Doctor Anas

Doctor Anas Dear in Allah

Asc Dhamaan walaal sharafta Badan wiilkaan Tartaan ayuu ku jiraa marka waxaan idin ka codsan lahaa inaad u codeysaan
16/03/2021

Asc Dhamaan walaal sharafta Badan wiilkaan Tartaan ayuu ku jiraa marka waxaan idin ka codsan lahaa inaad u codeysaan

أحمد محمد حميد الدين

 ?Dhiikarku waa marka uu kordho cadaadiska dhiiga ee xididada jirka,wuxuuna cadaadiska dhiigu uu kordhaa marka ay yaraad...
06/02/2021

?

Dhiikarku waa marka uu kordho cadaadiska dhiiga ee xididada jirka,wuxuuna cadaadiska dhiigu uu kordhaa marka ay yaraadaan ama dhuudhuubtaan xididada ama halbowlayaasha dhiiga qaada.

sanado badan ayuu ku hayn karaa adoon ka warqabin wax calaamad ah oo muuqdana aan lahayn,

waxa uu waxyeelo daran u geystaa xididada dhiiga qaada, maskaxda, wadnaha,indhaha iyo kelyaha.

.

Dhiikarku waa xaalad aamusnaan ah oo aan si h**e loo ogaan
Inbadan oo dadka kamid ah maka soo muuqdaan wax calaamad ah marka uu ku dhaco xanuunkan.
Sanado ama tobanaan sano ayey qaadata in la ogaado waana marka uu marayo marxalada ugu danbeysa.

.

- madax xanuun.
- neefta oo dhibta.
- sanka oo gororo dhiig ka yimaado.
- madax wareeer
- xabad xanuun
- aragtida oo yaraata
- kaadida oo dhiig soo raaco

Calaamadahaasi waxay u baahan yihiin daryeel caafimaad oo degdeg ah.
laakiin sugitaanka calaamad muujinaysa xaaladdan si ay u muuqato waxay noqon kartaa dhimasho.

Habka ugu fiican ee lagu ogaanayo haddii aad qabto dhiig-karka waa in la cabiraa cadaadiska dhiiga joogtada ah.
Xafiisyada dhakhaatiirta badankood mar walba cadaadiska dhiiga way ka cabiraan bukaan walba oo booqda.

Tusaale ahaan, haddii aad leedahay taariikh qoyseed oo wadna xanuun ah dhakhtarkaagu wuxuu kugula talin karaa inaad cadaadiska dhiiggaaga labaaro laba jeer sannadkii. Tani waxay kaa caawineysaa adiga iyo dhakhtarkaagu inay ka hortagaan xaalad kasta oo suurtagal ah ka hor intaanay dhibaato noqon.

?

Cilmi-baadhayaashu weli wali ma cadeen farsamooyinka keena cadaadiska dhiigga si tartiib tartiib ah u kordho. Waxyaabaha isku dhafan ayaa laga yaabaa inay door ka ciyaaraan in uu yimaado dhiikarku. Arimahaana waxaa ka mid ah:

- in aad waalidiintaa ka dhaxasho hadey qabeen.
- kelyaha oo dhibaato gaarto
- miisaankaada oo kordha
- jimicsi la'aan
- da'daada oo kororta
- cudurada wadnaha ku dhaca
- hurdo la'aan waqti dheer ah
- daawo qaldan oo aad isticmaasho
- dhibaato gaarta qanjirada qayb sida Thyroid iyo adrenal glands.
- cusbo badan oo la qaato.

?

1= da'daada oo weynaato qiyaas ahaan ragga 45 ka weyn dumarka ayaga inta badan waxa uu ku dhacaa 65sano kadib.
2= hadii ay waalidiintaa ay qabeen wuu kugu dhici karaa.
3= hadii aad cayilantahay.
4= jimicsi la'aan
5= tubaakada ama sigaarka oo aad cabto.

6= qamriga
7= cusbo badan oo aad isticmaasho
8= stress( walwalka,walaaca)

.

Qofka caadiga ah ee aanan qabin dhiigkarka cadaadiska dhiigiisu qiyaas ahaan waa

120 mm Hg oo dhiiga sare ah
80mm Hg oo dhiiga hoose ah

Goorma la dhihi karaa qof hebel waxa uu qabaa dhiigkar?

