Abdalla afka

Abdalla afka Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abdalla afka, Medical and health, km4, Mogadishu.

15/11/2023

Dhis mustaqbalkaaga
Ilaahey subxaanahu watacaalaa wuxuu yidhi
((وَقُلِ ٱعْمَلُواْ فَسَيَرَى ٱللَّهُ عَمَلَكُمْ وَرَسُولُهُۥ وَٱلْمُؤْمِنُونَ ۖ وَسَتُرَدُّونَ إِلَىٰ عَٰلِمِ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ))

Aayadan ilaahey wuxuu inagu boorinayaa shaqada marka aad camal la timaado ayaad wax heshaa,
Markaasaad naftaada raali ka noqotaa, maxaa yeelay waxaad sugaysaa jiritaankaaga, sugida jiritaanka naftaaduna waxay ka mid tahay sugida shaqsiyadaada,
Waxaad arki qadarinta naftaada oo kor u kacday iyo adiga oo naftaada raali ka noqday, oo waxbadan xaqiijiyay, markaasay kalsoonida naftaada aad ku qabtaana kor u kacdaa

Anigu waxaan Ku soconaa dhulka dushiisa sida uu ilaahey
Quraankiisa Ku sheegay
((هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ ذَلُولًا فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِن رِّزْقِهِ ۖ وَإِلَيْهِ النُّشُورُ﴾))

Dhulka ilaahey inaga ayuu inoo abuuray wuxuuna ina amray inaan Ku dul socono, oo aan Ku dul dhaqdhaqaaqno, oo aan dushiisa qorshe Ku samayno, go,an Ku qaadano, si aan wax u samayno Una fullino oo aan si fiican u noolaano, sida oo ilaahey yidhi
((وَقُلِ ٱعۡمَلُواْ فَسَيَرَى ٱللَّهُ عَمَلَكُمۡ وَرَسُولُهُۥ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَۖ))
Wuu soo dhawaaday waqtigii aad mustaqbalkaaga dhisi lahayd, waa adiga cida mustaqbalkaaga Ku dhisaysa afkaartaada iyo asluubtaada iyo fulinta fikirkaaga,

Isaga oo macnahan ka turjumaaya ayuu yidhi gabayaaga Carabka ah shawqi
((وَما نَيلُ المَطالِبِ بِالتَمَنّيوَلَكِن تُؤخَذُ الدُنيا غلاب))

Macnaheeda waxaa waayo; ma dhacdo in ruuxu isaga oo gurigiisa iska fadhiya uu nasiibku u yimaado

Sirta Guusha WaxbarashadaWaxa mahad oo dhan iska leh Allah, isaga Ayaan u mahadnaqaynaa oo kaalmaysanaynaa. Intaas Kadib...
21/11/2022

Sirta Guusha Waxbarashada

Waxa mahad oo dhan iska leh Allah, isaga Ayaan u mahadnaqaynaa oo kaalmaysanaynaa. Intaas Kadib waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa insha-Allah maqaalo taxane ah oo aan kaga warami doono ka midho-dhalinta guusha dhinaca waxbarashada.
Waxa aan shaki ku jirin in qofkasta oo ku nool dunidan uu jecel yahay GUUSHA. Guushaas oo ah dhinac wal oo noloshiisa ah. Waxa uu jecel yahay inuu ka dhabeeyo hammiga uu xanbaarsan yahay. Waxa uu qofkastaa jecel yahay inuu ka gaadho mustaqbalkiisa guul. Kuna noolaado mustaqbalkiisa guul iyo sharaf dadka dhexdiisa. Tani waa sida uu Ilaahay SWT u abuuray dadka inuu qofkastaa jeclaado inuu guulaysto.

MAAMULKA GANACSIGA & SUUQGEYNTAMaamul Iyo Maamule “Maamul xumada waa dhibaatooyin ay ka wada simanyihiin dhammaan caalam...
30/06/2022

MAAMULKA GANACSIGA & SUUQGEYNTA

Maamul Iyo Maamule

“Maamul xumada waa dhibaatooyin ay ka wada simanyihiin dhammaan caalamka oo idil. Dhibaatooyinka maamul-xumada waxaa loo baahnaa inay hoos u dhacdo madamaa dunidda horumar gaartay. Iyadoo dunidda horumar la taabani karo laga gaaray wali waxaa jira aqqoondari dadka dunidda ka haysato maamulka wanaagsan.”
Inkastoo maamul-xumada aynu kawada simanahay dunidda oo idil, hadana waxaa loo baahanyahay inaan ku dadaalno siddii aanu u fahmi lahayn maamulka wuxuu yahay. Marka horre waa maxay maamul?

Maamul waxaa luuqada Ingiriiska lagu yiraahdaa “management” carabiga waxaa lagu yiraahdaa إدارة

Marka loo fiiriyo/eego qaabka akaademiga waxaad ka fahmaysaa in maamulku yahay barashada bulshada, aragtida bulshada, siyaasadda, iyo siyaasadaha wax lagu kasbado iyo waliba siddii xarigga maamulka loogu qabani karo bulshada. Maamulka waxaa lagu bartaa jaamacadaha, sidda aan kawada warqabno waa degree lagu diyaariyo mudo 3 illaa afar sano. U jeedadiisuna tahay in lagu barto qaababka maamulka oo ay ka mid yihiin ururada bulshada iyo hogaaminta ururada.

Ardayda qaar ayaa sii wado waxbarashada kadib marka ay qaataan shahaadada degree-ga. Heerka 2aad ayaa loo yaqanaa MBA oo laga soo gaabiyay “Master of Business Adminstration” ama MPA -Master of Public Adminstration”

Halkaan kala soco qaabka loo barto management waxaan kuso gudbin doonaa cashiro tixano ah insha allaah

Address

Km4
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdalla afka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram