Dr Yuusuf Cali Maxamed

Dr Yuusuf Cali Maxamed tani waa riyadyda

29/01/2023

inta badan waxa ku dhaca hooyoyinka ugubka ah xaalad loo yaqan ( Breast engorgment) oo ah barar, adayg, giigsanaan ku timaada Naaska, Xaladana waxay timaada badana maalmaha ugu h**eeysa naas jaqsiinta ay biloowdo maalinka 3aad - ilaa maalinka 5aad.

Calamadaha hooyadu ka cabato

1. Kuusnaan ay dareento
2. Garaac
3. Xumad iyo kulayl naaska ah
4. Ilamaha har oo naaska qabsan kari waaya
5. Caarada H**e naaska oo balaaraata

Sidee hooyadu ula tacaalaysa

1. Soo qaado biyo aad kululaysay kadib maro towel (shukuman) oo kale ah ku dhex rid kadibna naaska kuwada dabool towelka oo kulul, muddo 5 daqiiqo hana ka badanin kuleylka badan naaska.
2. Kusoo qubeyso mar walba biyo diiran.
3. Masaaj ku samee dusha sare naaska
4. Intaanad jaqsiin ilamaha caanaha inta h**e iska yara lis
5. Ilmihii markuu jaqo ka dib wax adag oo qabanaya naaska ku xir si aanu u dhaq dhaqaaqin.
Ugu yaraan 3 cisho iyo wax kabadanba waad wadaysaa nidaamkan.

😭

05/12/2022

Waxaa jira Hab tikniloojiyada la adeegsanayo oo loo yaqaano In Vitro Fertilization(IVF)
looguna tala galey dadka aanan waxba dhalin awoodna ulahayn in ay si dabiici ah ilmo u dhalaan kana caawin karta in ay ilmo dhalaan

Iyada oo la adeegsanayo in gabadha ugxanteeda banaanka la keeno laguna talaalo ninka ugxantiisa dabadeeda marka ay bacrimin ay sameeyaan inta la qaado lagu shubayo ilmo galeenka haweeneyda Sidaasna ay uur ku qaadeyso.

Hadii biyaha taranka ninka ay yihiin kuwa tiro yar ama tabar daran waxaa jira hab si farsameysan toos ugxanta loogu durayo loona yaqaano intracytoplasmic s***m injection (ICSI) waana qayb kamid ah habkaan (IVF)

Ogaalkeyga bacrimintaan dalkeena laguma sameeyo

Qiimaha lagu sameeyo procedurekaan ma ahan mid aad u qaali u ah qiyaastii $1000-3000 ayaa lagu sameeyaa dalka India oo ah meelaha ugu badan ugana jaban.

Share

  keenikara  in 2 biyo ay bacrimi wayaan 👇Dhibaatooyin badan oo ay lamaanuhu la kulmaan si ay u dhalaan waxay la xiriira...
22/11/2022

keenikara in 2 biyo ay bacrimi wayaan
👇
Dhibaatooyin badan oo ay lamaanuhu la kulmaan si ay u dhalaan waxay la xiriiraan arrimaha dhalmo la'aanta lab ama dheddi labadaba.

, sababaha ugu waaweyn waa endometriosis, Polycystic O***y Syndrome (PCOS), isbeddellada tubbada iyo dhibaatooyinka la xiriira ugxanta.

, xaaladaha ugu badan ee dhalmo la’aantu waxay ku lug leedahay isbeddellada kala duwan, isbeddellada hormoonnada, caabuq iyo dhibaatooyinka hab -nololeedka, sida hab -nololeedka fadhiidka ah o anan sameyn wax dhaq dhaqaqa ah ,sigaar cabbidda iyo raga kashaqeya melaha kiimikada leh.

Dib -u -noqoshada madhalaysnimada waa suurtogal, laakiin waxay ku xiran tahay qiimeyn caafimaad oo taxaddar leh.

Waxaa jira xaalado isbeddelka xaaladdu ku yimaado in qofki ladaweyo ama qalliin lagu sameyo iyo, mararka qaarkood, qaadashada qaab nololeed caafimaad leh ayaa si togan uga qayb qaadan kara uurka muddada dheer la sugayay( life style o badashid qayb wayn uu kaqataa dhalmada).

Tusaale ahaan Hadan uso qato
PCOS, taas oo adeegsiga daawo gaar ah iyo isbeddelka caadooyinka nolosha wa wax umuhima in gabadhu sameyso intabadana ay kugulestan inkasto jirto dawoyin kale o ugxanta lagu kiciyo bukanada qaar.

.
Xaaladda varicocele, oo ah cudurka ugu weyn ee sababa madhalaysnimada ragga, daweyntu waa qalliin oo heerka bacriminta ama heerka shahwada ayaa si aad ah u kordha qalliinka kadib inkasto jiraaan dawooyin kaalmati ah.

hada 1sano iyo waxkabadan Adan owlad helin wa ina ogata waxa sababay in 2 ugxaan ama biyo bacrimi wayen
Adigo ogata sawirka hoose 👇👇👇👇👇👇

wa in 2 dhinacba lesbara o leska warqabaa si xal waara loogaaro.

anan owlad heysan ilahay hasiiyo inta haysatana alaha usiyaadiyo.