Hadii uu cadaadiska dhiigiisku uu kasaro maro qofka 140mm Hg oo qaybta sare ah iyo 90mm Hg qaybta hoose ah qofkaasi waxaan dhihi karnaa waxa uu qabaa xanuunkan

Marka la cabirayo waa in uu qofku uu ku jiraa marxalad degan oo nasiino ah si uusan cabirku u qaldamin.

Si loo xaqiiyo in qofka uu qabo waa in la cabiraa sadex waqti oo kala duwan ama sadex maalmood.

Hal mar oo la cabiro laguma go'aansan karo qofka in uu qabo dhiigkar.

.

marka uga h**eysa waxaa lagula taliyaa qofka dhiikarka qaba in uu nolashiisa wax badan uu ka badalaa cuntada uu cunayo iyadana uu waxbada ka badalaa tusaale ahaan wa in uu cusbada iska dhaafaa isticmaalkeeda.

.

1= Beta-blockers: oo ah daawooyin hoos u dhigaya garaaca wadnaha si hoos loogu dhigo cadaadiska dhiiga.

2= Diuretics: oo ah kaadi badiyaal kuwaas oo soo saaraya Sodium tii badneed ee jirka ku jirtey maadaama Sodiumtu ay kordhiso cadaadiska dhiiga.

3= Alpha-2 agonists: Noocaan daawo ayaa beddela dareemayaasha neerfaha kuwaas oo keena in xididdada dhiigga la adkeeyo. Tani waxay ka caawineysaa marinnada dhiigga inay ku nastaan, taasoo hoos u dhigeysa cadaadiska dhiigga.

Iyo noocyo kale oo badan ayaa daawo u ah xanuunkan.

.

1= Cuntadaada wax badan ka badal
Qudaarta badso waxaadna iska yareeysa hilibka badan
2= jimicsi samee dhex dhexaad ah qiyaas ahaan asbuucii 150 daqiiqo waa in aad socotaa.
3= miisaankaadu hadii uu culusyahay waa in aad hoos u dhigtaa aadna sameysaa jimicsi caafimaad leh.
4= wal-welka ama Stress ka waa in aad iska yareysaa.
5= hadii aad balwad leedahay iska jooji sigaarka,qaadka iyo qamridaba.
6= aad uga yaree cuntada aad cuneyso cusbada.

Gaarsii Walalkaga kale Sii ugu Faaideystaan.

Share and Like.

        Maxaa sababo kansarka beerka iyo astaamaha lagu gartoKansarka beerka waa kansar kasoo bilowda unugyada uu beerka...
30/08/2020




Maxaa sababo kansarka beerka iyo astaamaha lagu garto

Kansarka beerka waa kansar kasoo bilowda unugyada uu beerka ka sameysan yahay ee loo yaqaano hepatocyte. Beerka waa xubin ku yaala qeybta kore ee uurkujirta, wuxuu ka hooseeyaa muraqa kala bara xabadka iyo uurkujirta.

Waxaa jira noocyo kala duwan oo kansar ah kuna dhaca beera. Nooca ugu badan ee dadka ku dhaca beerka waxaa la yiraahdaa Hepatocellular carcinoma, kansar kasoo farcama unugyada shaqada qabta ee beerka ku jira. Waxaa jira noocyo kale oo aan caan aheyn sida intrahepatic cholangiocarcinomaiyo hepatoblastoma.

Kansarada saameeya beerka kuligood ma ahan kuwo kasoo askumay beerka, waxaa jira kansarro kasoo bilowdo xubno kale oo jirka kamid ah kuna faafaa beerka, sida kansar xiidmaha, kansarka sambabaha.



Dadka badankoodu malahan astaamaha iyo calaamadaha. Waa muhiim inaad la kulantid dhaqtar hadii aad isku aragtid astaamaha hoos u qoran.

Miisaanka oo luma isku day la’aanAbataytka oo lumaQeybta kore ee uurkujirta oo xanuun laga dareemoLalabo iyo matagAwood la’aan iyo daal guudBarar caloosha ahMaqaarka oo huruud/jaale noqdaSaxara oo cadaad ama dambas u ekaataMaxaa sababa kansarka beerka?

Waxaa jira sababayaal la ogyahay iyo kuwa aan la ogeyn, sida infekshanda qaar ee cagaarshoowga waxay sababi karaan kansarka beerka.

