26/03/2026
πππππ ππππππππ ππ ππππππππ ππππ
πππππ ππ ππππππ ππππππ ππππππππ ππππππππ ππππππ ππππππππ ππ ππ πππππ ππππππππππ ππππππππππ ππππππππ.
Isbitaalka Hodan ayaa maanta marti geliyay Dr. Mohamed Abdi (Galkacyo), Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Gaalkacyo, booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada isbitaal.
Booqashadan ayaa diiradda lagu saaray u guur-galka Isbitaalka Hodan iyo sidii loo dhisi lahaa iskaashi rasmi ah oo horseeda in labada dhinac ay kala saxiixdaan heshiis wada shaqeyn oo ku saabsan horumarinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan gobollada dhexe ee dalka.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
* Kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka
* Isdhaafsiga aqoonta iyo khibradaha shaqaalaha caafimaadka
* Tababarrada iyo horumarinta xirfadaha
* Xoojinta nidaamka gudbinta bukaannada (referral system)
Maamulka Isbitaalka Hodan ayaa muujiyay sida ay uga goβan tahay inay la shaqeeyaan Isbitaalka Gaalkacyo si loo ballaariyo adeegyada caafimaad ee casriga ah, loona gaarsiiyo bulshada adeeg tayo leh oo lagu kalsoonaan karo.
Dhankiisa, Dr. Mohamed Abdi ayaa bogaadiyay horumarka muuqda ee Isbitaalka Hodan, isagoo xusay in iskaashigan uu noqon doono mid wax weyn ka tari kara kor u qaadista caafimaadka bulshada, isla markaana furi doona waddooyin cusub oo wada shaqeyn iyo is-dhexgal caafimaad.
Booqashadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka hayβadaha caafimaadka ee dalka, isla markaana qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya.
β Dhammaad β