Dr Garabey Dr - G".

Dr Garabey  Dr - G". Fadlan Like Saar Page-Kan Mahadsanid

انا لله وانا اليه راجعونAllaha u naxariisto Caalimki weynaa ee Somaliyed Sh Cusmaan Sh Cumar  (Sh.Cusman Xidig) oo muqdi...
20/07/2024

انا لله وانا اليه راجعون
Allaha u naxariisto Caalimki weynaa ee Somaliyed Sh Cusmaan Sh Cumar (Sh.Cusman Xidig) oo muqdisho ku geeriyoday, Allah ha u naxaristo, Jannatul firdowsa Allah haka waraabiyo Qarabada Xertisa iyo dhaman Umada Somaliyed sabar Allah ha naga siiyo.

Hambalyo umada Soomali Maalinta xuriyada iyo midowga Dowladnimada Somaliyeed.
01/07/2024

Hambalyo umada Soomali Maalinta xuriyada iyo midowga Dowladnimada Somaliyeed.

26/10/2023
Talooyin Caafimaadka Jidhka & Naftaba U Fiican Oo Uu Bixiyey Dhakhtar 105 Sano Jir AhiShigeaki Hinohara oo ahaa dhakhtar...
12/04/2023

Talooyin Caafimaadka Jidhka & Naftaba U Fiican Oo Uu Bixiyey Dhakhtar 105 Sano Jir Ahi

Shigeaki Hinohara oo ahaa dhakhtar u dhashay dalka Jabbaan ayaa tiriyey talooyin uu u arko in ay qayb ka yihiin caafimaad wanaagga qofka, iyo cimri dhererkiisa. Qoraaga Sarah M. ayaa maqaal ay dhowaan ku qortay majaladda Santi waxa ay ku sheegtay, Dr. Shigeaki Hinohara oo 105 sano jir ku geeriyooday in uu ka mid ahaa hormuudka caafimaadka ku dhisan aragtida ka hortagga ah, cilmibaadhiso badanna ku sameeyey caafimaadka jidhka iyo maskaxda. Waxa aanu qoray 75 buug oo uu siyaabo kala duwan ugu soo bandhigay arrimaah caafimaadka ka hortagga ah, iyo talooyin qofka ka caawinaya caafimaad qabka.

Dr. Shigeaki Hinohara kitaabkiisa loogu iibka badan yahay oo soo baxay muddo yar kaddib geeridiisii, waxa uu ku soo bandhigay talooyin caafimaad oo uu sheegay in ay yihiin sirta ka dambaysay in cimrigiisa 105 ta gaadhay uu ku dhammaysto caafimaad qab jidheed iyo maskaxeed labadaba.

Miisaankaaga la soco

Miisaanka dheeraadka ah iyo buurnidu waxa ay caqabad ku noqdaan ku raaxaysiga nolosha, waxa aanay sababaan cimri degdeg, sidaa awgeed mar kasta hubi in aad u noolaato hab nololeed caafimaad qab, cuntada aad cunaysaana ha noqoto mid jidhka waxtar u leh.

Jimicso

Si quruxda jidhkaaga iyo kala shubnaantiisu u korodho, ku dadaal in aad dhaqdhaqaaq samays. Fooqa sallaankiisa fuul oo wiishka ha raacin, meel aad lug ku gaadhi kartana gaadhi ha u kaxaysan, isbeddelkaas fududi waxa uu jidhkaaga ka gubayaa dufan badan, waxa aanu qayb ka qaadanayaa ilaalinta miisaanka.

Ku dadaal cunista cuntada caafimaadka qabta

Xitaa haddii dareenkaaga dhadhamo xiiseeyo cuntooyinka warshadaysan, ku dadaal in aad ka fogaato caadaysiga cuntada diyaarsan iyo ta qasacadaysan. Is weydii in cuntada aad cunaysaa ay kaalin muhiim ah ka qaadanayso nafaqaynta jidhkaaga, dooro cuntooyinka caafimaadka qaba, una fiican caafimaadka, sida cuntooyinka hodanka ku ah faytamiinnada iyo macdanaha jidhkaagu ka heli karo tamarta uu u baahan yahay.