Kansarka beerka wuxuu imaan karaa marka uu qalad ka dhex dhaco hidda sidayaasha ku jira gudaha unugyada beerka.

Haslista sababi karta xanuunkaan

Infekshanka raage ee Cagaarshoow B iyo Cagaarshoow C: fayrus yada HBV iyo HCV waxey kordhiyaan halista kansarka beerka

Cirrhosis: beerka oo boog yeesho waxey soo dedejisaa kansarka beerka

Sonkoroow: dadka la nool xanuunka sonkoroowga waxey halis ugu jiraan in uu ku dhoco kansarka noocaan ah

Beer subagga: beerka oo ay ku badan tahay dufinta waa halis kale oo sababi karta kansarkaan

Suntan Aflatoxins: waa sun ka dhalata cunooyinka aan si wanaagsan loo keydinin, sida galeyda iyo lowska. Suntan waa mid ku badan wadama Afrika.

Cabidda khamri xad dhaaf ah: khamriga wuxuu dhaawac aan laga noqon karin gaarsiiyaa beerka.

Baaritaanka kansarka beerka

Waxaa jira baaritaano iyo nidaamyo la maro si loo baaro xanuunkaan waxaana ka mid ah:

Baaritaanka dhiigga: waxaa laga ogaan karaa dheecaanada beerka soo dayaa iney cilladeysan yihiin iyo in kaleBaaritaanada sawirka: waxaa inta badan la isticmaalaa kombuyuutarada ultrasound, CT iyo MRIIn qeyb laga soo jaro beerka laguna baaro mikarskoob.Sidee baa loo daweeyaa?

Kansarka beerka waxa lagu daweeyaa qaabab kala duwan, sida in qofka la siiyo dawooyinka kansarka laakin sida ugu fiican waa in la jaro qeybta burada leh hadii burada aysan ku faafin beerka iyo jirka qeybihiisa kala duwan. Arintaan hadii lagu guul dareysto waxaa inta badan la sameeyaa in beerka laga bedelo qofka.

siina share gareey si a
Asxabtaada uga digtoonadaan cancerka beerka kudhaca.

W/Q:Dr Anas Mohamed

 "( )"*Yiridku waa infekshan ku dhaca ciridka, waxaana keeno keeno jeermis,* Wuxuu yimaadaa marka huuro ay ku buuxsanto ...
13/03/2020

"( )"

*Yiridku waa infekshan ku dhaca ciridka, waxaana keeno keeno jeermis,

* Wuxuu yimaadaa marka huuro ay ku buuxsanto inta u dhexeysa ilkaha iyo cirridka. Huuradu "Plaque" waa lakab ilkahaaga ku dhega oo ka yimaada cuntada, jeermiska iyo dheecaanka. Waqti ka dib huurada waxaa ku tarmo jeermis cirridka ku dhaca.


:
1• Cirridka oo guduuta.
2• Cirridka oo si fudud dhiig uga yimaado
3• Cirridka oo wax bararsan u ekaada ama gadaal uga durka ilkaha.
4• Neefta qofka oo urta

wuxuu keenaa in ilkaha ay soo daataan markii ciridka uu ka durqo.

?
Waxaa halis ugu jiro dadkaan hoos ku xusan:

1• Dadka aana cadaysanin,
2• Qofka aan caafimaadka ilkahiisa ku dadaalin,
3• Tubaakada isticmaalo
4• Dadka da'da ah.
5• Dadka difaacooda liito oo qabo xanuunada sida Aydhiska ama Kansarka oo kale.
6• Dadka isticmaalo daawooyinka ilkaha u daran
6• Qofka qabo xanuunada jeermiska fangaska uu keeno.
7• Dadka qabo af-qallaylka.
8• Qofkii qabo nafaqo-darro ama fitamiinada ay ku yaryihiin
9• Qofka daroogada isticmaalo.
10• Qof dhaawac ka gaaray ciridka qalliin ama si kalaba.

?

*Takhtarkaaga ilkaha u tag haddii aad calaamadaha mid ka mid ah isku aragto.
Takhtarkaaga ilkuhu wuxuu nadiifin doonaa isla markaana ilkahaaga ka saari doonaa huurada.

*Xanuunka ciridka kaa hayo nooca uu yahay iyo sida loo daaweyn karo ayuu kuu sheegi doonaa.

