Dr Nuur Geedi

Dr Nuur Geedi Walaal Kusoo dhawoow Page-ka waxaad halkaan kala socon doontaa arimaha Caafimadka

07/12/2025

WAR FARXAD LEH
—————————
Caruurta jirta 5-15 sano oo loo helay talaalka gowracatada.

Soomaaliya waxay la tacaaleysaa faafitaanka cudurka GOWRACATADDA. Sanadadii la soo dhaafay.

Gobolka Banaadir kaliya, sanadkan waxaa cudurka soo ritay 1,335 carruur, 71 kamid ahna way u dhimatay, dhammaan carruurtaas waxay ahaayeen kuwa aan tallaalnen ama aan dhammeystirin tallaalka.

Tallaalku waa habka kaliya ee lagu joojin karo cudurka GOWRACATADDA.
Gobolka Banaadir waxaa la bilaabi doonaa ololaha tallaalka, kaas oo lagu tallaali doono carruurta da’doodu u dhaxeyso 5–15 sano, waxaana tallaalka loogu geynay doonaa:
✅ Iskuullada
✅ Dugsiggayadda qur’aanka
✅ Xaafaddahha
✅ Xarumaha caafimaadka

Fadlan tallaal ilmahaaga. Ugana faa’iidey fursadan.
Aan si wadajir ah u joojino cudurkan!

06/12/2025

Asc walalaha muxsininta ah aan caawino yarkaa xanuusan .
0619194735 yaasiin maxamed muuse
Meel dheer aan gaarsiino
Follow share and like

01/12/2025

Asc, walalaha muxsiniinta ah oo kheyrka jecel waxan Iidinka codsaneynaa in aad soo caawisaan wiilkan xanuunsan mudda 4 sano ah oo 15 jirka ah deggan degmada Jowhar Somalia waxna looga qaban waayay magaaladan reerkiisuna aad udan yaryihiin waxan ku boqanay hoygiisa manta oo Tarikhda tahay: 01/ dec / 2025 fadlan la xiriira wiilka walaalkiis yasin maxamed muse
Tel +252519194735
قال الله تعالى: ( وتعاونوا على البر والتقوى ) ، وقال النبي صلى الله عليه وسلم: " والله في عون العبد ما كان العبد في عون أخيه "

𝗙𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱-𝗸𝗮 𝗞𝗼𝗼𝘀𝘁𝗮𝗱𝗮 🥬 (Spinach)Koostadu waa khudaar aad u nafaqo badan, waxayna ka kooban tahay dhammaan qa...
01/12/2025

𝗙𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱-𝗸𝗮 𝗞𝗼𝗼𝘀𝘁𝗮𝗱𝗮 🥬 (Spinach)
Koostadu waa khudaar aad u nafaqo badan, waxayna ka kooban tahay dhammaan qaybaha muhiimka ah ee jirku u baahan yahay. Waxay qani ku tahay:
✅ Fiitamiino:
• Vitamin A
• Vitamin C
• Vitamin K
• Folate (Vitamin B9)
✅ Macdano:
• Iron (Bir)
• Calcium
• Manganese
1. Waxay xoojisaa aragga indhaha
Vitamin A ee ku jira koostadu wuxuu ka hortagaa:
• Indho qalayl
• Hoos-u-dhac aragga habeenkii
• Xanuunnada kale ee indhaha ku dhaca
2. Waxay xoojisaa lafaha
Vitamin K oo ku badan koostada wuxuu ka qayb qaataa samaynta borotiinka la yiraahdo osteocalcin oo lafaha adkeeya.
Sidoo kale calcium-ku wuxuu taageeraa:
• Koritaanka lafaha
• Ka hortagga lafo jilicsanaanta (osteoporosis)
3. Waxay ilaalisaa unugyada jirka
Vitamin A wuxuu xoogga saaraa unugyada loo yaqaan:
• Epithelial cells
Kuwaas oo daboolka u ah xubnaha sida:
• Maqaarka
• Mindhicirka
• Sambabada
4. Waxay hagaajisaa dheefshiidka
Fiber-ka ku jira koostadu wuxuu:
• Ka hortagaa calool-fadhiga
• Caawiyaa dheefshiidka
• Nadiifiyaa mindhicirka
5. Waxay xoojisaa difaaca jirka
Vitamin C iyo Vitamin A waxay:
• Kordhiyaan awoodda jidhka ee la dagaallanka cudurrada
• Yareeyaan halista infekshannada
6. Waxay ka qaybqaadataa xinjiraysiga dhiigga
Vitamin K wuxuu firfircooni geliyaa:
• Qodobada xinjirowga dhiigga (clotting factors) Taasi waxay ka hortagtaa:
• Dhiig bax xad-dhaaf ah
• Dhibaatooyinka dhiigga la xiriira
✅ 𝗧𝗮𝗹𝗼:
Isku day inaad koostada u isticmaasho:
• Salad
• Maraq
• Cunto la kariyey
• Cabitaan (smoothies)
📢 Fadlan la wadaag fariintan (Share-dheh) si ay uga faa’iideystaan dhammaan bulshada.
✍️ Dr. Nur Geedi

