Ladnan Voluntary Hospital

Ladnan Voluntary Hospital DARYEELKA UMADDA

AscDhamaan umadda Islaamka ugu hambalyeynaayaa in berri oo Jumco ah ay tahay maalin Ciid ah.
20/04/2023

Asc
Dhamaan umadda Islaamka ugu hambalyeynaayaa in berri oo Jumco ah ay tahay maalin Ciid ah.

23/03/2023

Dhamaan Umadda Muslimiinta gaar ahaan Muslimiinta Soomaaliya waxaan leenahay RAMADAAN KARIIM.
Waxaa kale oo ogeysiineynaa walaalaha Soomaaliyeed in Isbitaalka uu shaqeynayo bisha barakeysan ee Ramadaan Sabti ilaa Khamiis saacadda 06:00am subaxnimo ilaa 03:00pm galabnimo.

Dad badan ayaa nasoo wacaya oo na weydiinaya su'aal ah:Maalmahee shaqeysaan?Walaal waxaan shaqeynaa Sabti, Axad, Isniin,...
13/02/2023

Dad badan ayaa nasoo wacaya oo na weydiinaya su'aal ah:
Maalmahee shaqeysaan?
Walaal waxaan shaqeynaa Sabti, Axad, Isniin, Talaado, Arbaco iyo Khamiis INSHA'ALLAAH.
Saacadaha shaqadana waa 06:00am Subaxnimo ilaa 03:00pm Galabnimo INSHA'ALLAAH.

Waxaa kale oo aan idin sheegeynaa walaalayaal inaad halkaan naga soo weydiin kartaan su'aal walba oo ku saabsan dhanka caafimaadka, waxaan idin kugu soo jawaabi doonaa sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan.

Dhammaan adeegyada isbitaalka waa lacag la'aan.
Nagala soo xiriir:
0611896506 || 0611896507 || 0611896508
Ama Whatsapp: 0611896507.
Soo dhawaada

Asc.Ladnan Voluntary Hospital waxaad ka heleysaa adeegyo caafimaad oo aad ku qanacdo INSHA'ALLAAH.Isbitaalka wuxuu ku ya...
12/02/2023

Asc.
Ladnan Voluntary Hospital waxaad ka heleysaa adeegyo caafimaad oo aad ku qanacdo INSHA'ALLAAH.
Isbitaalka wuxuu ku yaalaa Degmada Wadajir, Suuqaweyn.
Adeegyada uu bixiyo waa lacag la'aan kusoo dhawaada.
Saacadaha shaqada waa 6:00am subaxnimo ilaa 03:00pm galabnimo.
Waxaad kala xiriiri kartaa 0611896507 ama 0611896508.

06/02/2023

Isku soo noqod wanaagsan dhamaan umadda Soomaaliyeed.
Waxaan idin sheegaayaa in la furay isbitaalka LADNAN VOLUNTARY HOSPITAL oo kuu qaban doono adeeg caafimaad oo lacag la'aan ah.
Isbitaalku wuxuu ku yaalaa Degmada Wadajir Muqdisho Soomaaliya.
Kusoo dhawaada gacma furan iyo weji furan.

بسم الله الرحمن الرحيمWaa maxay Findoob?Finanka ugu badan ee wajiga ka soo baxo waxaa loo yaqaanaa "Acne", Afka soomaali...
29/09/2022

بسم الله الرحمن الرحيم

Waa maxay Findoob?
Finanka ugu badan ee wajiga ka soo baxo waxaa loo yaqaanaa "Acne", Afka soomaaligane waxaa lagu dhahaa "Findoob" waa nabro yaryar oo ka soo baxa sanka kaliya ama wejiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro maqaarka ku dhex abuuran oo aad u yaryar oo soo saara dufan maqaarka subkiya, qanjirradaas ayaa ka xirma afka kadibna way bararaan markii la riixane waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo dadka qaar ay moodaan malax.
Findoobka wuxuu ku dhacaa wiilasha iyo gabdhaha intaba, wuxuuna u badan yahay xilliga ay qaangaarayaan.

