30/09/2025
🩺 Cilmi-baadhis Muhiim ah oo ku Saabsan Da'ada Dhalmada 1aad ee Haweenka Soomaaliyeed.
Kulliyadda Culuumta Caafimaadka iyo Cuduradda "Tropica"-da ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay Bulshada la wadagysa cilmi-baadhis cusub oo uu sameeyay Ustaad Abdirahman Osman Alin iyo Dr. Abdisalam Hassan Musse, oo lagu daabacay European Journal of Clinical and Experimental Medicine (Sep 2025). Daraasaddan oo cinwaankeedu yahay “Determinants of Time to First Birth Among Women of Childbearing Age in Somalia – A Survival Analysis Model” ayaa ku saleysan xogtii Sahanka Caafimaadka iyo Dadweynaha Soomaaliyeed 2020, iyadoo la adeegsanayo habka Cox Proportional Hazard Model.
Daraasadda ayaa muujisay in 71.19% dumarka Soomaaliyeed ay guursadaan ka hor da’da 20, halka waxbarashadu noqotay qodobka ugu weyn ee saameeya, maadaama 84.37% dumarka aan waxbarasho lahayn ay dhalaan ilmahooda ugu horreeya ka hor da'ada 20 Jirka, Halka kaliya 0.79% dumarka waxbarashada sare leh ay ilamhooda u horeeyaan ku dhalaan isla da'adaas. Sidoo kale, gobollada Togdheer, Galgaduud iyo Bay ayaa lagu arkay heerka ugu badan ee Haweenka ku dhala da'ada ka yar 20 sanno.
Cilmi-baadhayaashu waxay ku baaqayaan in kor loo qaado waxbarashada haweenka, si loo horumariyo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee Soomaaliya.
Maamulka Kulliyaddu waxay ugu mahadcelinayaa doorka cilmibaariseed ee qiimaha badan ee Ustaad Abdirahman Osman Alin ka qaatay adeegga bulshada Soomaaliyeed.
Waxaad ka akhrisan kartaa cilmi-baadhista oo dhamaystiran halkan:
Determinants of time to first birth among women of childbearing age in Somalia – a survival analysis model Abdirahman Osman AlinAbdisalam Hassan Museage at first birthreproductive age womenSomaliasurvival analysis determinants_of_time_to_first_birth_among_women_of_childbearing_age_in_somalia_-_a_s...