24/10/2022
Habeenimo wangsan asxaabta, cawa waxan ka hadli dona neural tube defect.
■waa maxay neural tube defect( NTD) ?
NTD waa xanuunno la soo koobay oo ku dhaca maskaxda iyo xangulada ilmaha inta uu uurka ku jiro ,sababta NTD loogu bixiyayna waxa weeye ilmuhu marka uu jiro 22-28 maalmod waxa samaysma tubo ay dareemayaasha iyo xangulada iyo maskaxduba kasii samaysmi doonnaan oo loo yaqaan "neural tube" oo ah tuunbadii daremayaasha, "defects" kuna waxa weeye khalkhal ku yimaada samaysankeeda amaba cilad ku timaada marka laysku darana waa cilada ku timaada tuunbada dareemayaasha .
Haddii tuu badaasi xagga hoose ka xidhmi waydo amaba inta lafdhabarta ku beegan waxa uu ilmuhu ku dhalanayaa (Spina bifida )
spina bifida oo ah ilmaha oo lafdhabarta kasoo baxdo xanguladu iyo neerfuhuba waxay u kala baxa nsaddex qaybood
●"spina bifida occulta: oo aannay soo baxayn neeerfuhu kalliya soo buurranayso timona kasoo baxayaan
● "meningocele: oo ah miday soo buurranayso dareerraha xanguladuna ku soo darsamayaa inta lafdhabarta kasoo baxaan balse aanay neerfuhu soo raacayn.
● myelomeningocele: oo ah mid ay kusoo darsamayaan neerfuhu waana nooca ugu xun.
Haddii ay tubadaasi ka xidhmi waydo xaga sarre waxay keentaa xanuunno kale oo NTD ka mid ah lana kala yidhaahdo (Encephalocele) sidoo kalena loo yaqaan (Cranium Bifidum)oo ah inay madaxa xaga danbe kiish ka samaysmo iyo (Anencephaly ) oo ah ilmaha oo ku dhasha maskaxda qaybta sarre oo maqan iyo lafta madaxaba .
■Sidee baa looga hortagi karaa ?
Waxa looga hortagi karaa iyadoo haweenayda uurka leh la siiyo Folate sidoo kalena loo yaqaan Folic acid oo ah vitamin B9 madaama oo aanay cuntada ku jirin la cuno si gaar ah ayay tahay inay u qaataan haweenka uurka leh.
Folic acid kaliya k**a hortagto xanuunada aan sheegay sidoo kalena xanuunada ay ku dhashaan caruurtu ee xagga wadnaha ahna waa ka hortagtaa sababtasaana loo siiyaa .
Haweenayda uurka lihi waa inay maalin walba qaadataa 0.4mg oo Folate ah ,kuwa halista ugu jira hoos u dhaca folic acid ee uu hayo xanuunka diabetes ka qaata dawooyinka lagu daweeyo suuxdimaha (Anticonvulsants )kuna waa inay maalin walbaa qaataan xadi ah 4mg .
Dr. FilsanHabeenimo wangsan asxaabta, cawa waxan ka hadli dona neural tube defect.

Dr. Filsan