Meeqo nuuc ayuu u kala baxaa Findoobku?
Marka ugu h**eysa uu finka soo bixi rabo waxaa la dreemaa meel jirka aan la sinnayn oo ka soo kacsan, waana astaanta ugu horayso ee la dareemo inta finka uusan soo bixin, waxaana afka qalaad lagu dhahaa "Comedones", waxay arintaan dhacdaa markii dulduleelada wajiga ee aadka u yaryar ay bilaabmaan in ay xirmaan, waxaana jira waxyaabo badan oo xeri kara kuwaasoo hoos aan ku faahfaahin doonno waxaana loo yaqaanaa "Comedogenic", sidaa darteed waxyaabaha la isku qurxiyo oo aad wajiga u isticmaali rabtid waa inay noqdaan "non-comedogenic" taasoo macnaheeda ah "dulduleelada wajiga aanan xirayn". shirkadaha qaarkood way ku soo qoraan waxyaabaha ay sameeyaan oo maqaarka loo adeegsado.
Waxaa ku xiga oo dadka qaar isku arkaan fin afka h**e ka furan, waxaana loo arkaa sidii dhibco madmadaw oo kale oo wajiga ku firdhisan waxaana loo yaqaanaa "Blackheads", markii aad loogu dhawaadane waa sida godad yaryar oo aad moodid in la dulduleeliyay.
Waxaa kaloo jira finan afka ka daboolan oo kuusma, waxaana ku jira wax cad oo jilicsan oo dadka qaar ay iska tuujin karaan, waxaana loo yaqaanaa "whiteheads", tan wax dhib ah badanaa ma reebto markii la tuujiyo, maalmo ka dib way baaba'daa, caadi ayuuna wajiga ku soo laabtaa, waxay badanaa lagu arkaa sanka dhinacyadiisa iyo garka.
Mararka qaar meelihii dufanka ku xirmay ayaa caabuq yeesho, waxaana lagu fahmi karaa in xanuun la dareemo markii la taabto, haddii la tuujiyane wuu ka sii daraa oo barar iyo xanuun ayuu keenaa, finankuna si dhakhso ah ayay ku faafaan, wayna gaduudataa meesha la tuujiyay, waxayna reebtaa haar ama madaw wajiga ku hara, waana muhiim in aadan tuujin fin xanuun leh oo jirkaaga ka soo baxa, tani waa khalad ay dad badani ku dhacaan, finka markuu sidaan noqdo waxaa loo yaqaanaa "papules" ama "Pimples" lamana taabto.
Haddii aad tuujisid finkii h**e wuxuu isku badalaa wax loo yaqaano "Pustules", tanoo ah fin malax gashtay, weli waa muhiim in aadan taataaban oo aadan ka dhiijin malaxdaas, haddii kale wajiga wuu kaa hallaabayaa, waxaa jira daawooyin loo qaato markay xaaladdu halkaa gaarto waana muhiim in aad dhakhtar maqaar la xiriirtaa, laakiin inta ka horayso siyaabo dabiici ah ayaa loola tacaalaa sida aad ku arki doontaan qeybta hoose.
Haddii finka ay wax ka soo bixi waayaan oo uu sii bararo wuxuu isku badalaa xaalad loo yaqaano "nodules" qofka wuxuu wajigiisa yeelanayaa kuus kuus tira badan, waana qasab in aad dhakhtar la xiriirtid markay sidaan noqdaan.
Waxaa qofka la dhihi karaa wuxuu qabaa Findoob markii ugu yaraa 20 fin ay soo baxaan, taasoo haddii si khalad ah loola tacaalo reebi karo haaro wajiga ku samaysma.

Maxaa keeno Findoobka?
Inkastoo waxyaabaha toos u keeno finankaan aan la garanayn laakiin waxaa jira waxyaabo dhowr ah oo dadajiya ama saacida soo bixitaankiisa oo ay ka mid tahay:
Daawooyinka qaar, sidaa darteed waa isticmaalka daawooyinka aan laguu qorin khaasatan kuwa korka la mariyo.
Heerka hormoonnada qofka (hormoonnada kacsan ee loo yaqaano "Androgens" ayaa lala xiriiriyaa soo bixidda finanka wajiga ee u badan dhalinyarada, xilliga qaangaarka ama waqtiyada haweenka ay uurka leedahay, saas ayaana loogu magac daray).
Jeermiska (waxaa la sheegaa in ay jirto bakteeriyo badanaa lala xiriiriyo in ay ka qeyb qaadato samaysanka haaraha wajiga markii finanka ay soo baxaan ka dib) in bakteeriyo ay ku dhalatay finka wajiga waxaa lagu fahmaa in finkii uu xanuun yeeshay, midabkiisane uu isbadalay.
Qanjirrada dufanka wajiga oo aad u shaqeeya (Haddii qanjirrada soo daayo dheecaanka subkiya maqaarka ay aad u shaqeeyaan, waxay keeni kartaa in saliidda ku xiranto sidaasne ay finan ku samaysmaan)
Diiqada (welwelka iyo fekerka) - Fakarka, stresska ama walwalka waxaa lala xiriiriyaa findoobka.
Hurdo yarida ama hurdo xumida waxay ku jirtaa waxyaabaha ka qeyb qaato findoobka.
Cabitaan yarida: dadka badanaa aan cabin biyaha caadiga ah way ka finan badan yihiin dadka aadka u cabo biyaha, waana arrin cilmibaaris lagu ogaaday sababtoo ah, dadka jirkoodu uu leeyahay biyo ku filan badanaa ma xirmaan qanjirrada dufanka ee jirka ku yaallo.
Cunnooyinka qaar waxaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin findoobka sida shokolaatada, caanaha, cunada leh karbohaydareetka, Vitamiinka A iyo E-ga.
Allarjiga iyo xasaasiyadda: dadka qaarkiis wuxuu jirkood falcelin ka sameeyaa cunnada qaarkood ay isticmaalaan, waxayna tani keenaa finan wajiga ka soo baxo

Yuu ku badan yahay Findoobka?
Acne waa dhibaato ay ka sheegtaan in ka badan 85% dhalinyarada mana ahan cudur halis ah, dhibaatada ugu weyn uu keeni karane waa wajiga oo haaro yeesho, dhaawac nafsaani ah, niyad jab iyo ka go'idda bulshada (tan oo u badan gabdhaha).