Jimicsiyada jidhka furfura iyo is illowsiinta xanuunka

Mararka qaarkood waxaa dhacda in aad kaar iyo walbaar aanad arkayn dareento. Ku dadaal jimicsiyada iyo hawlaha kaa caawinaya hoos u dhigidda karaka.

Iskaga fogow caadifadda nafta warwarka ku abuuraya

Marmarka qaarkood waxaa dhici karta in dareennada nafsadeed iyo caadifaddu ay qofka ku abuuraan xanuun jidheed oo run ah. khalkhalka jidheed iyo ka nafsiga ahina waxa ay keenaan diiqad iyo in qofku hoos u gubto, sidaa awgeed ku dadaal, in aad maskaxdaada dib ugu noqoto, naftaadana dib u weydiiso arrimaha culayska ku haya ama saamaynta ku leh oo dhan, kaddibna ka shaqee in aad tirtirto xusuustooda iyo ka fikirkooda.

Berri ha ka warwarin

Noloshu waa taxane ay ku xeeran yihiin dhacdooyin kala duwan oo aan la sii saadaalin karin waxa ay berri ku aaddan tahay. Dadku waxa ay inta badan naftooda ku caddibaan warwar iyo in ay nafta ku cusleeyaan ka fikirka waxa berri dhici doona, waxa ay is illowsiiyaan in timaaddada aanay cidi waxba ka weydiinayn.

Maadaama oo aanad adigu go’aan iyo talo midna ku lahayn waxa berri dhacaya, waxaa kula gudboon waxa aad samayn karto oo ah in aad farxadda, quruxda iyo jacaylka maanta ka shaqayso.

Dhinaca togan wax ka eeg

Haddii aad maskaxdaada ku nafaqayso afkaar togan, waxa uu jidhkaagu awoodi kari waayayaa in uu helo tamar is cusboonaysiisa. Ku dadaal in aad dhinaca togan wax ka eegto, shayga intiisa xumi ha kuu joogto ee inta wanaagsan arag, waxa aad isku arki doontaa in aad nolosha macno badan ka samaysay.

Naftaada ku cabbee farxad, jacayl iyo in ay ka fikirto nimcada tirada badan ee ay haysato, si aad noloshaada oo dhan u faraxsanaato.

Aqoonta aad hayso dadka la wadaag

Dr. Shigeaki Hinohara waxa uu noloshiisa ku dadaali jiray in cilmiga iyo aragtiyaha uu hayo dadka la wadaago, waxa aanu ku taliyey in sidaas la yeelo. In aad waayoaragnimada aad hayso iyo aqoontaada kala duwan bulshada gaadhsiisaa waxa ay naftaada ku abuuraysaa farxad iyo in ay dareento in ay waajib gudatay. In aad naftaada ka raalli noqotaana waxa ay ka mid tahay dareennada la dagaalama calaamadaha gabowga iyo xanuunnada nafsiga ah.

Hawlgab ha gelin inta aad caafimaad qabto

Inkasta oo ay dadka adduunku caadaysteen in marka ay da’ cayiman gaadhaan hawlgab noqdaan, wixii ay h**e u soo shaqaysteen iyo bisilka la siiyana ku noolaadaan, haddana waxa uu Dr. Shigeaki Hinohara aaminsan yahay in ay taasi tahay tallaabo naftada caafimaadkeeda dhaawici karta.

Waxa uu ku talinayaa in inta aad ogtahay in aad shaqadaada si fiican u qabsan karto, kuna guulaysan karto ka midho dhalinteda, isla markaana aad jeceshay qabashada shaqadaada, in aanay jirin sabab kugu kallifta in aad hawlgab gasho, si kasta oo ay da’daadu u weyntahay.

Jadwal hawleed yeelo

Waxaa ugu daran nolosha in aad soo toosto adiga oo aan geranayn hawlaha rasmiga ah ee uu kuu yaalla ama sida ay u kala mudan yihiin iyo halka ay tahay in aad ka bilowdo. Samayso qorshe maalinleh ah oo aad ku kala garato waxa ad sameyneyso

Xigasho: Daryeel Magazine

Nelson" Markaan noqday madaxwaynaha koonfur afrika, ayaan maalin ka codsaday qaar ka mid ah Ciidamada suga amaankayga in...
15/05/2022

Nelson" Markaan noqday madaxwaynaha koonfur afrika, ayaan maalin ka codsaday qaar ka mid ah Ciidamada suga amaankayga in ay magaalada igula soo dhex lugeeyaan, cabaar ka dib ayaanu galnay maqaayad, waan fariisanay, qof walbana wixii uu rabay ayuu dalbaday!

