21/12/2025
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay kulan is-ku-duwid ah oo ku saabsan ka-hortagga Gudniinka Gabdhaha (FGM) iyo Guurka Degdegga ah (EFM), iyadoo kaashanaysa Isbeddel-wadayaasha Bulshada (Champions of Change).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray:
• Dhibaatooyinka caafimaad, bulsho iyo nafsi ee ka dhasha FGM iyo EFM
• Kor u qaadidda fahamka muhiimadda Sharciga Ka-hortagga Gudniinka Gabdhaha (Anti-FGM Bill)
• Dardar-gelinta u-doodista siyaasadeed si sharcigaasi loo ansixiyo
Kulankan wuxuu muujinayaa dadaalka Dowladda iyo bulshada rayidka ah ee lagu ciribtirayo falalkan waxyeellada leh, laguna xaqiijinayo xuquuqda, karaamada iyo badbaadada gabdhaha Soomaaliyeed.
FGM & Guur Degdeg ah waa Xadgudub Xuquuqda Aadanaha ee loo geysto gabdhaha.
Maternal Mercy & Development (MMD) ayaa ka mid ahayd ururadii lagu martiqaaday kulankan muhiimka waxaan uga qeyb gallay dhowr xubnood oo shirka ama tababarka lagu casuumay..mmdsom.org