*Daaweyntu waxay ku xiran tahay xanuunkaaga heerka uu gaarsiisan yahay haddii ay daawo ku filan tahay ama qalliin aad u baahan tahay intaba.

?
* Si yiridka looga hortago, cadayo oo ilkaha dhexdooda dun isaga nadiifi ugu yaraan labo goor maalin kasta si huurada meesha uga saarto inta aysan ku kordhin.

* Takhtarkaaga ilkaha u tag 6-dii bilood ee kastaba mar si ilkaha lagaaga hubiyo oo lagaaga nadiifiyo.

Like And Shear

W. Q:Anas Mohamed Sa'ed.

  ku jirto  🦗 (Nutritional value of locust )   (locust) waa cayayaan laga cuno wadamo badan oo kuyaal  Africa  Bariga dh...
21/12/2019

ku jirto 🦗 (Nutritional value of locust )

(locust) waa cayayaan laga cuno wadamo badan oo kuyaal Africa Bariga dhexe iyo Aasiya
Taariikh ahaan ayaxa mudo dheer ayaa loo is ticmaali jiray cunto ahaan

Ayaxa wuxuu lee yahay :
1. Borotiin (Protein)
2. Dux (Fat)
3. Macdan (mineral)
Nafaqada ku jirto ayaxa miisaan ahaan 100 g (Nutritional value per 100 g (3.5 oz))

1. (Protein) ayaxa waxaa ku jiro boriin badan marka lala barbardhigo hilibka lo’da
Ayaxa Miisaan ahaan 100 g waxa ku jirto 13–28 g oo botiin ah
Halka hilibka lo’da 100 g ay ku jirto 19–26 g oo borotiin ah.

2. (Fat)
Ayaxa miisaan ahaan 100 g waxaa kujiro 11.5 g oo dux ah (fat)
ayaxa wuxu leeyahay labada nooc ee duxda layiraah saturated iyo unsaturated fatty acids
Duxda ku jirto ayaxa 54 % waa nooca saturated fatty acids

unsaturated fatty acids ku jirto ayaxa waxaa ka mid ah :

 Palmiteic acid (omega-7 )
 Oleic acid (omega-9)
 linolenic acid (omega-3)

• :

Saturated fatty acids waxay kor u qaadaa xaddiga dhiigga kujiro ee cholesterol-ka xun (Bad cholesterol) ama low density lipoprotein (LDL)
Tasoo sababi karto xididada dhiigga oo xirmo iyo wadno xanuun

• :

waxay yaraysaa xaddiga cholesterol-ka xun low density lipoprotein (LDL)
waxay badisaa xaddiga cholesterol-ka fiican high density lipoprotein (HDL)

• :

ayaxa miisaan ahaan 100 g waxaa ku jirto 286 mg oo cholesterol ah
 Xaddiga cholesterolka qofku u baahanyahay maalintiiba waa 180 - 320 milligrams
Ayaxa wuxuu leeyahay cholesterol aad u badan taasoo aan u wanaagsanayn caafimaadka .

3. Sidoo kale ayaxa wuxu leeyahay xogaa macdan ah sida potassium, sodium, phosphorus, calcium, magnesium, iron, iyo zinc

FG :
Maadaama ayaxu uu leeyahay xaddi badan oo cholesterol ah
Iyo nooca baruurta aan u wanaagsanayn caafimaadka ee loo yaqaan saturated fatty acids
Waa inay ka foojignaandaan dadka leh cholesterolka, wadno xanuunka iyo dadka dufanka dhiiggoodu badanyahay

W/Q

 "Pinworm"?*Pinworms waa dirxi yar oo dadka ku jira kuna nool xiidmaha hoose.* Dirxiga dhidiga habeenkii ayuu soo baxaa ...
09/11/2019

"Pinworm"?

*Pinworms waa dirxi yar oo dadka ku jira kuna nool xiidmaha hoose.

* Dirxiga dhidiga habeenkii ayuu soo baxaa oo ukuntiisa ku daadiyaa futada hareeraheeda.

*Gooryaankani wuxu caan ku yahay caruurta oo si sahlan uu ugu faafi karaa xubnaha kale ee qoyska.

?
Dadka qaarkood oo qaba gooraaynku ma lahan calaamado, qaarna waxay leeyihiin:
*cuncun futada
*iyo Farjiga hareerihiisa.

?
*Gooryaankani ma aha halis ee wuxu leeyahay dhibsi.

