Himilo Hospital - Galdogob

Himilo Hospital - Galdogob Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Himilo Hospital - Galdogob, Hospital, Mogadishu.
(1)

𝐊𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐨𝐨𝐰 𝐢𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐇𝐢𝐦𝐢𝐥𝐨,
𝐆𝐚𝐥𝐝𝐨𝐠𝐨𝐛, 𝐌𝐃𝐆 𝐏𝐋 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚
Tell: ☎️ 090-5564992 /7750607
HOOYADA & DHALLAANKA
QALLIIMADA GUUD
CUDURRADA GUUD & CARRUURTA
DHAKHTARKA NEERFAHA & MADAXA
DIGITAL X-RAY/ULTRASOUND

Hanbalyo Ugaas Cabdirixmaan Ugaas MaxamedEebbe haka yeelo isim mideeya Soomaali kana qaata kaalin mug leh xallinta dhiba...
30/12/2025

Hanbalyo Ugaas Cabdirixmaan Ugaas Maxamed
Eebbe haka yeelo isim mideeya Soomaali kana qaata kaalin mug leh xallinta dhibaatooyinka daashaday.

اللهم إنا نسألك له العون والتوفيق والسداد، وأن ترزقه البطانة الصالحة
Galdogob Mudug PL Somalia
Himilo Hospital - Galdogob

Cilmibaarisyadu waxay caddaynayaan in mar walba oo sidka ilmuhu dhammaysto sidkiisa 40 asbuuc ah kadib ay sii kordhayso ...
26/12/2025

Cilmibaarisyadu waxay caddaynayaan in mar walba oo sidka ilmuhu dhammaysto sidkiisa 40 asbuuc ah kadib ay sii kordhayso gabawga ibida ilmaha ku imaanaya taasoo kordhinaysa halista uur ku maydka (ACOG).

Waa gabar 16 jir ah waxaa la keenay magaalada Galdogob ayada oo lagasoo qaaday gobolka Doollo, waxay soo abbaartay  Himi...
22/12/2025

Waa gabar 16 jir ah waxaa la keenay magaalada Galdogob ayada oo lagasoo qaaday gobolka Doollo, waxay soo abbaartay Himilo Hospital - Galdogob ayada oo leh fuuq-bax daran, caloosha oo dhan uu damqaysa, qandho aad u sarraysa oo aan ku dagayn qandha-jabinta, matag iyo calool bax, qiimeyn kadib waxaa la xaqiijiyay in caloosha aw saaqay caabuq (Peritonitis) kaas oo kayimid dheecaan ku aruuray kuna faafay uurkujirta, qiyaastiina ka yimid qabsin dillaacay (Ruptured Appendicular abscess), waxaa loo diyaariyay qalliin dag-dag ah (Laporatomy) oo lagusoo dhaqay malaxdii caloosha wada gaartay, laguna soo jaray qabsinkii iskii u qarxay, maanta waxay ku jirtaa maalintii 4aad qalliinkeeda kadib ahada oo wax cunta, cabta islamarkaana caafimaadkeedu aad u raystay.

FG- qabsinka soo booda (acute appendicitis) waa mid aad ubadan asbuucan kaliya Doollo waxaa laga keenay 2 bukaan, nasiibdarro ayagoo 7 bari ku dhawaad aan helin adeeg caafimaad oo saxan, fadlan bukaanka lagaar adeegga caafimaadka waqtiga habboon ee wax qabasho macquul tahay ama sahlantahay.

Mahadcelin gaar ah ayaan udiraynaa Dr. Tsedalu Worku oo isbaddal baaxad leh ka sameeyay daryeelka qalliimada ee gobollada Mudug & Doolo

19 Dec 2025.

Waxaa lasoo gaarsiiyay isbitaalka kadib markii toorreey looga dhuftay dhabarka gaar ahaan labada garab dhexdooda, wuxuu ...
21/12/2025

Waxaa lasoo gaarsiiyay isbitaalka kadib markii toorreey looga dhuftay dhabarka gaar ahaan labada garab dhexdooda, wuxuu ahaa mid naqasku ku dhaganyahay, aan si sax ah uneefsan karin, dhiig wareegiisu hooseeyo isla markaana ku jira xaalad halis ah, raajada casriga ah ayaa muujisay in hawo & dhiig ku noqdeen saableeyda dhinaca midig (R - hemo-pneomothorax) waxaana la galiyay tuubada saableyda waxaana si guul leh ku xallismatay xaaladdiisa oo aad u darnayd!