🚨 DIGNIIN MUHIIM AH KU SOCOTA DADKA QABA MACAANKA (DIABETES) 🚨Maalmahan waxaa aad u soo badanaya bukaan qaba macaanka (s...
30/11/2025

🚨 DIGNIIN MUHIIM AH KU SOCOTA DADKA QABA MACAANKA (DIABETES) 🚨
Maalmahan waxaa aad u soo badanaya bukaan qaba macaanka (sonkor / kaadi macaan) oo:
🔴 Faraha ama lugaha ka madoobaada
🔴 Nabaro yeesha oo aan bogsan
🔴 Hilibka ka dhinta (gangrene)
🔴 Ugu dambaynna lagu qasbo in far ama lug la gooyo
Sababta ugu weyn waa:
➡️ Daawada oo aan si joogto ah loo qaadan
➡️ Sonkorta oo aan la cabbirin
➡️ Daryeel la’aan joogto ah
➡️ Kabo difaac ah oo aan la isticmaalin
✅ MAXAA LAGA RABAA QOFKA QABA MACAANKA ?
✔️ Daawada si joogto ah u qaado sida dhakhtarku qoro
✔️ Si joogto ah u cabbir sonkorta dhiigga
✔️ Cagaha maalin walba fiiri (xitaa haddii uusan xanuun jirin)
✔️ Isticmaal kabo jilicsan oo lugaha ilaalinaya
✔️ Ha ku socon cagaha oo furan
✔️ Haddii nabar ama madoobaan aragto — dhakhtar isla markiiba tag
🤲 FADLAN
Haddii aad taqaan qof qaba cudurka macaanka: ✅ U sheeg khatarta
✅ Ku dhiirigeli inuu dhakhtar la xiriiro
✅ Ka caawi helitaanka daryeel joogto ah
👉 Cag jaristu ma aha qadar Alle oo keliya, inta badan waa natiijada dayaca daawaynta.
Daaweyntu waa badbaado, dayacaaduna waa halis.
Dr Nuur Geedi

Tayada shahwada iyo tirada shahwada waxay fiicnaan kartaa1. Waxay fiicnaan kartaa haddii aad cunto borotiin badan sida k...
27/11/2025

Tayada shahwada iyo tirada shahwada waxay fiicnaan kartaa

1. Waxay fiicnaan kartaa haddii aad cunto borotiin badan sida kalluunka, ukunta iyo lowska.

2. Waxay fiicnaan kartaa marka aad joogteyso jimicsiga fudud sida socodka 60 daqiiqo maalin kasta.

3. Waxay fiicnaan kartaa haddii aad iska yareyso stress-ka oo aad nasasho fiican hesho.

4. Tayada shahwada iyo tirada shahwada waxay fiicnaan kartaa marka aad cabto biyo badan.

5. Waxay fiicnaan kartaa haddii aad cunto cuntooyinka zinc-ka badan sida digirta iyo hilibka lo’da.

6. Waxay fiicnaan kartaa haddii aad ilaaliso miisaankaaga oo aad ka fogaato cayilka iyo waxyaabaha sokorta ku badan tahay

7. Waxay fiicnaan kartaa haddii aad cunto miro antioxidants badan leh sida koostada iyo canabka.

8. Waxay fiicnaan kartaa marka aad seexato hurdo kugu filan, ugu yaraan 7–8 saacadood habeenkii.

Waxaan hambalyo & boggaadin ku aadan munaasabadda 21-ka November ee maalinta macalinka Soomaaliyeed u dirayaa dhamaan ma...
21/11/2025

Waxaan hambalyo & boggaadin ku aadan munaasabadda 21-ka November ee maalinta macalinka Soomaaliyeed u dirayaa dhamaan macalimiinta soomaaliyeed.
Macallin waad mahadsantahay.

𝐌𝐚𝐫𝐛𝐮𝐫𝐠 𝐕𝐢𝐫𝐮𝐬 𝐃𝐢𝐬𝐞𝐚𝐬𝐞 𝐦𝐚 𝐟𝐨𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐛𝐨𝐨𝐧 𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚𝐛𝐚?Cudurka Marburg waa cudur aad kha...
20/11/2025

𝐌𝐚𝐫𝐛𝐮𝐫𝐠 𝐕𝐢𝐫𝐮𝐬 𝐃𝐢𝐬𝐞𝐚𝐬𝐞 𝐦𝐚 𝐟𝐨𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐛𝐨𝐨𝐧 𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚𝐛𝐚?