?
*Markay dadku xoqdaan xagga danbe ee cuncunaysa, ukunta yaryar ee gooryaanka ayaa soo raaca faraha ama cidiyaha hoosteeda.

waxa laga yaabaa inay qof cuntadiisa ama afkiisa faraha la galaan oo sidaas ukunta lagu liqo.

*Markuu gaadho xiidmaha, wuxu noqonayaa dirxi.

*Gooryaanku waxa kale oo uu ka faafi karaa gogosha iyo dharka. Qofka lnaftiisa wuu isqaadsiin karaa markuu liqo ukunta ku jira gacmihiisa.

’eg ayey ku qaadataa inuu qofku qaado gooryaan kadib marka uu qofka la kulmo?

waxa la arkaa 2 toddobaad ilaa 2 bilood kadib liqitaanka ukunta.

cid ?
*Qofka waa laga qaadi kara inta dirixiga dhidig ukun ku daadinayo hareeraha futada qofka.

?

1:-Gacmaha si fiican u dhaq oo ku dhaq saabuun iyo biyo, gaar ahaan kadib markad xafaayada bedesho ama musqusho isticmaasho iyo kahor intaanad wax cunin.

2:- Nadiifi, dhaqdhaq, oo jeermiska ka sifee alaabta caruurtu ku ciyaarto.

3:- Sifee, dhaqdhaq, jeermiska ka dil diyaarinta cuntada, bedelida xafaayada, iyo Musqushaba

4:- Bedelida dharka (gaar ahaan dharka hoose iyo kuwa hurdada) iyo gogosha ilmaha qaba gooryaanka markasta iyo ku dhiqitaanka biyo kulul.

5:- U qaada daawada gooryaanka sida uu u qoray takhtarku. (Waxa laga yaaba inay anfacdo xubnaha ka le ee qoyska.)

?

*Waxa jira daawooyin laga heli karo farmashiiyaha iyo kuwa takhtar kuu qoro oo bi'iya gooryaanka.

*La hadal takhtarkaaga si uu u fiiriyo daawada ku habboon qoyskaaga. Marmar kareemyo bi'iso cuncunka ayaa lagu siin karaa.

W.Q:Dr Anas Mohamed Sa'ed.

Waa maxay QAWAD?Qawadku waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Tinea Versicolor", wuxuu ka mid yahay cudurrada ugu caansan...
08/11/2019

Waa maxay QAWAD?
Qawadku waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Tinea Versicolor", wuxuu ka mid yahay cudurrada ugu caansan maqaarka.

Waxaa keeno fangas loo yaqaanno "Pityrosporum orbiculare" waa nooc ka mid ah fangaska keeno cudurka soomaalida u taqaanno cabeebka,

Dadka waaweyn badankood waa ay qabaan laakiin maahan cudur daran oo caafimaad ahaan dhib u keena biniaadamka.
Waxa kaliya uu keeni karo waa maqaarka oo isbadala.

Fangaska keeno qawadka qof waliba wuu gaaraa jirkiisa laakiin ma keeno qawad illaa uu ku tarmo jirka korkiisa wuxuuna ku badanyahay dhulalka kuleelaha.
Dhididka wuxuu qawadka ku saacidaa inuu tarmo jeermiska fangaska kadibna jirka ka soo muuqdo.
Hadii qofku qabo cudur hoos u dhiga difaaca jirka sida AIDS-ka oo kale qawadku wuxuu fursad u helaa in jirka safiican ugu faafo.
Sidaa awgeed dadka halista ugu jiro waa:
1- Dadka leh maqaarka dufanka ku badan tahay
2- Dadka ku nool dhulalka kuleelaha.
3- Dadka dhididka badan.
4- Dadka difaaca jirkooda uu hooseeyo.

Calaamadaha lagu garto qawadka waxaa ka mid ah:
wuxuu qawadka badanaa ka soo muuqdaa qoorta iyo dhabarka qeybtiisa kore, xabadka, gumaarka jirka qeybhiisa oo kalane wuu ka soo bixi kara.
Wuxuu qawadku ku badanyahay dadka aad u dhidida, dadka jirkooda dufanka ku badanyahay sida dhalinyarada.