Sidee looga hortagaa Findoobka?
Nadaafadda waxay dowr weyn ka ciyaartaa furidda afka qanjirrada saliidda ee xirmay si aysan finan cusub u samaysmin.
Si joogto ah wajigaaga biyo nadiif ah ugu dhaq, adigoo aadan isticmaalin saabuun ama kiimiko kalaba.
Finanka ka daa gacmahaaga, hana tuutuujin, waxa ku jirane haka soo saarin.
Ka fogow cunnooyinka warshadaysan ama kuwa bacaysan
Jooji isticmaalka sigaarka iyo daroogada kale.

Findoobka ma leeyahay daawo?
Findoobka waxaa loo isticmaalaa daawooyin badan oo ay ka mid tahay bamaatooyin la marsado laakiin waxaa kugu haboon in aad u tagto dhakhtar maqaar si loo arko finankaaga noocooda iyo heerka ay marayaan sida aan ku soo faahfaahiyay qeybta kore. Waxaa kaloo jira xanuuno maqaar oo dhowr ah oo u eg Findoobka oo lagu daaweeyo daawooyin ka duwan.

Siyaabaha dabiiciga ah ee loola tacalo "Findoobka"?
Waxaa jira waxyaabo badan oo dabiici ah oo lagula tacaalo markuu findoobka cusub yahay, dadkuna way ku kala duwan yihiin siday ugu fiicnaadaan, sidaa darteed waxaan halkaan ku xusi doonaa waxyaabaha waxtarkooda la xaqiijiyay, fadlan haddii aad tahay dadka allerjiga qabo waxaa lagaa yaabaa in waxtarka daawo dhireedkaan sidii la rabay inaad ku noqon wayso ee la xiriir dhakhtarkaaga.
Khalka Tufaaxa ee aan la sifayn "Unfiltred Apple Cider Vinegar": waxaa badanaa lagu darsadaa cunanda sida saladka, wuxuuna wax ka taraa findoobka, wuxuu qallajiyaa saliidda badan ee wajiga, wuxuuna furaa qanjirrada xidhan, wuxuuna la dagaallamaa bakteeriyada wajiga ku dhalato, laakiin waa in aad xad yar ka isticmaashaa markaad wajiga ku dhaqanaysid, kadibne biyo ka dambaysiisaa. waxaa laga helaa dukaamada qaarkood isagoo diyaar ah.
Malab iyo qorfe la isku shiiday: sida aan horay uga soo hadalnay labadaan daawo waxay aad ula dagaallamaan caabuqa noocyadiisa kala duwan khaasatan kuwa maqaarka ku dhaca. 2 qaaddo oo malab ah iyo 1 qaaddo oo qorfe ah ayaad isku shiidaysaa markay xanjo camal noqdaan ayaad ku dhajinaysaa meelaha nabraha ay kaaga yaallaan muddo 10 daqiiqo ah, kadibne waad ka dhaqaysaa. Ogow waa in malabku uu yahay mid dabiici oo saafi ah.
Babayga: sidaan horay uga hadalnay geedka babayga, waxaa ku jira maaddo loo yaqaano "papain" taasoo ka hortag u ah caabuqa iyo samaysanka malaxda khaasatan markuusan aad u bislaan. markaad qolofta iyo maraha ka saartid, babayga waad shiidaysaa adigoo biyo ku darain, markuu cajiin oo kale noqdo ayaad marsanaysaa wajiga, 15 daqiiqo ka dib waxaad uga dhaqaysaa biyo qandac ah.
Qolofta oranjada ayaa la shiidayaa markay budo noqoto ayaad ku daraysaa biyo yar si ay u noqoto waxa wajiga lagu dhajin karo, waxay kaa caawin doontaa in unuygada dhintay ee maqaarka ay kaa nadiifiso, qanjirrada xidhanne inay furto, 20 daqiiqo ka dib waad iska dhaqaysaa.
Geedka dacarta: sidaan horay uga soo hadalnay faa'idooyinka geedkaan waxaa ka mid ah in maqaarka uu daawo uga yahay cudurro badan, wuxuu yareeyaa bararka, finanka iyo caabuqa ku dhasho wajiga. dhareerka geedka ayaa la marsadaa wajiga, waxaadna isticmaashaa nooca caleemaha balballaaran ee qodxaha leh, markaad kala dhambashid caleenta waxaad ugu dhax tagi doontaa wax sidii maro cad oo khafiif ah, oo dhareer badan leh, taasi ku tirtiro wajiga, muddo 30 daqiiqo ka dibne ka dhaq wajigaaga dhareerka qallalay.
Qolofta mooska: Mooska waxaa ku jira maaddo loo yaqaano "Lutein" sidaan horay uga soo hadalnay wuxuu jirka ka saaraa sunta, wuxuuna ka hortag u yahay hurka iyo balbalka maqaarka ku dhasho, qolofta dhinaceeda gudaha ee jilicsan ayaad wajiga ku tirtiranaysaa, kadibne 30 daqiiqo ka dib waad iska dhaqaysaa.
Qiiqa: biyo kulul oo liin lagu daray markii wajiga aad ku uumisid ama qiiqa uu kugu baxo waxay si dagdag ah ku furaan qanjirrada xidhan ee dufanka leh, isku dabool muddo 10 daqiqo ah biyo kulul oo liin lagu dhiijiyay, maalintiiba hal mar samee sidaan muddo usbuuc ah.
Cunista toonta: fadlan wajigaaga toon ha u dhawaynin, laakiin cunnada ku darso tan waxay difaac kaa siin doontaa ka hortagga caabuqyo tira badan oo aan horay u faahfaahinay, fadlan dib u booqo qoraalkii toonta aan kaga hadalnay.

