Dr Yacquub Aadan

Dr Yacquub Aadan I wort at air port

20/10/2025

Dhibaatada Qaadka ee Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya, waxa ay la daalaa dhacaysaa dhibaatooyin badan oo ay sababaan ganacsiga iyo isticmaalka qaadka. Inkasta oo qaadku yahay wax si weyn loo isticmaalo bulshada qaarkeed, haddana wuxuu leeyahay saameyn taban oo muuqata.

1. Gooba aan ku habboonayn oo lagu iibiyo

Qaadka inta badan waxaa lagu iibiyo wadooyinka ama marshabiyeediga taas oo ah wado ay maraan dad waynaha lugaynaya Waxayna dadka qaadka iibiya dhigtaan kabaro iyo daladdo ayagoo caqabad ku noqda dadka wadada maraya iyo sidoo kale bilicda, nadaafadda, amniga, iyo habsami u socodka gaadiidka.

2. Nadaafad darro iyo wasakh uu keeno

Goobaha lagu iibiyo qaadka waxaa inta badan ka buuxa bacaha iyo warqadaha lagu duubo. Tani waxay keentaa wasakh iyo ur xun, taas oo saamayn ku yeelata deegaanka iyo caafimaadka dadka ku dhow. Mararka qaar, goobahaas waxay noqdaan meelo ay ku tarmaan cayayaanka iyo cudurrada.

3. Jaamka iyo saxmada uu abuuro

Marka qaadka la keeno ama la iibinayo, waxaa dhacda saxmad gaadiid iyo jaam daran, Gaadiidka qaadka keena waa kuwa jabiya Xeerarka iyo shuruucda Wadooyinka iyaga uu ku socda xawaare daran gaar ahaan waddooyinka waaweyn sida , Suuq Bacadlaha iyo Suuqa beerta qaadka ee degmada Hodan. Tani waxay carqalad ku noqotaa dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, isla markaana waxay keentaa dib u dhac iyo khasaaro waqtiyeed.

4. Saameynta bulsho iyo dhaqaale

Marka laga soo tago kuwa dhaqaalaha haysta ama shaqeeya ee lacagtooda ku iibsada haddana waxaa jira dad badan oo aan shaqeyn maalintii ay waqtigooda ku lumiyaan iyada oo aan la ogeen halka ay ka keenaan dhaqaalaha ay ku iibsadaan. Waxaa sidoo kale hoos u dhaca wax soo saarka bulshada, maadaama dadka isticmaala qaadku ay badanaa noqdaan kuwo daal iyo hurdo badan Marka ay qaadka ka kacaan.

Tali soo jeedin

Qaadka wuxuu noqday mid saameyn ku yeeshay bilicda, dhaqaalaha, iyo caafimaadka bulshada Muqdisho. Waxaa muhiim ah in dowladdu iyo bulshada si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo dhex saari lahaay bulshada oo meelo gaar ah loogu xakamayn lahaa sida in suuqyo u gaar ah oo magaalada ka baxsan loo sameeye.

20/10/2025
Nolosha wey sahlan tahay lakiin ma fududa
13/09/2022

Nolosha wey sahlan tahay lakiin ma fududa

Taxanaha Caafimaadka1. Cuntada oo la boobo waxay sabab u noqotaa in caloosha ay fido booskeedana si dhakhsi ah kusoo noq...
07/07/2022

Taxanaha Caafimaadka

1. Cuntada oo la boobo waxay sabab u noqotaa in caloosha ay fido booskeedana si dhakhsi ah kusoo noqon sidaa darteed u cun cuntada si dagan sababtoo ah dadka cuntada boobo waxay liqaan cunto aan sidii la rabay loo burburin taas oo keenta in dheefshiidku qalqal ku abuurmo

2. Dadka kansarka dhuunta uu ku dhaco waxaa daraasadaha qaar sheegayaan in ay yihiin dadka biyo cabistoodu yar tahay sababtoo ah waxa la leeyahay biyo cabista badan waxay jirka ka dhaqdaa unugyada kansarku ka samayso sidaa darteed cab ugu yaraan galaas biyo mar kasta oo salaad farad ah aad dukato,
Sidokale dadka cabo waxyaabaha aadka ukulul sida shaaxa ama gaxwada waxay halis ugu jiraan inuu ku dhaco Kansarka dhuunta