Qawadka waxaa lagu daaweeyaa shaampooyin loogu talagalay oo fangaska dilo sida shaambada Selsun, Nizoral & Ketoconazol.
Qawadku markuu daranyahay waxaa loo qaataa kaniiniyaal.
Qawadku wuu soo laalaabtaa sidaa darteed iska ilaali waxyaabaha keeno oo aan kor ku soo sheegay.

Qawadka waxaa looga hortagi karaa adigoo iska ilaaliya dhididka ama qaata dhar hawadu ka gudbayso, joogtane dharka u badasho, iska ilaali qoraxda in aad isku dhigto haddii aad qawadka u nugushahay.
Haddii difaacaaga jirka uu hooseeyo isku day sidaa kor ugu qaadi lahayd adigoo daawo u qaato cudurka difaaca hoos u dhigay, haddii daawo ay keentayne aad joojisid adigoo la tashanaya dhakhtarka kuu qoray.

Qawadku wuxuu keeni karaa cuncun kadibne hadii la xoqo wuxuu isku badalaa dhaawac, kadibne fangaska ayaa gaaro jirka gudihiisa wuxuuna keenaa cudur kale oo loo yaqaanno "Pityrosporum folliculitis" waana cudur sida ka soo baxa oo kale jirka nabarro.

Hadii qawadka aad daawo u qaadato waxaa jirka ku soo haro baro cadcad oo bilooyin ka dib iska baa'ba'aayo



w.Q:Dr:Anas Mohamed

     .Ayaan Maanta Taariikhdu ay  tahay 7/5/2019Oo la soo Dhejiyay  .Waxaa halkaan ugu Mahad celinaa Alle ka sokow Maamu...
17/05/2019

.

Ayaan Maanta Taariikhdu ay tahay 7/5/2019
Oo la soo Dhejiyay .

Waxaa halkaan ugu Mahad celinaa Alle ka sokow Maamulaha Machadka Al_Madina Ee Barashada Caafimaadka

Iyo : .

Waxaan Leeyahay ardeyda kaalimaha Gashay
Hambalyo Hambalyo waxaan idin Rajeynaa Mustaqbal Wanaagsan.

 ?*Qof kasta wuxuu godka dabada iyo malawadka ku leeyahay xiddido dhiig. Xiddidadaasi marka ay kala fidaan oo dhumacdood...
28/03/2019

?

*Qof kasta wuxuu godka dabada iyo malawadka ku leeyahay xiddido dhiig.

Xiddidadaasi marka ay kala fidaan oo dhumacdoodu baahdo ayaa waxaa dhaca Baabasiirka ama qoor-maaleyda. Marka caddaadis iyo riixitaan ku dhaco xiddidka ayaa waxaa dhacda in xiddidku lumiyo laastiigiisii oo ay dhumucdiisu waynaato ilaa uu noqdo kiish uu dhiiggu ku xayirmo.

Luuqada Ingiriiska Baabasiirka waxaa lagu yiraahdaa Hemorrhoids ama Piles. Soomaalidu waxay u taqaanaa magacyo badan oo aan ka xusi karo Baabasiir iyo qoor-maaley.

Baabasiirku wuxuu dadka ku keenaa xannuun badan, cuncun badan, welwel iyo mararka qaarkood dhiigbax. Dadka Soomaalida ahi Qaarkood waxay ka dhigaan baabasiirka calaamad ceeb ah oo hoosta loo sheego marka laga cabanayo. Xaqiiqduse waxay tahay in baabasiirka qofkasta uu leeyahay waayo ma jiro qof aan ku lahayn xiddido godka dabada iyo malawadka.



Baabasiirka banaanka ama External hemorrhoids: Noocani wuxuu ku dhacaa agagaarka godka dabada(Anus). Waxaa la dareemaa xilliyada saxarada haddii docosho jirto. Waxaad mararka qaar dareentaa xiddidada baabasiirka oo dhiiggu ka buuxo oo banaanka u soo baxay, oo aad ama taaban karto ama arki karto. Baabasiirka banaanka mararka qaar xinjir ayaa ku guntanta xiddidada dhexdooda oo la yiraahdo Thrombosis. Xinjirtu waxay keentaa xannuun badan ama dhiigbax, laakiin aad khatar uma ahan oo inta badan asbuuc bay iskeed isaga buskootaa.Baabasiirka Gudaha ama Internal Hemorrhoids: Noocan wuxuu ku dhacaa gudaha shishe ee xigta malawadka(Rectum). Noocan ma dareemi kartid mana arki kartid haddii uusan imaan dhiigbax gudaha ka yimid. Inta badan xannuun badan ma laha maadaama ay ku lug leeyihiin neerfayaal shishe. Baabasiirkaani haddii uu wayn yahay waxaa suuragal ah inuu bannaanka usoo baxo.