Maxaa talo i siinaysaa?
Iska ilaali in aad marsatid kareem ama daawo dhakhtar uusan kuu qorin, waxaa dhici karto in ay wajiga kaa foolxumayso ama kugu reebto haaro aan kaa fuqi doonin ama dhaawac maqaarka in aad is gaarsiisid. Fadlan la xiriir dhakhtar haddii finanka wajigaaga ay ka sii darayaan ama is badalayaan.

Wixii su'aalo ah fadlan lasoo xiriir 0615428171 ama Whatsapp

Dhibaatooyinka Uurka (Pregnancy problems)Inta aad uurka leedahay, waxa laga yaabaa inaad yeelatid xoogaa ah dhib iyo raa...
25/09/2022

Dhibaatooyinka Uurka (Pregnancy problems)
Inta aad uurka leedahay, waxa laga yaabaa inaad yeelatid xoogaa ah dhib iyo raaxo-daro hadba marka jirkaagu is beddelo. Isku day talaabooyinkan aasaasiga ah oo la hadal dhakhtarkaaga ama kalkaalisada si aad u heshid talo dheeraad ah. Ha isticmaalin wax ah dawooyinka la iska iibsan karo warqad dhakhtar la'aan ama dhir/geedo adiga oo aan marka h**e la hadlin dhakhtarkaaga.

Waxaan qormadaan uga hadli doonaa dhibaatooyinka ugu caansan ee la soo dersa haweenada uurka leh waxaan ka mid ah:

• Walac (Morning Sickness)

• Daal (Fatigue)

• Hurdada oo dhib ah (Trouble Sleeping)

• Cirib dhiigid (Bleeding Gums)

• San cabur iyo san-goror (Epistaxis & Nose stuffiness)

• Danqasho naaska ah (Tender Breast)

• Laabjeex (Hearburn)

• Bararka gacmaha iyo cagaha (Swelling of Hands and Feet)

• Kaadi badni (Polyurea)

• Calool-adag ama Shuban (Constipation or Diarrhea)

• Baabasiir/Bawaasiir (Hemorrhoids)

• Dhabar-xanuun (Back pain)

• Maroojis Lugta ah (Leg Cramps)

• Xidido Dhiig oo Bararsan (Varicose Veins)

• Dheecaan siilka ah (Vaginal Discharge)

• Madax-xanuun (Headache)

• Hergab/Ifilo (Cold/Flu)

• Xanuun Caloosha ah ama Qabashooyin (Abdominal Pain or Contractions)

• Dawakhmid (Dizziness)

• Xiriirka galmada (Sexual relations)

• Isbeddelada Niyada ama Fikirka (Changes in Mood or Thinking)

• Jamasho cunto (Food Cravings)

• Maqaarka, Timaha iyo Cidiyaha (Skin, Hair and Nails)

Muxuu yahay Ebola?Cudurka Ebola waxa uu ka mid yahay cudurada la xiriira qandhooyinka dhiig-baxa ee keena feyral-ka (Vir...
24/09/2022

Muxuu yahay Ebola?
Cudurka Ebola waxa uu ka mid yahay cudurada la xiriira qandhooyinka dhiig-baxa ee keena feyral-ka (Viral Hemorrhagic Fevers) waxa waaye koox cuduro oo keena feyruus badan oo kala duwan.
Cuduradan waxay ku dhacaan qaababka xubnaha kala duwan ee jirka isla hal waqti. Waxay waxyeelo u geystaan mariinada dhiiga, iyo carqaladeynayaan awooda hab u socodka jirka.
Qaar ka mid ah cudurka VHF waxa ay yihiin kuwo baaba’a, laakiin kuwo kale waxay noqon karaan kuwo raga. Badanaaba waxay dhaliyaan dhiig-bax, iyo waxyaabo kale oo lagu garto. Dhiig-baxa aad buu u yaryahay in uu sababo dhimasho.