3. Inta badan cudurada waxa sababta u ah ma ahan jeermis jirka soo gala balse waxaa badanaa cudurada sabab u ah unugyada jirka oo aan helin nafaqdii ay u baahnaayeen taas oo keenaysa in jirku iskiis isu weeraro ama jirku difaaciisu yaraado sidaa darteed cun cunto khudaarta cagaaran ay ku badan tahay

4. Awooda raganimada waxyaabaha yareeya waxaa ka mid ah cunista cuntooyinka saliidu ku badan tahay sababto ah saliidu waxay dhaqaaqa xubinta taranka ka dhigta mid daciif ah sidaa darteed cun cuntooyinka aan saliida lagu karin sida soorta ama cuntooyinka loo yaqaan wadaniga

5. Cunista waxyaabaha Proteinka leha waxay uga duwan yihiin cuntooyinka kale waxaa ka mid ah oonka faraha badan, cuntooyinka kale qofku ma dareemo oon iyo haraad balse cuntooyinka proteinka leh sida digirta,ukunta iyo hilibka qofku marka uu cuno wuxuu cabaa biyo ka badan kuwii uu h**e u cabi jiray

Qodobkee Dareenkaaga Soo Jiitay

Waxaan Rajaynayaa Talooyin Ku Anfici Doona Waligaa Inay Ahaan Doonaan. La Wadaag Walalaha Kale Si Bulshadu Uga Wada Faaiidaysato โžก๏ธ

Page-ka like saar siaad uhesho maclumaad dheeri ah una noqoto qofka ugu h**eeyo ee kafaaideysta casharada aansoo gelino.mahadsanid

๐—œ๐—ป๐—ท๐—ฒ๐—ฐ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป (๐——๐˜‚๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ)Duriin waxaa loo qeybiyaa afar qeybood oo kala ah 1 Intramuscular injection (duriinka muruqa dhexdii...
09/05/2022

๐—œ๐—ป๐—ท๐—ฒ๐—ฐ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป (๐——๐˜‚๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ)

Duriin waxaa loo qeybiyaa afar qeybood oo kala ah

1 Intramuscular injection (duriinka muruqa dhexdiisa) I.M
2 Intravenous injection (duriinka xididka dhexdiisa) I.V
3 Inter derma injection (duriinka maqaarka dhexdiisa) I.D
4 Subcutaneous injection (duriinka baruurta dhexdeeda) S.C

IntraMascular Injection (I.M)

Waa ku shubid si toos ah loogu shubo daawo nudaha dhexdiisa nudahaasoo ah kan muruqa. Ujeedaduna waxay tahay si ay daawada u gaarto jirka intiisa kale muddo aan ka badnayn 10-30 daqiiqo.

๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—น๐—ผ๐—ผ ๐˜€๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ผ ๐——๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ

1 Soo qaado syringe and needle with sterile
2 Soo qaado suuf antiseptic wata
3 Haddii ay daawada budo tahay soo jiido water for injection inta CC ee aad dooneysid kadibna ku shub daawada budada ah, rux ilaa ay ka qasanto daawada kadibna soo jiido qiyaasta aad rabto

4 Aaryo bixin ku samee cirbada.
5 Dooro meesha aad rabto inaad durto
6 In yar marada kabanee meesha aad rabto inaad durto.
7 Si tartiib ah u garaac meesha aad rabtid inaad durto adigoo ka koontaroolayo in ay
barar leedahay meesha ama ay casaan tahay oo ay boog ka hooseyso ama ay daawo h**e fariisatay

8 Soo qaado suufkii kuu diyaarsanaa kadibna mari meesha aad duri rabtid.
9 Gacanta bidix ku qabo cirbada hab durin sagaashan โ€œ90โ€.
10 Ku qabo farta iyo suulka isku xiga muruqa adigoo kor u soo jiidayo waa haddii uu

qofku yahay qof caato ah ama qof yar. Balse haddii uu qofku yahay qof buuran in yar kala s**i muruqa.