Noocyada iyo jaantuska Baabasiirka



Maxaa keena Baabasiirka ama Qoor-maleyda

Sababta ugu wayn ee keenta baabasiirka waa calool-qalaylka(Constipation)oo saxarada adagi dhaawacdo xiddidada nugul ee dhiigga ee mara godka dabada iyo malawadka. Marka saxarada adag lagu qasbo inay xoog ku soo baxdo ama la docdo waxaa xoqma gidaarka dabada oo ay ku taxan yihiin xiddidada dhiigga. Caddaadiska fuula xiddidka wuxuu ku keenaa inuu lumiyo laastikadiisa oo markaas dhumucdiisu waynaato oo dhiig ku xayirmo dhumucdii balaaratay ee xiddidka.

Waxyaalaha kale ee sababi kara baabasiirka:

●Shubanka muddo dheer socda
●Cayilka saa’idka ah
●Docosho badan xilliga saxaroodkaMusqusha oo muddo badan la fadhiyo
●Qaadista culays dheeraad ah.



Calaamadaha lagu garto Baabasiirka

●Xannuun iyo cuncun ka dib marka la saxaroodo
●Fadhiga oo qofka dhiba xannuunka awgiis
●Cuncun agagaarka dabada
●Dhiig soo raaca saxarada
●Dhiigbax haddii ay qarxaan xiddidada moqorada noqday.
●Mararka qaar xiddidada baabasiirka oo dabada ka soo muuqda.





Haddii aad isaga shakiso inaad baabasiir qabto booqo dhaqtar baaritaan kugu sameeya oo xaqiijiya inaad qabto baabasiirka. Ha isku dayin inaad u tagto dhaqaatiirka daawo-dhaqameedka.
Waxaa jira kuwo sheegta inay gooyaan baabasiirka oo kuu gaysan kara dhib ka wayn dhibta uu kugu hayo baabasiirku. Dabada iyo hareeraheeda waxaa ku yaal shax neerfayaal ah oo xukuma xiritaanka iyo furitaanka malawadka saxarada lagu kaydiyo.
Haddii neerfayaashaas qof aan khabiir ku hayn uu jeexjeexo waxaa laga yaabaa inuu gooyo mid ka mid ah neerfayaashaas.

Daawaynta ugu fiican ee baabasiirka waa ka-hortaga in saxaradaadu adkaato. Habka ugu wanaagsan oo aad uga hortagi kartid in saxaradaadu adkaato waa cunista cuntada buunshaha iyo qolofta leh sida sareenka, galeyda, digirta, khudaarta, khudrada cagaaran. Cabitaanka biyo badan isna wuxuu caawiyaa jilcinta saxaradaada. Waxaa jira daawooyin si fudud loo heli karo oo la yiraahdo Laxatives oo saxarada lagu jilciyo. Sidoo kale, waxaa jira boomaatooyin iyo suboostooyin kaalmaati ah oo joojiya xannuunka iyo cuncunka baabasiirku keeno.

Haddii dhaqtarkaagu kugu xaqiijiyo inaad baabasiir qabto wuxuu ku talin karaa dariiqooyinkaan :

●Durriin: Baabasiirka gudaha shishe waxaa bukaanka meesha baabasiirku ku yaal looga duraa daawo ka dhigaysa baabasiirka qolof soona xiraysa goobta.
●Sharootayn ama banding oo ah iyadoo la isticmaalayo qalab gaar ah oo loogu talagalay sharooto rabar ah lagu dhajinayo xididka baabasiirka ee soo laalaada si looga joojiyo xididada ku waraabinaya dhiigga.
●Asbuuc ka dib nudayaasha baabasiirka wataa waa soo dhacaan iyagoo dhintay.
●Cauterization oo ah hab la isticmaalayo aalada laysarka oo lagu xirayo/lagu aruurinayo goobta iyo baabasiirka dibada u soo baxay.Qalliin lagu samaynayo dabada oo lagu soo jarayo xididka baabasiirka.