Inti aan sugeynnay cuntadii aan dalbannay, ayaa waxay indhahaygu ku dhaceen qof fadhiyey meel iga soo horjeeda, dabcan qofkaasina wuxuu sugayay cunto uu dalbaday,Mid ka mid ah ilaaladaydii ayaan ku iri kac oo ninkaas ka soo codso in uu miiskaan nala soo fariisto si aan u wada cuntayno .

Ninkii wuu yimid, wuxuuna soo fariistay dhinacayga, kadib waxaan billownay in aan cuntadii isla cunno, dhibco dhidid ah oo waawayn ayaa dhafoorkiisa ka soo da'ayey, gacantiisuna way jarayneysay oo maysan awoodin in ay cuntada afkiisa gaarsiiso.. ‏

Ka dib markii aan cuntadi dhammaysannay, oo uu ninki tagay, ayuu ilaaladaydii Khaaska ahaa igu yiri ninkii nala fadhiyey wuxuu ahaa mid xanuunsanaya, gacmihiisu way jareynayeen, oo ma awoodin in uu si fiican wax u cuno!

Waxaan ugu jawaabay ilaaladaydii :

Maya ma uu xanuunsanayn ,ninkaasi wuxuu ahaa waardiyihii igu hayay qolki aan kaga xirnaa Xabsiga, inta badan waxaa dhici jirtay marka la isoo ciqaabo, waan qaylin jiray aniga oo codsanaya xoogaa biyo ah in la isiiyo.

Kadib ninkan inala cuntaynayey ayaa ii soo geli jiray, madaxa ayuuna iiga kaadin jiray mar walba, sidaas daraadeed ayuu la jareynayey cabsi uu ka qabo darteed in aan ka aarsado oo aan xabsiga dhigo.

laakiinse Akhlaaqdeydu sidaas ma ahan, maxaa yeelay caqliyadda ku dhisan Aargudashada ma dhisto dowlad, halka caqliyadda ku dhisan dulqaadka iyo isa saamixidda ay dhisto ummado "

By . Mohamed H.

21/01/2022

Good ventilation protects you from COVID-19 infection:
✅ Open window
✅ Create a cross breeze
✅ Place a fan in front of a window facing the outside
✅ If it's very hot or cold, open windows for a few minutes every hour

“Mar walba oo Soomaali la jeedlo, askari Talyaani ah ayaa u dhinta”Adigu maxaad ku qeexi lahayd qofka Soomaaliga ah?Gera...
18/10/2021

“Mar walba oo Soomaali la jeedlo, askari Talyaani ah ayaa u dhinta”
Adigu maxaad ku qeexi lahayd qofka Soomaaliga ah?

Gerald Hanley oo ahaa qoraa Ingiriis ah, sidoo kalena askari ahaan u joogi jiray dhulka Soomaalida xilliyadii Dagaalkii Labaad Ee Adduunka ayaa isaga oo faallaynaya Soomaaliga iyo noloshiisa, ayuu buuggiisa sidaan ku sheegayaa,

“Waxa qalayl, xaraarnimo, rafaad iyo qorrax maqaarka gubaysa, ee baahida iyo haraadka dhulkooda ka jiraayi uu aad uga duwanyahay Afrikada barwaaqada iyo wada kaymaha ah, dhabtii ma jiraan dad ka dhibaato iyo shiddo badan dadka deegaankoodu ka bilowdo buurta Mount Kenya, kuna baahsan illaa iyo daadegga buuraha Abyssina [Itoobiya], ee dhanka kalena gaarsiisan illaa iyo fiinta Cape Gardafui [Raas Casayr ee Badda Cas] halkaas oo dabaylaha Xagaagu joogto yihiin, sidoo kalena Libaax-badeedyo waaweynaaday ay joogto u dhexyaacayaan badweynta biyaheedu khafiifka yihiin [bad aad u kalluun badan, ayuu uga jeedaa].

