23/10/2019
CALAAMADO HORU-DHAC U AH CUDURRADA KELYAHA
Kelyuhu muhiimad weyn ayey jirka u leeyihiin , iyagoo u qabta shaqooyin badan, sidaa daraadeed waxaa waajib ah in la daneeyo , iyo in dareen loo yeesho calaamadaha hor dhaca ah oo tilmaamaya in dhibaato ey ka jirto kelyaha.
Kelyuhu shaqooyin farabadan oo muhiim ah ayey jirka u qabtaan sida:
1. Nidaaminta heerka cusbada jirka, macdanta potassium ta iyo cusbooyin kale
2. Qashin saar ; iyadoo kaadida kusii darta
3. Isu dheeli tirka biyaha jirka
4. Soo saarista HORMONE yo nidaamiya cadaadiska dhiiga iyo CALCIUM ka
CALAAMADAHAAN SOO SOCDA WAXA EY KAAGA DIGI KARAAN CUDURRADA KELYAHA:
1. Isbedel ku yimaada kaadida; sida medebka, yaraasho, ur, xanuun ama dhiig.
2. Xanuun qeybaha hoose ee dhabarka
3. Dhiig yaro; waayo kelyuhu waxa eey sameeyaan hormone loo yaqaano ERYTHROPOEITIN oo ka qeyb qaatta sameynta unugyada dhiiga cas
4. Infection ada kaadi mareenta
5. Barar ku yimaada jirka; sida lugaha iyo wajjiga
6. Hurdada oo qofka ku yaraata ama dhib ku ah; waayo kelyuhu waxa ey jirka ka saaraan sunta
7. Cun cun iyo nabarro jirka
8. Dhadhan ka afka oo is badala.
9. Iyo calaamado kale sida; daal joogta ah, cunno xumo,madax xanuun iyo wareer.
Dr Ibrahim Addow(Dhaqtar & Qoraa arimaha caafimaadka) .