Cudurka Marburg waa cudur aad khatar u ah oo uu keeno fayraska Marburg, kaas oo ka tirsan isla qoyska fayrasyada Ebola. Wuxuu sababi karaa dhiigbax, qandho daran, tabar-daro, madax-xanuun, matag iyo shuban. Cudurka wuxuu leeyahay heer dhimasho” case fatality rate “ oo gaaraysa 50% ilaa 90% xaaladaha qaar, taas oo ka dhigaysa fayras aad u halis badan.

Marburg Virus Disease wuxuu ku bilaabmaa calaamadaha caadiga ah sida qandho, madax-xanuun, ama daal badan, lkn waxay isku bedeli karaan mid halis ah dhowr maalmood gudahood. Fayraska Marburg wuxuu ku fidaa taabashada dareeraha jirka sida (dhiiga, dhididka, mataga, kaadida) ee qof cudurka qaba.

𝐃𝐇𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐃𝐎𝐖𝐋𝐀𝐃𝐀
1- Xoojinta nidaamka kormeerka cudurada: Hubinta qofka imaanayaa dalka ha ka bilaabato marka diyaarada laga soo d**o, sido kale dhamaan shaqaalaha caafimaadka in la wargaliyo inay soo report gareeyeen qofkii ay uga shakiyaan calaamadaha cudurka.

2- Tababarida shaqaalaha caafimaadka: Tababar loo bilaabo shaqaalaha caafimaadka ka shaqeeya laga soo bilaabo Primary health centers-ka, ilaa Isbitaalada si ay u gartaan una report gareeyan qofkii ay ka shakiyaan.
DIYAAR-GARAW iyo TABABAR, TABABAR, TABABAR.

3- Diyaarinta qolal gaar ah: si deg deg ah in qolal gaar ah oo loogu talagalay bukaanada laga shakiyo.

4- Wacyigelinta shacabka: Si bulshada u fahmaan halista cudurka ka imaan karto iyo talaabooyinka ka hortagga.

𝐃𝐇𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐒𝐇𝐀𝐂𝐀𝐁𝐊𝐀
1- inay ka fogaadaan taabashada qofka lagu arko calaamadaha fayraska, gaar ahaan hadii uu qandho daran, dhiigbax ama matag leeyahay.

2- Inay si joogto ah u dhaqaan gacmaha iyagoo adeegsanaya saabuun ama jeermis-dile.

3- Inay si degdeg ah u soo wargaliyaan xarumaha caafimaadka hadii qof qoyskooda ah uu leeyahay astaamaha Fayraska Marburg.

Wax Ka Ogow Dabecadada DhiigaO+waa dhiiga ugu badan dunida waa O+(38%)groupkani wuxuu leeyahay dabeecado ugaara kuwo fii...
10/11/2025

Wax Ka Ogow Dabecadada DhiigaO+

waa dhiiga ugu badan dunida waa O+(38%)

groupkani wuxuu leeyahay dabeecado ugaara kuwo fiican iyo kuwo

xunba oo ay leeyihiin Dadka Dhigoodu O+ yahay.

(Common personality traits),Astaamaha ay wadaagan ayna kasimanyihiiin dadka dhiigoodu O+ yahay.

1. Waa dad isku kalsoon mid nafsiyan ah ujeedo cad iyo go,aan qadashona leh .

2. Sidoo kale waa dad bulshaawi ah oo dad la dhaqan wanaagsan.

3. Waa qof furfuran oo si fudud ay isku fahmi

karaan dadka lana qabsada isbedelada.

4. Badanaa Dad O+ ka ahi waa dad ka caanbka noqoda bulshadana kabdhex muuqda.

5. Waa dadka u badan ee ciyaara khamaarka sababto ah k**a baqaan khasaaraha

6. Waa dad soo jidasho leh Qaabka Muqaal Ahaantooda.

7. Wuxuu leeyahay dulqaad

8. Waana Dad Adkeeysi Badan dhan walbo Hadey Noqoto xataa dhanka cafimaadka.

9. Waa qof firfircon oo wax soo saar leh abuuri kara fekred cusub.

10. Wuxu u nugul yahay xanuunada ay ka midka

yihiin gasteri iyo gasteric ulcer(boog calooled) sababtoo ah waxa ku badan asiidha caloosha.

11. Waxaa kale oo ku yar hormoonada thyroid ka (hypothyroidism) taaso kenta inuu kordho miisanka qofku

12. Waa dadka Dunida Ugu Hurdada Jecel

13. Waa qof fiiro dheer.

14. Dadyowgani waxa ay guursadan dad qurux badan Hadey dumar tahay nin Qurux badan hadu rag yahayna si lamida.

15. Intooda badani waxey jecel yihiin inay Cunaan Hilib ka.

16. Dadkan waxaa kaso baxa siyaasiyiin/ lataliyayaasha, Dadka Caanka ah iyo Dadka suuqgaynta ku fiican (marketing ah).

17. Waxa ku yar naxariista waana digtaytar jecel in fekerkooda uun la qaato

18. Dadkani ma ahan dad dabeecadooda Lasaadaalin karo wax walbo dhex dhexaad bay ka yihiin.

19. Qof garasho badan ," ogaal,leh"

20. Qof Dhanka wanaagsan wax ka eega(Positive)

21. Qof dareenkiisa aan qarsann karin

22. Qof Qableh(Proud)

23. Sidoo kale Qof aan khaladka qaadan haba, yaraadee.

Guntii iyo gebagebadiiCalaamadahan ama astasmahan iska Eeg hadii aad isku aragto waxaadkamid tahay dadka dhigan leh (O+).

08/11/2025

My best friend

TOBANKA FOOLXUMO ee ka dhacay Banadir Hospital.1-waxaa isbitaalka laga saaray hooyo foolanaysa oo ku jirta TRUE LABOR il...
07/11/2025

TOBANKA FOOLXUMO ee ka dhacay Banadir Hospital.

1-waxaa isbitaalka laga saaray hooyo foolanaysa oo ku jirta TRUE LABOR ilmahana kasoo jeedaan.

2-hooyada marki ay xaruunta soo gashay ayada oo fool ah lama baarin, xog lagama qorin, kumbuyuutar lama saarin waxaana la leeyahay waa bilo dhiman, sidee lagu ogaaday? Waxay ku jawaabeen ayadaa sheegatay!

3- waxaa la sheegay in isbitaal kale loo xawilay, ma qof ilmaha kasoo jeedo ayaa xawilaad gala?

4- isbitaalkee loo xawilay? habraaca xawilaada ama transfer mala raacay oo isbitaalki mala wacay, xirfadle caafimaad malagu daray?

5- labadi sano ee lasoo dhaafay waxaa isbitaalka lagu wareejiyay dhowr Ambulance laga keenay wadanka sucuudiga kuwaasoo ku fadhiya boqolaal kun dollar, maxaa lagu qabtaa haddii aan bukaan xaaladaas ku jiro lagu qaadin?

6- waxaa la sheegay in la waayey mashiinka neefsiga ( Ventilator), isbitaalka waxaa lagu qarash gareeyey labadi sano ee lasoo dhaafay lacag ku dhow 2 milyan oo dollar oo qalabeyn ah kuwaasoo ka timid mashaariicda world bank, sidee loo waayey mashiin yar oo ventilator ah oo ilmaha lagu badbaadiyo?

7-waxaa la sheegay in kiiska uu dhacay 26/10/2025, maamulka isbitaalka xogtaas yuu la wadaagay? Masuuliyadana yaa qaaday? mise social media marku yimid ayaa la kala orday!

8- mala awoodi waayey in hooyada laga dhaliyo markaas kadib haddii ay ilmaha gargaar u baahdaan Ambulance lagu qaado oo la geeyo goobta ugu haboon, nolosha hooyada ma sidaas ayey raqiis u tahay.

9-isbitaalka mandate-kiisa muxuu yahay hadduu hooyo foolanayso isbitaal kale u xawilaayo, sow xaruunti referral-ka hooyada iyo dhalaanka maaha, sow xaruunti HIV,TB, Talaalka, nafaqada, measles IWM maaha? Waa meel loogu talo galay inan bukaan sina looga xawilin maxay ku dhacday?

10- isbitaalka sow lacag bukaanka dhalmada k**a qaado? Sow 250 shaqaale dawlada mushaar ma siiso? Sow hay’ado tiro beel ah taageero kuma bixiyaan? Sow lacag lagama qaado boqolaalka arday oo tababr ku qaato isbitaalka ( medicine, nurse, midwife, laboratory, public health)? Waxaas oo dakhli ah ma badbaadin weysay hooyo soomaaliyeed oo ilmaha ay kasoo jeedaan?

Xaqiiqda aan liska indho tiri karin ayaa ah in isbitaalka aan shacab loogu shaqeyn ee shaqsiyaad ku shaqeystaan, iyo in wasaaradi caafimaadka aysan diyaar u aheyn xisaabtan dhab ah mararka qaarna ay ka shaqeynayso marin habaabin cad.

Foolxumada CCTV ee maanta la daawaday waa wax aan laga sheekeyn karin!!!!

Address

Hodon
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Nuur Geedi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram