Dr.Suleyman Abdullahi Mohamed

Dr.Suleyman Abdullahi Mohamed Former CEO of Kalkaal Hospital.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha  – Tiirka Arrimaha Bulshada (SHCT) iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka B...
29/10/2025

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha – Tiirka Arrimaha Bulshada (SHCT) iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayay soo qaban-qaabiyeen Wada-hadalka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga (PPP) ee Qaybta Caafimaadka oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan muhiimka ah waxa uu isu keenay wakiillo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada, hay’adaha caafimaadka gaarka loo leeyahay, deeq bixiyaasha, bahwadaagta iyo ururrada bulshada si loo xoojiyo iskaashiga lagu horumarinayo adeegyo caafimaad oo la heli karo, loo dhan yahay, oo tayo leh guud ahaan dalka.

Waxaa lagu soo bandhigay Mudnaanta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) ee qaybta caafimaadka waxaa la galay Doodo ku saabsan noocyada cusub ee PPP-yada, maalgelinta caafimaadka, iyo hubinta tayada adeegyada oo ay qayb galeen dhinacyo kala duwan.

.

Kalmad Kooban: Hirgelinta Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka SoomaaliyeedMaanta waxaan ka jee...
11/10/2025

Kalmad Kooban: Hirgelinta Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliyeed

Maanta waxaan ka jeediyay kalmad ku saabsan hirgelinta xeer muhiim ah oo ilaaliya xuquuqda bukaanka iyo shaqaalaha caafimaadka.

Hooyooyinka uurka leh muddo ayay ku dhibanaayeen helidda nidaam u oggolaanaya inay isu-saxiixaan qaliinnada lagu badbaadinayo iyaga iyo ubadkooda. Laga bilaabo maanta, nidaamkii h**e ee lagu khasbi jiray seyga ama waalidka waa la baabi’inayaa.

Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay haweenka Soomaaliyeed iyo hormarka nidaamka caafimaadka dalka.



Waxaa sharaf ii ahayd inaan ka qeyb galo Shirka Ganacsiga Mareykanka–Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda Sooma...
06/10/2025

Waxaa sharaf ii ahayd inaan ka qeyb galo Shirka Ganacsiga Mareykanka–Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka.

Ujeedka ugu weyn ee shirkan wuxuu ahaa in la abuuro jawi fududeeya isdhexgal, iskaashi iyo faa’iido wadaag.

Shirka waxaa soo qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo muujisay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal. Ka qeybgalka Madaxweynaha wuxuu dhiirrigelin xooggan u noqday ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Mareykanka si ay u ballaariyaan iskaashiga ugana faa’iideystaan fursadaha soo kordhaya.

Ganacsatada iyo maal-gashadayaasha Mareykanka ee booqanaya Soomaaliya ayaa muujiyey go’aankooda ku aaddan inay la shaqeeyaan ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybaha muhiimka ah ee hal-abuurka, beeraha, caafimaadka, tamarta, tignoolajiyada iyo gaadiidka.

Waxaa shalay ka qeyb galay furitaanka shirka isku duwida Caafimaadka Soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Was...
02/10/2025

Waxaa shalay ka qeyb galay furitaanka shirka isku duwida Caafimaadka Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Caafimaadka,Agaasimaha Guud, wakiillo ka socda wasaaradaha caafimaadka ee dowlad-goboleedyada, agaasime waaxeedyada Wasaaradda caafimaadka iyo saaxiibada taageera qaybta caafimaadka dalka, private sector ka iyo Academyada.

waxaana looga hadlay horumarinta qorshaha caafimaadka Qaranka iyo soo bandhigidda warbixinnada waxqabadka mashaariicda caafimaad ee socda.

.

Waxaan galabta Mogadishu kaga qeyb galay xaflad si heer sare ah ay u soo agaasimtay safaarada china ee somalia.Xafladaan...
07/09/2025

Waxaan galabta Mogadishu kaga qeyb galay xaflad si heer sare ah ay u soo agaasimtay safaarada china ee somalia.

Xafladaan ayaa darneed sanad guuradii 76aad Markii ay China la helay iyo 80tan guuradii Markii ay China ka adkaatay Japan.

Waxaa xaflada kasoo qeyb galay dhamaan safaarada ha kala duwan ee wadanka joogo,ardaydii wax ku soo baratay China iyo xubnaha dowlada kala duwan ee soomaliya.

Soomaaliya waxay abaal weyn u heesa China Hadii ahaan laheed deeqo waxbarasho, dhismayaal dowladeed,wadooyin,isbitaalo iyo xarumo kala duwan.

Waxaan ka mid ahay dadkii wax ku soo bartay china oo ka faaiideestay.

Waxaa nasiib u helay inaan ka qeyb galo daahfurka rasmiga ah ee Hiigsiga Qarni-Jirka 2060, oo uu si rasmi ah u furay Mad...
23/06/2025

Waxaa nasiib u helay inaan ka qeyb galo daahfurka rasmiga ah ee Hiigsiga Qarni-Jirka 2060, oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Hiigsiga 2060 waa qorshaha dheer ee dalka oo hagi doona waddada nabadda, barwaaqada, iyo horumarka waara. Haddaba,
Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) ayaa noqonaya dariiqa ficil ahaan u fuliya himiladan — isagoo u beddelaya aragtidan qaran iyo natiijooyin wax ku ool ah.