Hadii aan soo koobo cuduradaan qandho dhiig baxa ah waxaa ka mid ah:
• Cudurka dhiig dureerka ee loo yaqaano Ebola
• Marburg
• Lassa
• New World arena viruses
• Machupo (Qandhada loo yaqaano Bolivian hemorrhagic fever)
• Junin (Qandhada loo yaqaano Argentine hemorrhagic fever)
• Guanarito (Qandhada loo yaqaano Venezuelan hemorrhagic fever)
• Sabia (Qandhada loo yaqaano Brazilian hemorrhagic fever)
• Rift Valley Fever
• Indho Caseeye (Yellow Fever)
• Kyasanur Forest disease virus
• Omsk hemorrhagic fever

Sidee aad ku qaadi karta cuduradan?
Sida caadada ah, dadka waxay cudurkan VHF ka qaadaan shillinta, kaneecada ama jiirka. Dadka waxa cudurkan qaadi karaan marka ay soo gaaraan kaadida, saxarada iyo waxyaabo kale ee ka yimaada jiirka cudurka qaba. Dadku waxay kale oo ay ka qaadi kara cudurka VHF qaniinyada kaneecada ama boodada, ama burburinta shillinta. Mararka qaarkooda, ma cada sida dadka ay cudurkan u qaadaan.

Ma ka qaadi karta cuduradaan dad kale?
Qaar ka mid ah feyruusyada cudurka VHF – oo ay ka jiraan Ebola, Marburg iyo Lassa – waxay ku faafin karaan cudurka qof ilaa ka qof. Ayaga waxay ku faafiyaan dadka la leh xiriirka dhow dadka qaba cudurka ama dheecaanka jirkooda. Dadka waxay kale oo ay ka qaadi karaan waxyaabaha soo gaara cudurka sida irbidaha ama siliingo.

Halkee cudurka Ebola ku faafaa?
Cudurakaan markii ugu h**eysay ka soo if baxay wadanka congo awalne la dhihi jira Zair, magacane uu ka qaatay webi halkaa ku yaala, wadamada uu ku faafo waxaa ka mid ah Congo, Gabon, Sudan, Ivory Coast, Uganda.

Maxaa ka mid ah calaamadaha lagu garto cudurka Ebola?

• Qandho

• Madax xanuun

• Kalabaxyo xanuun

• Murqo xanuun

• Tabardarri

• Shuban

• Matag

• Calool xanuun

• Nabro Jirka ka soo yaaca

• Indhaha oo gaduuta

• Hingo (hiccup)

• Dhiig ka yimaada jirka gudihiisa ama banaankiisa

Sidee la igu ogaan karaa inaan cudurkaan qaaday?
Waxaa jita dhawr baaritaano oo ay ka mid tahay ELISA, PCR

Ma laga hor-tagi kara cuduradan?
Tallalada ayaa loo helaya qaar ka mid ah cudurada VHF, waxa ku jira cudurka indho caseeyaha. Baaritaanka tallaalka waxa lagu sameeyey feyruusyada kale ee VHF. Meelaha laga helay cudurkan ee dabiiciga ah, dadaalka lagula dagaalamo kaneecada iyo shillinta waxay caawin karan ka hor-taga qaar ka mid ah noocyada cudurka VHF.
Laakiin maadaama cuduraka Ebola aan loo haynin wax tallaal ah waxaa lagula talinayaa dadka ku nool meeshuu ka dilaaco inay ka baxaan dadka qabana la karantiilo, inta la joogtane inay ka fogaadaan dheecaanada bukaanka iyo inay xertaan dhar ka hortag ah.

Wax daawo ah ma leeyahay cudurka Ebola?
Nasiib xumo ilaa iyo hada wax daawo ah lama hayo, inkastoo dadka qaba cudurkaan la siiyo daawooyin kaalmaati ah sida: fuuq celin, cadaadiska dhiiga oo la kontoroolo, Oksajiin in la siiyo qofka iyo in laga daaweeyo infekshanada kale ee la socda cudurka.

Waa maxay biyo-bax degdeg ah?Biyo-bax degdeg ah ama waxa loo yaqaano caafimaad ahaan "Premature Ej*******on" loona soo g...
24/09/2022

Waa maxay biyo-bax degdeg ah?
Biyo-bax degdeg ah ama waxa loo yaqaano caafimaad ahaan "Premature Ej*******on" loona soo gaabiyo "PE" waa xaalad ragga uu ku biyo-baxo muddo labo daqiiqo gudahood ah.
Ragga badankood waxay la kulmaan xaaladaan ugu yaraan hal mar noloshooda, waxay kaloo diraaso la sameeyay sheegtay isku celcelis muddada ay ragga ku biyo-baxaan inay tahay 5 ilaa 6 daqiiqadood.

Waxaa klaoo jira qeexid kale oo oranaysa hadduu ninka biyo-baxo iyadoo weli xaaskiisa dhamaysan inuu qabo "PE".

Howsha galmada waxay u baahantahay inuu jiro Rabitaan (Lipido), Kacsi (Arousal) iyo Biyo-bax (Or**sm), haddii saddexdaas mid la waayo hawlgab ayaa jiro.

Maxaa keeno biyo-bax degdeg ah?
Biyo-baxa waxaa loo kala qeybiyaa labo marxaladooda oo kale ah:
Wejiga saarista biyaha (Emission) oo ah illaa ay ka soo gaarto ibta.
Wejiga gamista biyaha (Expulsion) oo ah wixii ka dambeeyo xaaladda kor ku xusan.
Biyo-baxa degdegga ah haddii qofku isku arko isagoo awal fiicnaa waxaa loo yaqaanna "Secondary PE" laakiin haddii uu qabay inta uu ka qaangaaray waxaa loo yaqaannaa "Primary PE" waxayna ku kala duwanaanayaan daaweynta.
Waxaa la aaminsanyahay in sababaha keeno PE-da ay yihiin badanaa dhibaatooyin nafsaani ah oo ay ka mid tahay niyad-jabka, welwelka, cabsida iyo waxyaabo kale.
Waxaa kaloo keeni kara dhibaato maskaxeed, isbedel heerka hormoonada, dhibaatooyinka prostaytka, cudurro dhaxal ah iyo daawooyinka qaar.
Si loo ogaado waxa keenay dhibaatadaan waxa loo baahanyahay in qofka laga qaado warbixin buuxda oo taabanayso qeybaha noloshiisa sidaa awgeed, waxaa habboon in aad u tagto dhakhtar.

Sidee loo daaweeyaa xaaladdaan?
Daaweynta waxaa loo kala qaadaa 3 nooc oo kala ah:
1- In la daaweeyo haddii ay jiraan cudurro kale oo keeni karo xaaladdaan (Tusaale: heerka cunsurka magniisiyamka oo ku yaraada qofka)
2- Tababar nafsaani ah: tababarkaan waxaa lagu dheeraayaa mudada biyo-baxa iyadoo la isku dayo in la joojiyo dibne loo bilaabo galmada dhawr jeer ama tababar lagu magacaabo "Kegel Excercise" oo lagu xoojiyo murqaha miskaha si qofku awood ugu yeesho inuu kontorooli karo murqahaas.
3- Daawooyin la qaato: waxaa ka mid ah daawooyinka dheereeya mudada biyo-baxa "SSRIs" waana daawo ah lidka-diiqada iyo welwelka.

waxaa kaloo jira bamaato kabuubiso (Lidocaine) ah oo la marsado taasoo keento in dareenka uu yaraado sidaasne ay ku dheeraato muddada.

F.G: waxaa dhici karo inaad aragtid ama maqashid daawooyin iyo waxyaabo kale oo tira badan oo la xayaysiinayo oo la leeyahay waxaa lagu daaweeyaa xaladaan iyo wixii la mid ah ee adigoo la tashan takhtar aqoon u leh xaaladaada, ha isticmaalin maxaa yeelay waxay keeni karaan dhibatooyin hor leh.

Waxaa kaloo muhiim ah in xaaladdaan laga sooco kacsi la'aanta oo ah iyadane mushkilad kale oo keento hawlgabka galmada.
Waxaad hoos ka heli kartaa qoraallo iyo su'aalo kale oo la xiriira qoraalkaan:
1- Howlgabka Kacsiga
2- Waa maxay farqiga u dhaxeeyo kacsi la'aanta iyo biyo-baxa degdegga ah?
Haddii aad qabto su'aalo kale ama u baahantahay faahfaahin dheeraad ah, isla halkaan ku weydii

Waa Maxay Siigeysi?Siigeysasho ama waxa loo yaqaanno "ma********on" waa in qofku uu biyo iska keeno isagoo ku falaadayo ...
24/09/2022

Waa Maxay Siigeysi?
Siigeysasho ama waxa loo yaqaanno "ma********on" waa in qofku uu biyo iska keeno isagoo ku falaadayo xubnihiisa taranka.
Caadadaan ma ahan mid diinta, dhaqanka iyo caafimaadkaba u roon, dhibaatooyin badan ayaaa laga dhaxlaa, dhalinyaro badan oo cadadaan joogteysay ayaa illaa hadda la rafaadsan dhibaatadii ka soo gaartay oo weli xal u heli la'.

