Dr.xasil

Dr.xasil i want be my page local page that is post every photos and vidoes and information about health scie

07/06/2023
FAAIIDADA UU LEEYAHAY GEEDKA BAAMIYAHA  LA DHAHO Baamiyuhu wuxuu ka mid yahay khudaarta as-aasiga u ah dheefsinta bini’a...
20/11/2022

FAAIIDADA UU LEEYAHAY GEEDKA BAAMIYAHA LA DHAHO

Baamiyuhu wuxuu ka mid yahay khudaarta as-aasiga u ah dheefsinta bini’aadamka balse dad badan aanan aqoon qiimaha uu leeyahay baamiyaha, waa geed aad uga baxa dalkeena laguna beerto labada wabi inta u dhaxayso.

Nafaqada baamiyaha:

Baamiyaha waxaa laga helaa fitamiinno iyo macdano, waxaa ka mid ah vitamin A, B, C, E, iyo K, Macdanaha calcium, iron, magnesium, potassium, iyo zinc

Faa’idooyinka Caafiimaad ee Baamiyahu uu Leeyahay:

1.Caafimaadka Dheefshiidka: Baamiyuhu wuxuu u wanaagsan yahay dheefshiidka, waxaa ka buuxo “fiber” wuxuu yareeyaa calool istaagga, dibirada, gaaska, iyo shubanka, wuxuu kaloo ka hortagaa baabasiirka.

2.Kobcinta Aragga: Baamiyuhu wuxuu yareeyaa halista caadka indhaha fuulo iyo xanuun indhaha ku dhaco oo loo yaqaano “Macular Degeneration”, cilladani waxay timaadaa marka uu qofku duqoobo. Baamiyaha waxaa kaloo ka buuxo vitamin A iyo beta-carotene iyo walxo kale oo muhiim u ah arragga iyo caafimaadka indhaha.

3.Caafimaadka Maqaarka: Baamiyaha waxaa ku badan vitamin A iyo maadooyinka jirka sunta ka saara ee loo yaaqan “antioxidants” kuwaas oo ilaaliya caafimaadka maqaarka. Baamiyuhu waxuu yareeyaa finanka iyo astaamaha dhakso u duqoobista sida maqaarka oo kaduud yeesho.

4.Difaaca jirka: Baamiyuhu wuxuu kor u qaadaa shaqada unugyada difaaca jirka, waxaa ku badan vitamin C kasoo firfircooni ku abuuro unugyada cad ee jirka ka difaaca caabuqyada kala duwan.

5.Caafimaadka wadnaha: Baamiyuhu wuxuu qani ku yahay vitamins iyo macdano muhiim u ah wadnaha, waxaa ku jirta macdanta potasium oo awood u leh inay hoos u dhigto cadaadiska dhiiga ee sarreeya, waxayna ka hortagaa xinjirowga iyo gufeysanka halbowleyaasha (atherosclerosis).

6.Caafimaadka Uurka: Baamiyaha waxaa ku jirta maadada la yiraahdo Folate ama Folic Acid oo caawiso koriimada uurjiifka, Sidoo kale maadadani waxay hooyada uurka leh ka difaacda dildilaaca maqaarka xiliga ay xamilada tahay.

Address

Warshadaha
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.xasil posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category