Marnaba ma sawiran kartid dugaagnimada (waalida) dadkaas adigoon arkin toorreeyada iyo warmaha ay sitaan, indhahooda cabsida leh. Timaha madoow, booraystay ee laalaabmaya. Waa geeljire madax adag, ku nool dhul kulkiisa aadan dhagaxa taaban karin, ku jira dagaallo dhiig-qubad ah oo aan la xasuusan karin sidii uu ku bilowday, balse lagu xuso in dhiig-qubadka la sii wado.
Waxa Jinsiyado kala duwan ee ku nool Afrika, waa kuwa ugu wanaagsan in lagu dhex noolaado, waa kuwa ugu dhibta badan, iskula weyn, ugu geesisan, isula qumman, ugu naxariis daran, ugu saaxiibnimo fiican; waa Soomaalida.”

Waxa aan aqaan baadari Talyaani ah [Masiixi ah], kaas oo soddon sano dhex wareegayey Soomaalida, balse labo qof oo keli ah ay raacday [rumaysay diintiisa], weliba waxa aan la sii yaabbanahay sida labadaas qof ay ku raaceen. Ma jiraan dad Nebiga [Muxamed NNKH] ugaga jacayl badan, haddana ugaga aqoon liidata (jaahilsan) Soomaalida, balse iyaga dambigooda ma aha in ay jaahiliin yihiin.

Caqli badnaantooda dabiiciga ah (ay u dhasheen) ma jiro wax lala barbar dhigo, marka ay kacaannada waxbarashadu ay dhulkooda soo gaaraanna, dhabtii naftooda iyo Afrikaba waa ay ka yaabin doonaan.”

Weligay ma arag Soomaali ka cabsanaya dhimasho, layaab ayey u muuqataa balse waxaaba u dheer naxariis-darrada iyo turiimo la`aanta. Haddii aadan dhimasho ka baqayn, cidkalena dhimasho ugama naxaysid, balse cabsi la`aantoodu saldhig ayey u tahay nolosha Soomaaliga ee joogtada ula halgamaya gaajo, cudur, iyo harraad, isaga oo haddana isu diyaarinaya in uu cadawgiisa la dagaalamo, cadawgiisa oo Soomaali kale ah uuna ku farxayo in daadinta dhiiggiisa, ama cadawgiisa kale ee ah Itoobiyaanka doonaya in uu dhulkooda xukumo, ama cadawgaas oo noqon kara nimanka Caddaanka ah ee dhowaan ugu yimid dhulkoodii.”

“Mar walba oo Soomaali jeedal lagu dhufto, askari Talyaani ah ayaa la dilaa”

Intii aan dhul Saxare ah aan maray oo dhan, Soomaalidu waa dadka ugu caqliga badan ee aan arkay. Reer miyigaas qarniyo badan ku nool geela, ma la heli doonaa qof xal u hela sidii geesinnimada iyo caqli-badnaantooda looga faa`iidaysan lahaa?”

Ma jiro aadane ka adadag reer miyiga Soomaaliga. Hal qof xataa. Askari ku dhaawacmay dagaal ka dhacay miyiga Hawd, 20 kiiloomitir ayuu lugeeyey isaga oo weliba calooshiisa gacanta ku celinaya (si aysan uga soo dhicin), haddii uu ka bogsaday dhaawiciina dib ayuu dagaalladii ugu laabtay. Ogoow, dumarkooduna waa kuwo naf ahaan u awood badan sida raggooda.”

Waa in aad sidaas uga fakartid qofka Soomaaliga ah. Waa in aad sidaas uga fakartid, maxaa yeelay Soomaalidu godob weyn iyo nacayb ayey u hayaan ninka cad, waa kuwo joogto ula halgami doona oo beeno iyo iyo shirqoollaba u adeegsan doona sidii ay ula dagaalami lahaayeen ninka cad, iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen saamayntiisa oo ay u arkaan dhammaadka dunidooda u goonida ah.

K**a adkaan kartid. Uma arkaan in ay cidina iyaga ka sarrayso, sina kuma ogolaanayaan doonitaanka ninka cad, kamana cabsanayaan isaga, qorigiisa, iyo caradiisa midna.