Dadka ugu badan oo cadadaan sameeyo waa dhalinyarada waliba wiilasha xilliga qaangaarka ku jiro iyo sanadaha ku xiga.
Waa maxay dhibaatada caafimaad ee Siigeysashada?
Caadeysiga siigeysashada waxay keentaa dhawr dhibaato oo caafimaad darro ah, waxaa ugu muhiimsan:
1- Daal iyo tabardarri joogto ah weliba khaas ahaan hadduu qofka joogteyso maadaama xilliga qofka uu samaynayo arrintaan uu jirkiisa oo dhan wda kacsan yahay oo dheecaanno iyo hormoonno badan la soo daayo kuwaaso ay ka mid tahay in murqaha jirka dhan ay giijismaa, qanjirrada sida kuwa dhididka oo wada shaqeeyo, korontada iyo dhambaallada maskaxda oo aad u sarreeyo. marka haddii xaaladdaan jirka uu la qabsado waxay saamaynaysaa habdhiska jirka noocyadiisa kala duwan.
2- Xanuun dhabarka qeybtiisa hoose ah, kaasoo saamayn kara murqaha, ricirrada lafdhabarta iyo carjawda u dhaxeyso intaba, tan mustaqbal ahaan waxaa dhici karto inay carqalad u keento galmada dabiiciga ah.
Timaha oo yaraadaan ama daataan, joogteynta caadeysiga siigada waxay khalal ama isbaddal ku samaysaa hormoonnada jirka, tan waxaa ka mid ah kuwa qaabilsan korrinta iyo kobcinta timaha, taasoo haddii ay yaraato ama la waayo ay timaha daciifi karaan ama si sahlan u daadan karaan.
4- Kacsi la'aan (Hawlgabka kacsiga ee dhalinta), hami yarida iyo kacsi la'aanta waa cillad ay keenaan waxyaabo badan, siigeysiga wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ugu horreeeyo oo arrintaan ay keento khaas ahaan markuu qofka la qabsado siigaysiga.
5- Biyo-bax degdeg ah, in qofka uu in muddo ah uusan celin karin biyahiisa xilliga galmada waxay noqon kartaa raad uu siigeysiga ku reebay waana dhibaato aad ugu badan dhalinyarada guursatay awalne caadadaan joogteyn jiray.
6- Aragga oo caad yeesho ama aragtida oo daciif noqoto waa xaalad lagu arko dhalinyarada ku duqowday siigaysashada oo muddada dheer soo samaysay, mana ahan caadkii indhaha fuuli jiray ee la yaqiinnay "cataract" ee waa nooc ka duwan.
7- Bisqinleyda iyo xiniinyaha oo xanuuna.
8- Xanuun iyo casiraad laga dareemo moqor miskeedka iyo dabaqanaanta.
9- Qofku wuu ku walfi karaa oo dhib ayay hadhowdii ku noqoneysaa in uu iska gooyo caadadaan, waxayna saameyn kartaa nolosha guurka iyo qoyska, hadduu qofka arrintaan iska jari kari waayo.
10- Wuxuu kaloo keenaa waxa loo yaqaano "Semen leakage" oo ah in biyuhu soo dareeraan iyadoo wax dareen kacsi ah uusan jirin ama iyadoo kacsi jirin in qofka uu biyo-baxo ama isagoo aan dareeminba.
11- Dhibaato nafsaani ah sida hilmaamidda iyo xifdin la'aanta, tanni waa mid ay dhakhaatiirta arrintaan la tacaalo ay ka sheegaan dadka caadaystay howshaan, waana arrin ay dhib badan tahay in caafimaad ahaan loo xalliyo haddii ay kaa soo gaartay siigeysiga.

Sidee loo joojin karaa Siigeysiga?
Waxaan kula talin lahaa dhalinyarada arrintaan samayso in ay diinta wax khilaafsan ay tahay, caafimaadka iyo mustaqbalkoodane saameyn weyn ku leh, sidaa awgeed haddii aad awooddo in aad guursato oo arrintaan si sharci ah oo caafimaadne ku heli doontid ay kuu suuragalayso waan kugu la taln lahaa, haddii aadan awooddaas aadan haynin, waxaan kugula talinayaa in aad raacdid taladii rasuulkeena nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee in uu dhalinyarada kula dardaarmay in ay soomaan haddii uu dareenkooda uu kacsan yahay, waana wax cilmi ahaan loo arkay in soonka uu hoos u dhigo hormoonnada la xiriira kacsiga.
Haddii aad caadadaan ku walaftay ama aad 'addict" ku tahay, waa in aad aragtd dhakhtar 'psychologist' si lagaaga gooyo caadadaas.
Haddii dhibaato ay iga soo gaartay Siigeysiga, Sidee ku xallin karaa?
Siigeysiga haddii la joojiyo waxuu jirka isku dayaa in uu dib isku habeeyo oo uu saxo wixii isbadala ama khalal ku dhacay xagga dheecaannada iyo hormoonnada kontroola jirka qeybihiisa kala duwan, way ku kala duwan yihiin qofka inta uu caafimaadkiisa ku soo ceshan karo, waxayne ku xiran tahay muddada aad caadadaan samayn jirtay.
Haddii ay dhibaatooyinkaan kugu daaheen oo ayna kaa go'antahay in caadadaan aad joojisid, fadlan la xiriir takhtar aad ku kalsoon tahay si uu talo kaa siiyo.

Talo Guud:
1- Fadlan jooji cadaadan.
2- Cunto isku-dheelli tiran cun, waxaad badsataa khudradda iyo fruits-ka, qeybihiisa kala duwan.
3- Sameey jimicsi joogto ah sida in aad rucleyso ama socod lugta ah aad gasho muddo nus saac ah.
4- Iska jooji caadooyinka kale ee xunxun oo arrintaan kuu horseedi karo sida daawashada filimaanta xunxun iyo isticmaalka maandooriyayaasha sida Qaatka iyo wixii la mid ah.
5- Haddii aad waalid tahay oo aad caruurtaada uga cabsi qabtid arrintaan waa in aad si waalidnimo iyo saaxiibtinnimo ku jirto aad kala sheekaysataa caruurtaada adigoo si dadban oo aan cannaan iyo ciqaab ku jirin uga wacyi galiya.
Haddii aad u baahantahay faahfaahin dheeraad ah ama su'aalo aad qabtid waad na soo weydiin kartaa.
Caafmaad baan idin rajaynayaa.

Meningitis-ku ama Qoor-gooyaha sida soomaalida u taqaanno, waa cudur halis ah oo si dhakhso u dila caruurta iyo dadka wa...
24/09/2022

Meningitis-ku ama Qoor-gooyaha sida soomaalida u taqaanno, waa cudur halis ah oo si dhakhso u dila caruurta iyo dadka waaweynba, wuxuu nafeeyaa, maskaxda, indho-beel ayuu keenaa ama dhagoolnimo, haddii aanan 24-ta saac ee ugu horreyso wax laga qaban.

Waa xanuun waaliddin badan ay ku waayeen caruurtooda maadaama si kadis ah uu ku billawdo, una eg xanuunnada leh qandhada iyo madax xanuunka laakiin ka helis badan, wax ka qabadkiisane waqti xadidan leh.
Meningitis waa infekshan ku dhaca xuubyada ku daboolan maskaxda iyo xangullaha lafdhabarta "Spinal Cord" dhex mar.
Markuu infakshanka ku dhaco, xuubyada ama dahaarka maskaxda way bararaan, kadibne qofka wuxuu dareemaa calaamada lagu garto xanuunka oo ah madax xanuun, qandho iyo surka ama qoorta oo togmato ama adkaato.

Xanuunka waxaa keeno dhowr nuuc oo jeermis oo kala ah feyras, bakteeriyo fangas intaba.

Dhibaatada xanuunka uu geesto waxay ku xiran tahay heerka uu xanuunka yahay inta aan daawada lagu bilaaban iyo nooca jeermiska ee keenay iyo haduu qofka qabo xanuuno kale iyo da'da uu jiraba.

Qofka markuu xanuunka ku dhaco waxay calaamadaha uga soo muuqdaan dhowr maalmood gudahooda wuxuuna dareema qandho siyaado ah iyo madax xanuun daran, qoorta oo taaganta, matag, wareer, qalal, dhacsanaan hurdo iyo iftiinka oo qofka dhibo, ama finan maqaarka ah haduu yahay nooca ay keento bateriyada loo yaqaano meningococcal.

Ilmaha da'da yar calaamadaha kore way ka duwanaan karaan in ay la yimaadeen laakiin hadii lagu arko, qandho siyaado ah, ooyin joogto iyo ilmaha oo iska hurda ama dhaqdhaqaaq iyo fircooni aan lahayn iyo iyagoo naaska ama caanaha diida iyo barar laga dareemo nushnushleyda waxaa dhici karto in meningitis uu qabo.

Dhibaatooyinka halista ah ee hadii cudurkaan aan la daaweyn laga dhaxlo waxaa ka mid ah:
Dhagoolnimo, Hilmaan, Waxbarashada oo caruurta ku adkaato, maskaxda oo naafowdo taasoo keeni karo jirka qeybo ka mid ah oo dhaqaaq lahayn, socoda oo qaldamo, qalal joogto ah, kilyaha oo howlgabo, qofka inuu miirka ka tago ama uu u dhintaba.

Fadlan xanuunkaan waa halis si sahal ah ayuuna caruurta iyo haweenka uurka leh iyo dadka duqooshinka u dilaa, hadii calaamadahaan kor ku xusan isku aragto sida ugu dhakhsiyaha badan ula xiriir isbitaal.
Xanuunka baaritaankiisa waxaa lagu ogaadaa, iyadoo lafdhabarta laga qaado dheecaanka maskaxda oo laga fiiriyo calaamado lagu garto qoor-gooyaha iyo nooca uu yahay intaba.

Qof kasta lagama qaadi karo dheecaankaas, waxaa jiro xaalado aan la qaadi karin sida haduu cadaadiska maskaxda ay sarreyso, oo helis ah haddii dheecaanka la isku dayo in la qaado.

Hadii xanuunkaaga waqti h**e la helo, daaweyntiisa way sahlan tahay, waxaana lagu daaweeyaa antibiotic cirbado ah, waana xanuunada hadii laga shakiyo daawada horay laga bilaabo oo baaritaan lala sugin.

hadii aad qabtid su'aal dheeraad ah ama faahfaahin waad na soo weydiin kartaa.

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 06:00 - 15:00
Tuesday 06:00 - 15:00
Wednesday 06:00 - 15:00
Thursday 06:00 - 15:00
Saturday 06:00 - 15:00
Sunday 06:00 - 15:00

Telephone

+252611896507

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ladnan Voluntary Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Ladnan Voluntary Hospital:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category