THYROID = DILAAGA QARSOON EE DUMARKAqanjirka thyroid ka waa qanjir u samaysan sidii balan baalisti oo kale waxa uuna qay...
15/11/2022

THYROID = DILAAGA QARSOON EE DUMARKA

qanjirka thyroid ka waa qanjir u samaysan sidii balan baalisti oo kale waxa uuna qaybta h**e kaga yalaaa cunaha ( hawa marenka )waxa uuna dhuunta kahga yalaa dhan ka hoose
Qanjirkaan marka uu cadiga yahy lama daremo
Waxa uuna leeyahy 2 dhinac

FG = DUMRKA QABAN CUDURKA KUDHOCO QANJIRKAAN WAXA AY MARAN XALADO
Ku bilawdaan tartiib tartiib kadibna isu badala halis cafimaad

●Astaamaha qanjirka 'thyroid' (hypothyroidism)

👉Calaamaduhu si tartiib tartiib ah ayey u kobcaan oo ma ogaan kartid inaad dhibaato caafimaad qabto dhowr sano.

Calaamadaha ugu h**eyo waxaa ka mid ah:

● daallanaan
● u nuglaansho qabow
● miisaanka oo kordha
● calool istaag
● niyad jab
●dhaqdhaqaaq oo dhiba
● fikir gaabis ah
● murqo xanuun iyo daciifnimo
● maqaar qalalan oo fiiqan
● timo jajaban iyo ciddiyaha oo siibta
● kabuubyo iyo dareemid la aan gacanta iyo faraha
● qufac iyo hergab soolaalabta ayan kadiba
● hurdo badan oo xad dhaaf ah

🤔 Xaaladaha halista ah 🤔

● indhaha oo soo barara
● Isha iyo baarka inta udhaxaysa oo midabku isbadala
● Kansar dhuunta ah

 Dawadda clomiphene ama clomid horay ma u maqashay  Bal wax ka ogow Dawadda clomiphene waa dawo lagu daweeyo dhalmo la'a...
07/11/2022



Dawadda clomiphene ama clomid horay ma u maqashay Bal wax ka ogow

Dawadda clomiphene waa dawo lagu daweeyo dhalmo la'aanta (inferitilty) waa dawo lagu qarxiyo ukxaanta xilliga gabdha ay dhali weyso in muddo ah,

Sidoo kale waxaa lagu daweyaa poly cystic o***y syndrome dawaddan waxay ka tirsan tahay raxanta la yiraado Selective estrogen receptor modulators waxay ku kor shaqeysaa furaha (Receptor) hormoonka Estrogen.

Takhatiirta dunidda waxay u yaqanaan dawaddan,dawadda mattaanaha sidaas waxay u leeyihin waxay kor u qaaddaa fursad lagu heli karo mattaanaha haddii uu allaah subxana wattacala siinayo qofka

Maxaa lagu daweyaa dawaddan ?

Sida aan kor ku soo xusay dawaddan waxaa lagu daweyaa

1-Dhalmo la,aanta qaasatan dumarka (inferitilty)
2-Polycysitc o***y syndrome (buro biyood minka ka soo baxa) halkan ka daawo annigoo sharxaya
3-Ninka shahwadiisa hooseyso low s***m

Maxay cillad leedahay dawaddan (Side effect)

Mid aan ogaano dawo kasta oo la liqo ama la isku duro waxay leedahay cillad u keeni karta jirka lakiinse dawooyinka wey kala cillad baddan yihin.

Dawaddan cilladaha lagu arki waxaa ka mid ah ?

1-Calool xanuun
2-Gumaar xanuun
3-araga indhaha oo yaraado,aad bey u yaryahay dawada in lagu argo calaamaddan
4-jir kuleel xilliyada la cuno dawaddan qofka waxaa lagu araki karaa olol iyo dhidid badan
5-Madax xanuun iyo lalabo joogta ah

Clomiphene waxa laga qattaa afka (oral intake), waxaana la qattaa xilliga ugu danbeysa bisha ee ay ku beegan tahay dhiiga caadada.

Ragga shahwaddooda hooseysa iyagana waa loo qoraa clomiphen halka gabadha shan ilaa sadax berri ka qaddanayaan

Lakiinse ragga waxay qadanayaan in ka baddan sadax bilood la tasho dhakhtarkaada ka hor inta aadan billaabin dawada.

:Haddaba dawo aan dhakhatar ku qorin ha isku cunin ee la tasho dhakhtarkaada ama dhakhtarka kugu dhawo waxaa kaloo muhiim ah qoraalkan in aadan raacin ee la xariir goobaha cafimaadka ee kugu dhawo.

Joogteynta cunidda khudrad cagaaran waxay ka qeyb qaadataa :- A. Yareynta cuduradda kudhaca wadnaha B. Yareynta cayilka ...
05/11/2022

Joogteynta cunidda khudrad cagaaran waxay ka qeyb qaadataa :-

A. Yareynta cuduradda kudhaca wadnaha
B. Yareynta cayilka
C. Yareynta cadaadiska dhiigga

31/10/2022

HIMILO UNIVERSITY
Dalka alle hyno samata bixiyo

HIMILO UNIVERSITY
31/10/2022

HIMILO UNIVERSITY

28/10/2022

Jimca kariim wllayal

An kuwada salino
Xabbken nabi maxamed SCW

Address

Dharkinley
Mogadishu
252

Telephone

+252616100987

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Yuusuf Cali Maxamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Yuusuf Cali Maxamed:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category