11 Gali cirbada muruqa adigoo silingada u qabanayo sida qalinka oo kale.
12 Markaad cirbada galineyso muruqa gali meesha aad nadiifisay adigoo iska dhigayo

sida qof wax tuurayo oo kale xoogna aanan isticmaaleyn, Soo qaado suuf antiseptic wata

13 Cirbada marka aad geliso kadib farta iyo suulka ka qaad maqaarka oo qabo halka ay iska galaan maqaarka iyo cirbada.

14 Dib usoo jiid silingada si aad u hubiso in ay cirbada ku jirto muruqa iyo in kale, haddii uu dhiig soo raaco waxay muujineysaa in ay cirbada ku jirto xididka, ka saar cirbada oo geli meel kale haddii sidoo kale cirbada ay soo raacdo hawo ka saar, balse haddii aysan hawo iyo dhiig midna soo raacin waxay muujineysaa inay cirbada ku jirto muruqa, haddaba si tartib ah ugu shub daawada hana ku boobsiin, kadibna marka aad ku dhameyso si tartiib ah uga saar cirbada oo ku jajabi suuf meesha aad durtay.

N.B Waxaad durtaa sinta afar qeybood qeybta sare ee dibada xigta. Halka kan
bowdadana laga duro saddex qeybood qeybta dhexe.

Dr Yacquub Adan
๐—™๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐—ป ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ต

21/04/2022

Soonkaaga ilaashi

า“แด€แด€'ษชษชแด…แดแดสษชษดแด‹แด€ แด„แด€แด€า“ษชแดแด€แด€แด… แด‡แด‡ ฯ™แด€ส€แด€สœแด€/xแด€ส™xแด€ส™แด‹แด€ .(1) wuxuu xakameeya cadaadiska dhiigga waayo wuxuu kor u qaadaa caafimaadka...
07/04/2022

า“แด€แด€'ษชษชแด…แดแดสษชษดแด‹แด€ แด„แด€แด€า“ษชแดแด€แด€แด… แด‡แด‡ ฯ™แด€ส€แด€สœแด€/xแด€ส™xแด€ส™แด‹แด€ .

(1) wuxuu xakameeya cadaadiska dhiigga waayo wuxuu kor u qaadaa caafimaadka xididada iyo socodka dhiig, wuxuna maamulaa macdanta iyo aashatada jirka, miisaankana hoos buu u dhigaa. Hadaad dhiig kar qabtid maalin walba galaas ka cab biyiisa.

(2) waxaa ku jirta maadoyin la yiraahdo iyo oo hoos u dhiga dufanka aan caafimaadka u fiicnayn ee (LDL).

(3) Wuxuu jirka siiyaa Qoyaanka uu u baahanyahay oo isugu jira biyo iyo macdan sida macdanta kala ah; , , and . Wuxuuna aad u anfacaa dadka meelaha kulul jooga.

(4) Wuxuu ka qayb qaataa caafimaadka indhaha iyo aragooda waayo waxaa ku jira maadooyinka kala ah , , , , iyo . Oo dhamaantood ka qayb qaata aragtida iyo caafimaadka indhaha.

(5) Wuxuu kor u qaadaa caafimaadka kalyaha; asagoo jirka kaadi ahaan uga saaraya maadooyinka sunta ah sidaas awgeed dadka kaadidoodu yartahay inay joogteeyaan Qaraha biyihiisa ayaa fiican.

(6) Wuxuu dajiyaa qofka xaaladiisa maskexeed ay kacsantahay waayo waxaa ku jira oo nidaamiya neerfayaasha shaqadooda, iyo oo jirka ka saara maadooyinka sunta ah ( ).

(7) Wuxuu isku dheelli tiraa Hormoonada oo muhiim u ah shaqooyinka jirkeena.