Waa ballan-qaad qaran oo loo diyaariyay jiilasha maanta iyo kuwa berrito si loo xaqiijiyo mustaqbal ay dhammaan Soomaalidu ka faa’iideyso.

Hiigsiga2060

Waxaan nasiib u yeeshatay inaan ka qeyb galo dood ay soo qaban qaabisay   oo marti ku ahaa Xildhibaan  . Martida madasha...
21/05/2025

Waxaan nasiib u yeeshatay inaan ka qeyb galo dood ay soo qaban qaabisay oo marti ku ahaa Xildhibaan .

Martida madasha Magan Talk oo aragtiyo iyo waydiimo ku biirinaya 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐢𝐛-𝐮-𝐝𝐡𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 oo uu caawa lagu qabtay hotel Jazeera.

Waxaan ka kororsanay madasha in Ganacsatadu looga baahan yahay ka qeyb qaadashada dowlad dhiska wadanka,bixinta canshuurta,ka qeyb qaadashada wax ku soo celinta bulsho iyo raadinta xuquuqda ka maqan dowlada.

Isbitaalada kalkaal ayaa ku guuleystey abaal marinta isbitaalada ugu wanaagsan 2025 ee East African Somali Awards, taaso...
15/04/2025

Isbitaalada kalkaal ayaa ku guuleystey abaal marinta isbitaalada ugu wanaagsan 2025 ee East African Somali Awards, taaso ka dhacdey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaan Nasiib u yeeshtay Inaan u gudoomo Abaal marintaan oo isbitaalada ku muteeysdeen dadaalkii 10 kii sano ee bulshada oo ka haqabtireen baahi badan oo wadanka dibadiisa looga maarmay in Loo aado.

Isbitaalada Waxa ay noqdeen isbitaaladii ugu h**eeyay Ee ku guuleestay fulinta Qaliimada furan Ee caruurta iyo dadka waaween ee wadanaha.


Ciidul fitr Mubarak!Hambalyo dhamaan umadda muslimiinta meelkasto oo ay caalamka ka joogaan ehel iyo asaxaab. Ilaah hana...
30/03/2025

Ciidul fitr Mubarak!

Hambalyo dhamaan umadda muslimiinta meelkasto oo ay caalamka ka joogaan ehel iyo asaxaab.

Ilaah hanaga aqbalo soonka,salaada iyo acmaasha kheyriga ah.

Dood Cilmiyeed: Waxaan ka qeyb galay dood cilmiyeed ku saabsan Fulinta Qorshaha Isbadalka qaranka 2025-2029, (qaybta caa...
02/03/2025

Dood Cilmiyeed:

Waxaan ka qeyb galay dood cilmiyeed ku saabsan Fulinta Qorshaha Isbadalka qaranka 2025-2029, (qaybta caafimaadka), Fursadaha la haysto, caqabadaha kahor imaan kara iyo talooyin farsamo:

Dood cilmiyeedkaan waxa soo agaasimay waaraada caafimaadka,e-health somalia iyo jaamcada simad.

Dooda qeybta naga quseesay waxa ay aheed qaabka looga hirgelin karo iskaashiga gaarka ah ee dadweynaha(PPP), kasoo muhiim u ah dhisida isbitaalo,ceymiska caafimaadka iyo wax soo saarka dawaada.

.

Ramadan Mubarak! Ilaah hanaga Aqbalo acmaasha kheyriga ah.
01/03/2025

Ramadan Mubarak!
Ilaah hanaga Aqbalo acmaasha kheyriga ah.

Al hamdullilah,Waxaa ilaah mahadiisa ah in xalay inoo qabsoomtay xaflad qurux badan oo isbitaalada kalkaal qabteen oo ku...
14/02/2025

Al hamdullilah,

Waxaa ilaah mahadiisa ah in xalay inoo qabsoomtay xaflad qurux badan oo isbitaalada kalkaal qabteen oo ku aadan daahfurka xarunta qaliimada wadnaha.

Howshaan quruxda badan waxaa qeyb ka weyn ka qaatay maamulka sare isbitaalada kalkaal,shaqaalaha weynaha isbitaalada.

Xaruntaan waxay baahi weyn ka dabooli doontaa in looga maarmi doono in dibada loo aado.

Waxaan u mahadcelineena dhamaan martidii kasoo qeyb gashay oo iskugu jira, agaasimayaal,dhaqatiir,ganacsato,oday dhaqmeed,xildhinaano,wasiiro iyo qofkasto nasoo ajiibay waa u mahadcelineenaa.

.
Kalkaal Hospital Kalkaal Hospital- Afarta Jardiin

Address

Digfeer Road, Hodan District Mogadishu
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Suleyman Abdullahi Mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr.Suleyman Abdullahi Mohamed:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category