanuun badan.

"Waxaan xusuusta geeridii hooyaday, aabbe wuxuu u socday dagaal beeleed, hooyana aad ayay u xanuunsaneyd, subixii uu baxayay hooyo waxey ku tiri "Muqtaarow ha iga tagin, wax biyo isiinaayo malahan gabadhan mar dhow ayaan gudnay “.

Wuxuu hooyo ku yiri "may k**a haraayo qabiilkayga oo duullaan ah ee Allah ha ku garab galo aaabbe".

Saddex beri ayaan hor fadhiyay hooyaday oo dhimmatay, mana kala ogeyn iney nooshahay iyo iney dhimmatay midna. Hooyo waxey ka dhalatay qoyska aabbahay ku duulaayay, sidaasi owgeed meesha aan degganeyn wey ka heyb soocneyd oo ma jirin cid soo booqatay xanuunkeeda.

-Dhowr beri ka dibna tuuladi waxaa la keenay aabbahy meydkiisa😓.

Waa qiso aad u xanuun badan.

Xigasho

01/05/2023

Inta badan dadka qaba oof-wareenku (Pneumonia) waxay si fiican uga jawaabaan daawaynta, laakiin oof wareenku aad ayuu u daran yahay oo xataa waa dilaa.

Waxay u badan tahay inay kugu adkaato haddii aad tahay qof weyn, ilmo aad u yar, qof daciif yahay nidaamka difaaca, ama uu leeyahay dhibaato caafimaad oo halis ah sida sonkorowga ama xanuun beerka ah (cirrhosis).

30/04/2023

Wadna Xanuun iyo Oodimo Joogta Ah Oo Aadan Lahaan Jirin Ma Isku Aragtaa?

Inta badan wadna xanuunka iyo oodimaha waxay yimaadaa marka socodka dhiigaagu qalqal badan ka jiro ama uusan isku dheelitirneen sidoo kale astaamahan waxaa keeni jara cudurada dheefshiidka sida gaaska ama infakshanada xameetida. Xalka ugu fiican oodimaha, koolba-aariyada jirkaaga uga saari karto ayaa ah in aadan ku seexan barkin dheer sidoo kalana waa inaad subax iyo habeen maalintii laba waqti cabto shaah qarfuhu aad ugu badan yahay. Qarfuhu waa maadada ugu muhiimsan socodka dhiiga isku dheelitirta sidoo kale qarfuhu wuxuu sifeeyaa dheefshiidka wuxuuna meesha ka saaraa halista gaaska, oodimaha iyo aariyada ku wareegata caloosha

Hadii Qodobkaan Aad Kuu Anfacay Halkan Oo Kaliya ♥️ Saar. Mahadsanid

Taxanaha Caafimaadka1. Cabista shaaha Qarfuhu ku jiro waxay kaa yarayn doontaa wadna garaaca, dibiryada, gaaska, oodimah...
28/04/2023

Taxanaha Caafimaadka

1. Cabista shaaha Qarfuhu ku jiro waxay kaa yarayn doontaa wadna garaaca, dibiryada, gaaska, oodimaha iyo calool adayga

2. Biyo cabid la'aanta saddex meel oo jirka ka mid ah ayay aad u saamaysaa waa maqaarka, maskaxda iyo kilyaha

3. Hadii labo daqiiqo oo xiriir ah aysan indhahaagu Libirsan waxaa kugu jirta awood qayeul caadi ah oo ka duwan dadka caadiga ah

4. Midabka buluuga ah inta badan waxaa isticmaala aaladaha bulshada sida Facebook, Twitter iyo Skype sababtoo ah midabka buluuga ah maskaxda ayuu dajiyaa

5. Hadii hurdada aad habeenkii hurudo ay tahay Lix saac oo xiriir ah walina aad dareemayso ama lasoo kacayso daal hurdada kadib jirkaaga ayaa biyaha cabistu ku yar tahay ee biyo cab

6. Qandhada waxyaabaha dabiiciga ah ee baabi'iya waxaa ugu horeeya Liin bambeelamada sababtoo ah maado heerkulka ajirka hoos u dhigta ayaa ku jirta

7. Hadii aad cabto biyo la dhex dhigay zabiib adiga oo baahan maqaarkaaga waxaa muddo bil ah kaga baabi'i doona finanka iyo haaraha wajiga

Hadii Qodobadan Aad Kuu Anfaceen ❤️ Saar

Dr Cazam khalif

18/04/2023

Qarawga waxaa lagu magacaabaa (night terrors) waana xaalad ku soo noqnoqota qofka xiliga uu jiifo habenkii.

Marka uu qarawgu qofka ku bilaabanayo waxa uu u muuqdaa qof soo toosaya, waa uu dhaqdhaqaaqaa, ooyaa, ama waxyaabo kale oo laxariira cabsi iyo xanaaq ayuu muujiyaa.

Xaaladaas qofku waxa uu kujiri karaa daqiiqado badan mana awoodo in uu soo baraarugo, inta badan marka uu qofku dhamaysto qarawga dhinaca midig ee dhabarka ayuu isu tuuraa ama isu rogaa.

Qarawgu waxa uu ku badanyahay caruurta lakiin dadka waaweyna waa isku arki karaan qiyaastii 2% marka ay soo kacaanaa ma oga in ay qarwayeen caawa oo idil ama waxa ay ku qarwayeen.

Waxaa jira farqi u dhaxeeya qarawga (night terrors) iyo riyada (nightmares).
Marka qofka riyoonaya uu soo baruurugo si dhab ah ayuu u cabiri karaa riyadii uu ku guda jiray halka qofka qarwaya uu ku sii jiro hurdadiisa marka uu soo baraarugana uusan xasuusan wixii uu ku qarwayey.

Ma ku jirtaa dadka Qarwa adiga?

Share

17/04/2023

DIGNIN
HA GASHANIN BARKINTA HOOSTEEDA
TALEEFANKAADA AMA AGTEEDA.

Waxaa jira sababo badan oo waxyeelo u geysan kara nolashaada oo taleefankaada aadan u hoos gashan karin marka aad seexanayso Barkinta Hoosteeda ama agteeda,

In aad gashato Barkinta hoosteeda teleefankaada ayaa kugu sababeysa in falaaraha Shucaaca telefanku uu ku shaqeeyo ay si toos u abaaraan maskaxdaada,

Taas oo kugu sababeysa in aad dareento madax wareer iyo madax xanuun joogta ah, iyo hurdo la' aan ugu danbeyna falaaraha shucaacaas hadii ay kugu raagaan sababi kara in dhiig badani uu ku furmo maskaxdaada,

Sidoo kale waxaa macquul ah in teleefanku uu si iskiis ah u garxo marka aad ku caburiso barkinta hoosteeda sidaasna uu ku keeno waxyeelo kale oo muugata,

Hadil aad dooneyso in aad seexato hurdo raaxo leh caafimaadna aad ku noolaato fadlan iska dheeree teleefankaada marka aad seexanayso.

Fadlan Ha ilaawinina in aad u gareysaan asxaabta idiin muhiimka ah ama halkaan aadan uga wacdaan si qatartaan ay u ogaadaan.

Address

Wadnaha
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Hiirey Hassan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Hiirey Hassan:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category