18 Dec 25
Himilo Hospital - Galdogob

𝗚𝗼𝗼𝗿𝗺𝗮𝘆 𝗵𝗮𝗹𝗶𝘀 𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻 𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗸𝗮 𝗷𝗶𝗿𝗿𝗮𝗻 𝗱𝗵𝗶𝗺𝗶𝗿𝗸𝗮?Haddii aad aragto, maqasho ama xogba kaaso gaarto qof leh calaamadahaan   ...
18/12/2025

𝗚𝗼𝗼𝗿𝗺𝗮𝘆 𝗵𝗮𝗹𝗶𝘀 𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻 𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗸𝗮 𝗷𝗶𝗿𝗿𝗮𝗻 𝗱𝗵𝗶𝗺𝗶𝗿𝗸𝗮?
Haddii aad aragto, maqasho ama xogba kaaso gaarto qof leh calaamadahaan ayaa jirta:
⚠️ Ku fakaraya inuu waxyeello gaysto.
⚠️ ku hanjabaya inuu isdilayo
⚠️ leh calaamado dhimir, haystana hub wax dila.
⚠️ Mar iskudayay waxyeellayn, walina ku fakaraya.

Halistaas waxay galaafan kartaa naftaada, naftiisa ama nafta qof kale markasta, waxaana waajib kaa saranyahay in aad xogta ugudbiso:
⭕️ Booliiska & hay'adaha amniga
⭕️ kooxda xanuunnada maanka oo leh aqoon
⭕️ masuul leh ka go'aan gaarista qofkaas

⚠️ marnaba ha isku dayin inaad adigu xallisato oo qabato qof dhimirka ka xanuunsan, waxay rabtaa aqoon ee uma baahna xoog iyo awood.

⚠️ waa xeer guud "qof kasta oo isdilay, ama qof dilay sabab xanuun dhimirka ah awgeed, waxaa hubaal ah inuu muddo ku fakaray, diyaariyay, sheegay, waana midda cadaysa in qofku maanka ka xanuunsanyahay".

Ogoow calaamadaha xanuunnada maanka ama maskaxdu waa kuwo kala gadisan, kuna xiran hadba nooca xanuunka maadaama xanuunno tira badan haleelaan miyirka & fayoobida maskaxdeenna, kuwaas oo u dhaxayn kara ugu waynaan in qofku dharka tuuro, wax dilo ama is dilo ilaa iyo ugu yaraan in qofku leeyahay dabci (personality) la xariira xanuun sida in uu ka dhex baxsan yahay bulshada.

Dr. Abdulkadir Ibrahim,
Somalia.

Hanbalyo kooxda Himilo Hospital ee kooka Legends Cup oo ka furmay garoonka City Centre kaas oo lagu dhiirigalinayo dhall...
17/12/2025

Hanbalyo kooxda Himilo Hospital ee kooka Legends Cup oo ka furmay garoonka City Centre kaas oo lagu dhiirigalinayo dhallinyarada cuslaatay

Isbitaalku wuxuu kaalin fiican ka qaataa taageerada arrimaha bulshada, isdhexgalka dhallinyarada & wacyigalinta bulshada.

Tababar loo qabtay hawl-wadeenka qeybta hooyada & dhallaanka ee Isbitaalka Himilo.Tababar heerkiisu sarreeyo oo socday 2...
13/12/2025

Tababar loo qabtay hawl-wadeenka qeybta hooyada & dhallaanka ee Isbitaalka Himilo.