Waa jinsiyad (waa dad) xushmayn mudan, waa haddii ay adkaato in la jeclaadaba.”

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalka.

Buugga, WARRIORS: The Life And Death Among Somalis [DAGAALYAHANNO: Nolosha iyo Geerida Soomaalida Dhexdeeda}

Tarjumid: Dr Jaamac Sahal

✔ Qiso Cajiib ahWAX SHEEGGIISTIISU (CANAANTIISU)  WAA NAXARIIS.Wiil ayaa ka sheekeeyey aabihiis, wuxuu yiri:Wuxuu ahaa a...
08/09/2021

✔ Qiso Cajiib ah

WAX SHEEGGIISTIISU (CANAANTIISU) WAA NAXARIIS.

Wiil ayaa ka sheekeeyey aabihiis, wuxuu yiri:
Wuxuu ahaa aabahay marka uu qolkeyga galo, iyadoo nalku shidan yahay mid i canaanta, wuxuuna oran jiray maxaa loogu ciyaarayaa koronta?!! Maxaad u damin weyday markaad ka baxayso?

Sidoo kale, markii uu suuliga galo, wuxuu arki jiray iyadoo tuubada biyaha iska socoto, wuxuu nagu canaan jiray " maxaa biyaha loogu ciyaarayaa?

Markasta wuu i canaanan jiray, dayaca ayuu igu qeylin jiray, xataa isagoo xanuunsan ayuu sidaas samayn jiray, ilaa laga soo gaaro maalintii aan shaqada u tartamayay, maalintaas oo aan mari doono imtixaanka shaqada, anigoo ku fakaraya, hadii shaqadan ku guuleysto inaan ka tegi doono gurigaan buuqa iyo canaanta badan.

Waxaan toosay xilli h**e, dhar qurxoon ayaan xirtay, markaan bixi lahaa, ayaan arkay aabahay oo igu sugaya albaabka, inta garabka iga taabtay ayuu isiiyey lacag aan gaari ku raaco, isagoo dhoollacadaynaya raadka xanuunkuna ka muuqdo ayuu yiri "aabbe isku kalsoonow, su'aalahana haka baqin.

Waan aqbalay waanadii aabahay, anigoo faraxsan ayaan galay xaruntii, waan la yaabay, maxaa yeelay waardiye ma joogin, waan iska galay, mise waxaa qofka hagaya boorar lagu dhajiyey derbiyada.

Markaan galay albaabka, waxaan arkay handaraabka la qabto oo dhacaya, kadibna meesha ayaan ku celiyey oo waan adkeeyey, kadib waan sii socday, markaan beerta marayo ayaan arkay tuubada biyaha oo iska socota, oo beertii dhinac walba u dhaafeen, waan xiray biyihii, oo waxaan ku furay meel qalalnaa, anigoo yareeyey biyaha socodkooda, si aysan u daadan, waana ka gudbay, markaan galay dhismihii mise waxaa shidan nalka oo dhan, markaas ayaan damiyey, iyadoo dhagahayga ay ka sii qeylinayso canaantii aabahay,kadibna waxaan iska diiwaangeliyey qeybta xogheynta, si aan tartanka uga qeybgalo.

Waxaan arkay dadka shaqada u tartamaya mid kasta 2 daqiiqo kadib wareysiga wuu baxayaa, waxaa baxay oo ku guuldaraystay dad shahaadooyin sarsare wata, markaas ayaan dareemay niyadjab, anigoo isweydiinaya ' ma isaga baxdaa, waan go'aansaday inaan nasiibkayga sugo.

Waxaan galay qolkii wareysiga, markaan salaamay ayay ii dhoollacadeeyeen, waxayna i weydiiyeen " goorma bilaabi kartaa shaqada? Waxaan ku jawaabay " markaan ku guuleysto, waxay igu celiyeen " waa adiga qofka shaqada ku guuleystay shaqada, imtixaanku wuxuu ahaa mid ficil ah, waxaan kaa daawanaynay Kaamarada xafiiska, dhamaan waxaad sameysayna waxay ahaayeen kuwo si kas ah aan ugu talogalnay imtixaan ahaan, waadna ku guuleysatay.