Baabasiirku wuu soo noqon karaa haddii lagaaa daweeyo ama lagaa qalo. Sidoo kale dhamaan dariiqooyinka daawayn ee kor ku yaal ma shaqeeyaan haddii uusan qofku cuntadiisa wax ka badalin oo uusan saxankiisa ku darin cunto buunshe leh.

Shear and Like pageka Dr:Anas 🚑🚑🚑

🚑🚑🚑🚑🚑🚑🚑🚑🚑🚑🚑🏥🏥🏥🏥 ? (Hernia)Eerno waxa ay badanaa ka soo muuqataa ubucda,  waxay sidoo kale kasoo muuqan kartaa miskaha iy...
06/03/2019

🚑🚑🚑🚑🚑🚑🚑🚑🚑🚑🚑🏥🏥🏥🏥

? (Hernia)

Eerno waxa ay badanaa ka soo muuqataa ubucda, waxay sidoo kale kasoo muuqan kartaa miskaha iyo xudunta.

in kastoo eernada aysan ahayn xaalad nafta halis ku ah, is lamarkaana sida kaliya ee lagu daweyn kara ay tahay qaliin maadaama ay eernadu tahay kuus kasoo muuqda maqaarka dushiisa oo ay keentay in xubin ay soo riixday furitaan amaba meel ay firaaqo ka jirta oo noqon karta mindhicirada, xudunta amaba firaaqo u dhaxaysa murqaha dhaxdooda.

eernada ayaa ku badan dumarka. waxaana sahlan in xubnaha uur ku jirta ahi u bari baxaan dhexyaalada miskaha, iyagoo dhaafaya ama dilaacinaya xuubka u dhaxeeya labada gobol.

Waa maxay astaamaha eernada?

Astaamaha ugu waa-weyn ee eernada waa kuus kasoo muuqda maqaarka dushiisa. waxaa jira noocyo kala duwan oo eerno ah, kuwaas oo ku xiran meesha ay kasoo baxday iyo heerka buurnaanta eerno aad dareemeyso.

Noocyada kala duwan ee eerno waxa ay kala leeyihiin calaamada kala duwan, laakiin waxaa markasta ay wadaagaan in qofka eerno marka uu dareemo uu arkayo buro oo kale oo inta badan kasoo baxdo xubinta taranka amaba gumaarka agtiisa oo qarsamaysa marka uu qofka istaago, waxaa laga yaabaa in qofka uu dareemo tabar dari amaba cadaadis xaga hoose ah taas oo ay raacsan tahay xanuun meesha ah.

?

Waxaa sababa tabar dari ama cadaadis ku yimaada murqaha, eernada inay soo muuqato waxa ay qaadan kartaa waqti taas oo ku xiran sababta keentay marka h**e. Sababaha keeno murqaha oo daciifa waxaa ka mid ah

’da
daran
ka yimid qaliin

Sababaha keena in cadaadis amaba dhaawici kara jirkaaga oo keena in eerno ay soo baxdo qaas ahaan marka ay murqahaaga uur-kujirtu daciif yihiin waxaa ka mid ah


la’aan amaba in ay dhagto saxaradu taas oo cadaadis saaraysa caloosha
ama hindhiso joogta ah
oo hal mar kor u kaca

?

Waxaa jira walxo badan oo saacida in eernada ay soo muuqato amaba kordhiya halisteeda, waxaa ka mid ah

( oo kicin kara qufac joogto ah )
istaaga

uu leeyahay taariikh eerno amaba cidiisa ay leedahay

?

Daawada kliya ee lagu xalin karo waa qaliiin taas ah in repair lagu smeeyo meesha baaanaka ugasoo baxdo fascia dibna loogu celsho waxaas soo baxay

?

Markasta lama adkeen karo muruqaha keenaya eerno. hasayeeshee waxaad hoos u dhigi kartaa dhaawaca soo gaaraya. Arimahaan waxay kaa saacidi karaan in aad dhowrto eerno kugu soo aadan. waxaana ka mid ah isku day-yadaas



la ilaaliyo caafimaadka iyo miisaanka jirko si joogta ah na loo booqdo dhaqtarka si looga hortago qufaca joogtada ah iyo in la iska jiro dhaawac amaba cadaadis la saaro caloosha


share and Like pageka Dr: Anas
All My Friends Do your Best

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Doctor Anas posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Doctor Anas:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category