Fadlan lawadaag walaalahaa

๐“๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ1๏ธโƒฃโ–ช๏ธŽShayga ugu fiican jirka sunta ka saari kara waa liin dhanaanta. Cab liin dhanaan aan wax biyo a...
19/02/2022

๐“๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ

1๏ธโƒฃโ–ช๏ธŽShayga ugu fiican jirka sunta ka saari kara waa liin dhanaanta. Cab liin dhanaan aan wax biyo ah lagu darin ugu yaraan 3 jeer isbuucii marka aad cuntada cunto ka dib

2๏ธโƒฃโ–ช๏ธŽDadka cayilan sida kaliya ay isaga ilaalin karaan cunista cuntada xad dhaafka ah waa in ay cabaan shaah sanjabiilki ku badan yahay. Sanjabiilku wuxuu damiyaa qaybta baahida u qaabilsan dheefshiidka

3๏ธโƒฃโ–ช๏ธŽLabada qaab ee ugu fiican qofku xayrta caloosha ku yarayn karo waa Push Up in si maalinle ah uu u sameeyo iyo in uu sameeyo xarig bood isagoo lugaha hoostooda marinaya xariga marka uu boodo ka dib

4๏ธโƒฃโ–ช๏ธŽHabka ugu fiican dadka dhiigkarka qaba ay ku xakamayn karaan dhiigooda waa in cuntada ay ku karsadaan toon ama caadi u isticmaalaan isbuuc 3 jeer. Toontu waxay furfurtaa xididada waxay hoos u dhigta kacsanaanta dhiiga

5๏ธโƒฃโ–ช๏ธŽDadka aanay da'du ka muuqan ama marka la eego muuqaalkoodu uu ka yar yahay da'da ay jiraan waa dadka aadka u isticmaala baradha. Baradhada waxaa ku jirta maado maqaarka ka ilaalisa gaboowga iyo miinta

6. Caruurta ay kaadidu ka fakato waxyaabaha dabiiciga ah kaadi baxsadka looga daaweeyo waxaa ugu h**eeya bocorka. Bocorka wuxuu kaadi haysta siiyaa awood ay ku ceshato kaadida sidoo kale bocorku wuxuu u fiican yahay xusuusta

Qodobkee Dareenkaaga Soo Jiitay??

๐Ÿ‘‰๐†๐š๐š๐๐ก๐ฌ๐ข๐ข Ama ๐Œ๐ž๐ง๐ญ๐ข๐จ๐ง ku Dheh Asxaabtaada si ay oga wada faaideystaano.๐Ÿ‘ˆ
Mahadsanid.

๐—ช๐—ฎ๐—ฎ ๐—ถ๐—บ๐—บ๐—ถ๐˜€๐—ฎ ๐˜๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—น๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—˜๐—ฒ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ท๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ ๐—ท๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ถ๐—ป๐—ถโ€™๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—บ๐—ธ๐—ฎ๐Ÿฆดโ“(Dadka waaweyn)๐—ฎ) 106 ๐—ฏ) 208๐—ฐ) 24๐—ฑ) 205๐—ฒ) 657๐—ณ)  156๐—ด) 206๐—ต) 306...
30/12/2021

๐—ช๐—ฎ๐—ฎ ๐—ถ๐—บ๐—บ๐—ถ๐˜€๐—ฎ ๐˜๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—น๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—˜๐—ฒ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ท๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ ๐—ท๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ถ๐—ป๐—ถโ€™๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—บ๐—ธ๐—ฎ๐Ÿฆดโ“(Dadka waaweyn)

๐—ฎ) 106
๐—ฏ) 208
๐—ฐ) 24
๐—ฑ) 205
๐—ฒ) 657
๐—ณ) 156
๐—ด) 206
๐—ต) 306
๐—ถ) 279

๐’๐ก๐š๐ซ๐ž- dheh, si ay bulshada uga faaideystaan ๐Ÿ‘‡

MAHADSANIDIIN ๐Ÿ‘‡

Address

Mogadishu
M

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00

Telephone

+252619037513

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Yacquub Aadan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Yacquub Aadan:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram