Yardimeli Specialist Hospital

Yardimeli Specialist Hospital To improve the overall health situation in Somalia. Providing a higher level of health and preventative services for the population. Improving the overall
(1)

27/04/2026

Xafiiska Caafimaadka Isbitaalka Yardimeli ayaa u qabtay shaqaalaha (Nurses & Midwives) tababar ku saabsan Infection Prevention and Control (IPC) si loo xoojiyo badqabka bukaannada iyo shaqaalaha.

Tababarku wuxuu diiradda saaray ka-hortagga caabuqyada, yareynta halista infekshanka, iyo kor u qaadista nadaafadda isbitaalka.

Tababar uu so Agaasimey Xafiiska Caafimaadka  Isbitaalka Yardimeli ayaa howlwadeenada Isbitaalka u qabtay tababar ku saa...
27/04/2026

Tababar uu so Agaasimey Xafiiska Caafimaadka Isbitaalka Yardimeli ayaa howlwadeenada Isbitaalka u qabtay tababar ku saabsan*" Infection Prevention Control ( IPC) "* kaaso ay ka faa'ideysteen ( Nurses, Midwifes ).
Tababarkaas oo ah mid muhiim oo lagu xoojinayo badqabka bukaannada, shaqaalaha, iyo guud ahaan deegaanka caafimaadka.

Tababbarkan ayaa diiradda lagu saaray habraacyada saxda ah Ka-hortagga iyo Xakameynta Caabuqyada ee IPC, yareynta halista caabuqyada, iyo horumarinta nadaafadda isbitaalka, si loo dhiso jawi caafimaad oo ammaan ah oo tayo leh.

27/04/2026

Halka Rajada, Daryeelka iyo Caafimaadku Ku Kulmaan.

Maalinta Duumada Adduunka 25 April 2026Duumadu (Malaria) waa cudur halis ah oo ka dhasha dulin ay gudbiyaan qaniinyada k...
25/04/2026

Maalinta Duumada Adduunka 25 April 2026

Duumadu (Malaria) waa cudur halis ah oo ka dhasha dulin ay gudbiyaan qaniinyada kaneecada dhedig ee Anopheles. Waxay ka mid tahay cudurada ugu badan ee ka jira gobollada kuleylaha ah.

Sidee isaga difaaci kartaa ?

Ku seexo maro-kaneeco daawo leh.

Nadiifi meelaha biyuhu fadhiistaan si aad u baabi'iso hoyga kaneecada.

Degdeg u tag xarun caafimaad haddii aad qandho isku aragto.

24/04/2026

Cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga waa dhibaato caafimaad oo culus, balse si weyn ayaa loo yarayn karaa khatartooda haddii la helo ogaansho h**e iyo daryeel joogto ah.

23/04/2026

𝐌𝐚𝐫𝐚𝐠𝐟𝐮𝐫

Waxaan ku faraxsannahay inaan idinla wadaagno guusha qalliinka Deeqo Maxamed oo muddo sanado ah la dhibaataysneed xanuun dhinaca xameetida ah,
Waxaana loo sameeyay qalliin guuleystay.

Isbitaalka Yardimeli waxaa ka howlga 𝐃𝐫. 𝐙𝐚𝐤𝐚𝐫𝐢𝐲𝐞 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐢𝐫 𝐃𝐡𝐢𝐢𝐟 oo ku takhasusay Qalliinka Guud iyo kan Casriga ah (Laparoscopic).

22/04/2026

Qandha kasta in lagu daaweyo qalajiye ma saxbaa?

𝐃𝐫. 𝐆𝐚𝐫𝐚𝐚𝐝 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 oo ah dhakhtarka 𝐜𝐮𝐝𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 ee 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐘𝐚𝐫𝐝𝐢𝐦𝐞𝐥𝐢 aya ka warbixinaya noocyada qandhada iyo waxyaabaha keena.

