23/11/2025
Agaasimaha Isbitaalka Gobolka Galgaduud, Dr. Abukar Cali Farax, oo ay wehliyeen dhaqaatiir iyo qaar ka mid ah shaqaalaha isbitaalka, ayaa maanta deegaanka Xananbuure ka sameeyay baaritaanno caafimaad iyo daaweyn ay ka faa’iideysteen in ka badan 150 qof, kuwaas oo isugu jiray waayeel, caruur iyo dumar.
Ololahan caafimaad ayaa qeyb ka ah dadaallada isbitaalka ee lagu gaarsiinayo adeegyada muhiimka ah meelaha ka fog xarumaha caafimaadka, gaar ahaan Xananbuure oo maalmihii la soo dhaafay uu ka socday olole nabadeynta bulshada.
Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa noqoneysa hay’addii ugu horreysay ee adeeg caafimaad toos ah ka fulisa deegaanka intii ololaha nabadeyntu socday, taas oo bulshada ku abuurtay rajjo iyo mahadcelin ballaaran.