Markii ay sidaas ii sheegeen, ayaa isoo hor maray sawirkii aabahay, aan canaantiisa dhibsan jiray, waxaan ogaaday inuu naxariis ahaa, inuu tababar nololeed ahaa.

Waxaan jeclaystay inaan degdeg xaafadii u aado, si aan ehelka farxada ula qeybsado, kadibna waxaan tegay gurigii oo qaraabo oo dhan igu sugayso, markaas ayaan dareemay in aabahay dhintay, halkaas ayay farxadaydii ku kala dhantaalantay.

Wuxuu ahaan doonaa aabahay mid aan ku xuso salaadayda iyo ducadayda inta aan noolahay.

Hadaba canaanta waalidku waa naxariis, ee dhalinyaroy ogaada, boqolaal ayaan haysan qof wanaag wax ugu sheega, ka faa'iidayso oo ka duceyso, oo talooyin ka reebo waalidkaa.
Waan soo minguuriyey, waana turjumay.
Mahadsanid.

Allow u naxariiso waalidkeen, inta noolna u denbi dhaaf. Aamiin

Fadlan SHARE dheh Walal oo sii Faafi.

Xigasha daaciga adoonkii alle

Like saar page ka walal mahdsnid

09/08/2021

What we know about the Delta variant:

•The Delta variant causes more infections and spreads faster than other variants of the virus that causes COVID-19.
• COVID-19 vaccines help prevent severe illness, hospitalization, and death from the Delta variant.
• Masks are needed to reduce the spread of Delta.

Slow the spread of Delta by getting vaccinated as soon as you can. Wear a mask indoors in public, regardless of vaccination status.

Learn more: https://bit.ly/3yx6ATA

SIDE UGA HORTAGI KARTAA XANUUNK                       Raac tilmaamaha soo socdo:1. Xiro af-xir ama facemaska2. Ku dadaal...
27/02/2021

SIDE UGA HORTAGI KARTAA XANUUNK

Raac tilmaamaha soo socdo:

1. Xiro af-xir ama facemaska
2. Ku dadaal faraxalka ama gacmo-dhaqashada
3. Ka fogow meelaha ay dadka ku badan yihiin, adiga oo u jirsanaya 1 mitir ama ka badan.
4. Haddii aad isku aragto calaamadaha xannuunka , ka daxaddar waayeellada iyo dadka qaba xannuunada raaga.

. .

Talooyin Tixgelin Mudan oo La Xariira COVID19 Maxaad ku ogaan kartaa inaad qabto COVID19? 1. Cun-cun dhuunta ah2. Dhuunt...
25/02/2021

Talooyin Tixgelin Mudan oo La Xariira COVID19

Maxaad ku ogaan kartaa inaad qabto COVID19?

1. Cun-cun dhuunta ah
2. Dhuunta oo qalasho
3. Qufac qalalan
4. Heer kulka oo aad u sarreeyo
5. Jir xanuun iyo lafa xanuun
6. Neefta oo yaraato
7. Urta iyo dhadhanka oo kaa tago.

Markaad xaqiiqsato in COVID19 kugu dhacey, tallaabooyinkaa qaad;
1. Kaniiniga Paracetamol-ka ah (Haddii qandho jirto)
2. "Betadine" oo ah daawo afka lagu dhaqo laguna luq-luqdo
3. Vitamin C iyo Vitamin D3
4. Cuntooyinka laga helo Vitamin B, sida; Liinta iyo khudradda cagaran
5. Jimicsi si aad u hesho naqaa kugu filan (Oxygen).

Saddexda Marxaladood ee COVID19:

1. COVID19 ku dhaco kaliya sanka - in laga bogsado waxay qaadataa maalin barkeed (isku uumi biyaha kulul), isticmaal Vitamin C, marxaladdaan markuu marayo qandho malaha, Waa calaamad la'aan

2. COVID19 ku dhaca dhuunta - wuxu leeyahay dhuun xanuun, in laga bogsado waxay qaadataa 1 maalin (ku luq luqo biyo kulul, cab biyo kulul) haddii ay qandha jirto isticmaal paracetamol, Vitamin C iyo Vitamin B complex, Haddii ay xaaladda ka sii darto isticmaal qalajiyayaal (antibiotics).

