28/07/2014
Madaxweynaha Somaliland Oo Qurbo-jooga UK la Oogay Salaadii Ciidul fidriga
ciidul fidrigaLondon:- Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Siilaanyo,ayaa maanta la tukaday Salaada Ciidul-fidriga ee sanadka 1435 Ciidul fitridii sanadkan islaamka ee 1435, ayaa u ahayd jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalada London mid uga duwan dhamaan ciidihii h**e ee ay ku ciideen dalka Ingiiiska ka dib markii uu kala qayb galay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo booqasho ku jooga dalka Ingiiiska.
Wuxuu Madaxweynuhu uu halkaa ugu hambalyeeyey dhamaan shacbi weynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan. waxaana uu yidhi madaxweynuhu Waxaan ” Walaalayaal dhamaantiin meel kasta oo aad joogtaan reer Somaliland aan idiin rajeynayaa in aad nagula Ciidaan farxad iyo barwaaqo, waxaana aan illaahay idiinka baryayaa in uu sanadkan sanadkiisa uu illaahay bash-bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo” ugu danbeyntii Xuska Munaasabadaa Ciidul fitrida ee uu Madaxweynuhu kala qeyb galey Salaadii Ciida Jaaliyada reer Somaliland ee london ayaa ku soo geba-geboobay jawi aad u wanaagsan oo nabadgelyo ah.