Tababar heerkiisu sarreeyo oo socday 2 maalin (12-13 Dec 25) oo gabi ahaanba ku saabsanaa hawlaha kala duwan ee qeybta daryeelka gaarka ah ee ilmaha bisha kayar (NICU) ayaa loo qabtay umulisooyinka, kalkaaliyayaadha & maamulka qeybta waxaana bixisay Halima Ahmed oo ah madaxa qeybta daryeelka ilmaha ee isbitaalka dawliga ah ee Gaalkacyo, ujeedka tababarkaan ayaa ahaa kor uqaadidda xirfadda & aqoonta hawlwadeenka si loo gaaro yoolkeena weyn ee ah adeeg-bixin udhiganta midda dunida casriga ah.

"Xaalimo waa mahadsantahay, safar ayaad usoo gashay si aad uga qeyb-qaadato badbaadada dhallaanka soomaaliyeed, aqoontaada ayaad gudbisay waxaana mudan tahay billad dahab ah" - Dr. Abdulkadir Ibrahim , Agaasimaha isbitaalka.

Jumca wanaagsan 🎉 Himilo Hospital - Galdogob
11/12/2025

Jumca wanaagsan 🎉 Himilo Hospital - Galdogob

09/12/2025

𝐗𝐚𝐟𝐥𝐚𝐝 𝐬𝐚𝐠𝐨𝐨𝐭𝐢𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐮𝐜𝐨 : 𝐧𝐮𝐮𝐧𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐤𝐨𝐫𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐭𝐚 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐢𝐥𝐦𝐚𝐡𝐚 (𝐍𝐈𝐂𝐔). UNICEF Somalia WHO Somalia

𝐗𝐚𝐟𝐥𝐚𝐝 𝐬𝐚𝐠𝐨𝐨𝐭𝐢𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐮𝐜𝐨 : 𝐧𝐮𝐮𝐧𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐤𝐨𝐫𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐭𝐚 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐢𝐥𝐦𝐚𝐡𝐚 (𝐍𝐈𝐂𝐔)Waxay ku dhalatay miyiga tuulad...
09/12/2025

𝐗𝐚𝐟𝐥𝐚𝐝 𝐬𝐚𝐠𝐨𝐨𝐭𝐢𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐮𝐜𝐨 : 𝐧𝐮𝐮𝐧𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐤𝐨𝐫𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐭𝐚 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐢𝐥𝐦𝐚𝐡𝐚 (𝐍𝐈𝐂𝐔)

Waxay ku dhalatay miyiga tuulada dhagafur ayadoo sidka uurkeedu ahaa 6 bilood, waxaa la keenay isbitaalka ayada oo leh calaamada nolosha qaarkood oo kaliya, xaalado daryeel oo kala duwan ayay ku qaadatay waxay soomartay dhalada ilmaha lagu koriyo, tan diirrimaadka siisa, mudo ay caawin uga baahnayd maaraynta oksijiinteeda, xaalado kala duwan oo quudinta ah ugu danbayn waxaa laga saaray isbitaalka ayada oo fir-fircoon, naaska sifiican u nuugta islamarkaana xaalad dagan ku jirta, isugayn waxay qeybtaan ku jirtay 40 maalmood, ayada iyo hooyadeedba usoo duceeya in ilma hanaqaada oo wanaagsan Eebbe uga yeelo.

Mahad gaar ah kooxda sida joogtada ah daryeelka usiinayay ugu danbaynna ayada iyo hooyadeedba ku sagootiyay xaflad qurux badan.

Himilo Hospital - Galdogob

𝐇𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐱𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐥𝐝𝐨𝐠𝐨𝐛, 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐬𝐨𝐨 𝐡𝐨𝐲𝐢𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐠𝐮𝐮𝐥 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤h𝐢 𝐚𝐡 𝐦𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢   @2023@2025
29/11/2025

𝐇𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐱𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐥𝐝𝐨𝐠𝐨𝐛, 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐬𝐨𝐨 𝐡𝐨𝐲𝐢𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐠𝐮𝐮𝐥 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤h𝐢 𝐚𝐡 𝐦𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢



@2023
@2025

Jimce wanagsan dhammaantiin - Himilo Hospital
27/11/2025

Jimce wanagsan dhammaantiin - Himilo Hospital

Address

Mogadishu
252

Telephone

+252905564982

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Himilo Hospital - Galdogob posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Himilo Hospital - Galdogob:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category