3. COVID19 ku dhaca sambabada - wuxu leeyahay qufac iyo neefta oo qofka dhibto muddo 4 ilaa 5 maalmood ah. (isticmaal Vitamin C iyo Vitamin B complex, ku luq luqo biyo kulul, isticmaal qalabka lagu cabbiro Oxygen-ta, Paracetamol, hadii ay xaaladda kasii darto waxa loo baahanyahay im Oxygen lagu xiro qofka, cab dareere badan, samee jimicsi si aad Oxygen badan u qaadato.

4) Marxaladda ay tahay inaad ka ag dhawaato isbitaal:
La soco heerka neefsigaaga (Qaadashada Oxygen-ta), haddi ay Oxygen-taada kasii yaraaneyso 92 (heerka laga rabo waa 98 - 100) markaas waxaad u baahantahay in lagugu xiro Oxygen. Haddii ay guriga kuu taalo dhalada Oxygen-ta leh uma baahnid in isbitaal lagu seexiyo.

Xusuusnow (pH-ka) ama heerka Aash*tada COVID19 waa 5.5 ilaa 8.5.

Sidaas darteed, si aan u baabi'ino Jeermiska, loogana badbaado, waa inaan isticmaalnaa cuntooyinka ay ku badanyihiin (Alkaline-ka) oo ka sarreeyo heerka Aash*tada Jeermiska COVID19.

Sida;
*Liinta cagaaran - 9.9 pH
*Liinta jaallaha ah - 8.2 pH
*Avocado - 15.6 pH
* Toonta - 13.2 pH
* Cambaha - 8.7 pH
* Oranjada - 8.5 pH
* Cananaaska -12.7pH
* Canabka - 6.5pH

FG: Liin iyo biyo kulul oo isla socda, waxay baabi'in karaan jeermiska, bilowga h**e intuusan gaarin Sambabada ka hor.

Talooyinkaan waxaa laga soo aruuriyey qormooyin ay sameeyeen khubaro caafimaad oo kala duwan.

"Talo adaa ku nool ee Kuguma noola"

25/02/2021

Ma Ogtahay in ay Jiraan Dad Maalinta Qiyaame Ka Soo bixi doono Qabuurahooda Jannada ayeey Aadi doonaan Xisaab iyo Miizaan La`aan

Mana dareemi doonaan Xaaladda Murugsan Ee Maxsharka La Taagan yahay Ka jirto

Maalinta Qiyaame Waxaa Qabuurtooda Ka Soo bixi doono Koox Ayaga Oo Si Toos ah U Aadi doono Jannada

Ridwan Oo ah Malaga Haayo Jannada Furaheeda ayaa Ku Oranayo Halkeed U Jeedaan.? Waayo diiwaankiina Lama furin Xisaab Ma aydan Soo Marin Sidee Ku galeysaan Jannada.?!

Waxeey Ku Oranayaan Riwdwaanow Annaga Xisaab Uma istaagno Camalkeeynane Lama Miizaami Karo
Diiwaankenana Lama Furayo
Waxaan Ku Weeydiinay Quraanka Miyaadan aqrinin.?

Wuxuu Ku Jawaabay Oo Qeeybtee Quraanka ah Oo Aan Aqriyaa.?

Waxeey Ku Yiraahdeen Hadaba dhageyso Qowlka Allah:

《إنما يوفى الصابرون أجرهم بغير حساب》:
Ok: Sidee buu ahaa Sabarkiina .?
Waxeey Ku Jawaabeen Sabarkeenu Wuxuu ahaa Sidan:

Haddii Nala Xumeeyo Waan dulqaadan jirnay , Haddii Nalagu Jaahilnimo Sameeyo Waan iska dhaafi jirnay

Haddaan dambabno Waan Dambi dhaaf Weydiisan jirnay
Haddii Nala Imtixaano Waanu Sabri jirnay Haddii Wax Nala Siiyo Waanu Shugri Jirnay

Markaa Ka dib ayuu Ridwaan Ku Oranayaa:
《ادخلوا الجنة لا خوف عليكم ولا أنتم تحزنون》:

W/Q Ustad Saciid Cusman

Address

Mogadishu

Telephone

0612696172

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Garabey Dr - G". posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Garabey Dr - G".:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category