Waxaan Dhammaan Bulshada Soomaaliyeed iyo Bukaannada ku xiran Isbitaalka Yardimeli la socodsiineynaa in 𝐃𝐫 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐇𝐚𝐣𝐣𝐢...
21/04/2026

Waxaan Dhammaan Bulshada Soomaaliyeed iyo Bukaannada ku xiran Isbitaalka Yardimeli la socodsiineynaa in 𝐃𝐫 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐇𝐚𝐣𝐣𝐢 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 oo ah Dhakhtar ku takhasustay 𝐐𝐚𝐥𝐥𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐫𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚 uu dib uga soo laabatay shaqada.

Waxaa naga go'an inaan sare u qaadno Caafimaadkaaga iyo kan Carruurtaada.

20/04/2026

Ma qabtaa cudurada daba-dheeraada sida 𝐬𝐨𝐧𝐤𝐨𝐫, 𝐝𝐡𝐢𝐢𝐠 𝐤𝐚𝐫, 𝐰𝐚𝐝𝐧𝐚 𝐱𝐚𝐧𝐮𝐮𝐧 ama xanuun kale oo joogto ah?
Bukaanada qaba cudurada noocaan ah waxay u baahan yihiin 𝐝𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐥𝐚𝐭𝐚𝐥𝐢𝐧 joogto ah.

𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐘𝐚𝐫𝐝𝐢𝐦𝐞𝐥𝐢 ayana dadka baahiyahaas qaba uso kordhiyay 𝐂𝐡𝐫𝐨𝐧𝐢𝐜 𝐏𝐚𝐭𝐢𝐞𝐧𝐭 𝐂𝐚𝐫𝐝.
Waana kaar loogu talagalay dadka qaba cudurada an kor kuso sheegnay si ay ugu helaan daryeel iyo la socosho joogta ah.
Bukaanada qaata kaarkan waxey heli doonan:
𝟏. 𝐃𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥 𝐜𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 oo gaar ah
𝟐. 𝐐𝐢𝐢𝐦𝐨 𝐝𝐡𝐢𝐦𝐢𝐬 𝟐𝟎% ah dhamaan adeegyada Isbitaalka
𝟑. 𝐋𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐨𝐝𝐚 si joogta ah

Ma ogtahay in wadne xanuunku uu noqon karo mid aamusan ? In ka badan 25% dadka qaba xanuunada halista ah ee wadnaha ma d...
20/04/2026

Ma ogtahay in wadne xanuunku uu noqon karo mid aamusan ?

In ka badan 25% dadka qaba xanuunada halista ah ee wadnaha ma dareemaan wax calaamado ah oo muuqda.

Noloshu waa hadiyad wadnahuna waa furaha Caafimaadkaaga. Ha sugin ilaa ay xaaladdu adkaato ee xil h**e samey baaritaan caafimaad.

La kulan Dr. Abukar Mohamed Osman oo ah dhakhtar ku takhasusay Daaweynta iyo Qalliinka Neerfaha, Maskaxda iyo Xangulaha....
19/04/2026

La kulan Dr. Abukar Mohamed Osman oo ah dhakhtar ku takhasusay Daaweynta iyo Qalliinka Neerfaha, Maskaxda iyo Xangulaha.

Dr. Abukar waxa uu leeyahay khibrad iyo aqoon qoto dheer oo ku aaddan daawaynta iyo qalliimada kala duwan ee dhanka neerfaha iyo maskaxda.

Wuxuu mar walba diyaar u yahay daryeelkaaga iyo inuu kugu caawiyo sidii aad dib ugu heli lahayd caafimaad taam ah.

La kulan Dr. Abdalla Ahmedqani oo ah dhakhtar ku takhasusay Daaweynta iyo Qalliinka Indhaha ( Ophthalmologist ).Dr. Abda...
18/04/2026

La kulan Dr. Abdalla Ahmedqani oo ah dhakhtar ku takhasusay Daaweynta iyo Qalliinka Indhaha ( Ophthalmologist ).

Dr. Abdalla waxa uu leeyahay khibrad iyo aqoon qoto dheer oo ku aaddan daawaynta iyo qalliimada kala duwan ee indhaha,

Wuxuu mar walba diyaar u yahay daryeelka iyo caafimaadka aragtidaada.

Address

AFISIONI Road, HAMAR-JAJAB
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yardimeli Specialist Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Yardimeli Specialist Hospital:

Share

Category