Dr Abdirahman Sh Ahmed Nor

Dr Abdirahman  Sh Ahmed Nor varified

Ma Ogtahay Tan ! Qalliinka Dhalmada (C-section) Waa Qalliinka Kaliya Ee Dhakhaatiirtu Gooyaan Shan Lakab (Isi Saar) oo J...
14/11/2025

Ma Ogtahay Tan !

Qalliinka Dhalmada (C-section) Waa Qalliinka Kaliya Ee Dhakhaatiirtu Gooyaan Shan Lakab (Isi Saar) oo Jirka Ah, 1-Maqaarka, 2-Baruurta Iyo Hilibka, 3-Murqaha, 4-Minka (Ilma Galeenka) Iyo 5-Bacda Ilmuhu Ku Jiro (Amniotic Sac) Sifo Ay Si Nabad Ah Ilmaha u Keeneen Dunida. 👶❤️

Waxaa La Yaab Leh In Lix 6 Saacadood Gudahood Hooyadaas Sidaas Loo Qalay, La Filayo Inay Istaagto, Socifo, oo Ilmaheeda Daryeesho, Inalkasta oo Ay Weli Xanuunsanayso Kana Soo Kabanayso Qallinkaas Culus.. đź’”

Xiaa Kadib Qalliinka, Jidhkeeda Ma Nasto, Wuxuu Bilaabaa Inuu Ilmo-Galeenka Soo Ceshado oo Isku Soo Aruuro, Wuxuu Si Daayaa Oxytocin Si Ay u Xoojiso Jaceylka Iyo Xariirka Ilmaheeda Kala Dhaxeeyo, Wuxuuna Bilaaba Soo Saarista Caanaha Iyadoo Hooyadda Ay La Tacaalayso Daal Iyo Xanuun Daran..

Hooyo Kasta oo Arintaan Soo Martay Xaqiiqatan Waa Mujahid Iyo Geesiyad Dhab Ah oo Mudan Bilad Sharaf In La Siiyo, Isla Markaana Geesinimadeeda Lagu Maamuuso.

Nabaradda Iyo Raadka Qallinka Jirkeeda Ku Reebo Waa Calaamad Xoogan oo Jaceyl Iyo Badbaado Muujinayso.

Maadan Qaadan Waddo Fudud Siday Dadka Qaar Ku Doodan, Ee Noloshaada Ayaad Siisay Ilmahaga Adigoo u Muujinayo Naxariis Iyo Jaceyl Dhameys Tiran oo Geesinimo Iyo Nafar Hurnimo Buuxdo Leh Hooyo..đź’Ş

Mahadsanid Hooyo Abaalkaga Janno Alle Haka Yeelo.

Dawada xiiqda loo qaato ee la idhaa “Inhaler” waa laba nooc.1.  Nooca koowaad waxa la idhaahdaa “ Reliever” kaas oo degd...
28/10/2025

Dawada xiiqda loo qaato ee la idhaa “Inhaler” waa laba nooc.

1. Nooca koowaad waxa la idhaahdaa “ Reliever” kaas oo degdeg u furaa marinnada hawada marka ilmahaha ay ku kacdo xiiqdu; waa “daawo degdeg ah” micnaheedu. Waxa ka mid ah daawooyinka sida Ventolin ama Salbutamol, waxaana yaala la isticmaalaa marka neeftu ilmaha ku adkaato ama qufac xoog leh uu yimaaddo.

2. Nooca labaad waa Controller inhaler, kaas oo si joogto ah loo isticmaalo si uu u xakameeyo xiiqda, isla markaana u yareeyo xiiqda soo noqnoqonaysa; waa “daawo joogto ah” waxa ka mid ah sida Pulmicort, Flixotide, ama Symbicort.

Waalidku waa in ay ogaadaan ama la baraa in reliever-ka la isticmaalo marka ay xaaladu taagantay naqaskuna hayo ilmaha, halka controller-ka la isticmaalo maalin kasta, xitaa marka ilmuhu caafimaad qabo, si xiiqdu aanay u soo noqnoqon.

Waalidka aaminsan in lala qabsado waxaan u sheegayaa inaanay run ahayn, waa dawada sambababka tagta oo kala furta. Maaha sida daawooyinka xanuun baa’biiyaha oo lalama qabsado.

10/07/2025
10/07/2025
DHAQTAR INTERNSHIP AH OO LA ADOONSADOXaquuqda uu leeyahay Dhaqtarka Internshipka ah: 1: Waa inuu helaa isbitaal dabooli ...
20/04/2024

DHAQTAR INTERNSHIP AH OO LA ADOONSADO

Xaquuqda uu leeyahay Dhaqtarka Internshipka ah:

1: Waa inuu helaa isbitaal dabooli kara Dhamaan baahiyaha Cilmi uu u baahan yahay ( Practical ) una awood u yeelin karo inu sameyo

â—Ź Surgery Rotation :
ATLS oo ah lama taabtaan iyo Minor surgery sida ( Simple hernia, Excission of lipoma,STS, Hydrocelectomy, I&D, etc ).

â—Ź OBG Rotation :
C-section iyo Vaginal delivery

â—Ź Pediateric Rotation:
La tacaali karaa Xaaladaha ugu badan ay caruurtu isbitalka u jiifan sida ( Dehydration, Pneumonia,Any type of anemia,
Malnutrition,Malaria and other infectous diseases etc)

â—ŹInternal medicine: inkasto aan soo kobi karin wa in Intern dhaqtarku La tacaali kara xaaladaha Degdaga ah Sida DKA, Hypertensive crisis,Asthma,MI, Sepsis, Etc ).

2: Waa inuu joojiyaa bixinta Lacagta fee jaamacada

3: Waa in la siiyaa

â—Ź Lacag mushaar ah bil walba ( Celcelis ahan 600$ -1500$)
â—Ź Guri ama Qol free ah oo ku taalo isbitalka ama u dhow
â—Ź Cunto Free ah
â—Ź Caafimaad free ah

Xaquuqdani waxaynu ku leenahay Dowladeena iyo jaamacadahaba ( Qodobka 2aad ), Gaar ahaan Wazaarada Caafimaadka.

NB: Dalalka Dariska nala ah Intership Doctorskoodu way helaan xaquuqdaan.

Balse Soomaaliya waa cagsi oo Dhaqtarka Intershipka ahi waa laga faaidaystaa xiligaan waayo Xaqiisa uma doodi karo oo xaninyaha ( Shahaado ) ayaa laga hayaa.

Tusaale 1aad : Aradayga marku simster one yahay waa la kalkooliyaa balse marku dhaafo simisterka 6aad Madaxa ayaa looga istaaga gaar ahan marku Intern noqdo oo Lacagta aya lagu dalaca.

Tusaale 2aad : Isbitaalada uma ogola Dhaqtarka intrshipka ahi inuu Sameyo qalimada yar yar, kaga sii darene waxa farxad wayn u ah inu assistent noqdo ama uu daawado marki laga reebo tiro yar oo intern doctors ah oo qaraabonimo isbitalka ku joogo.
NB : Isbitaalada badankodu waa kuwa gaar loo leeyahay waayo qofka isbitaalka leh waxa muhiim u ah qanaacada bukaankooda sababto ah bukanku lacag buu bixiyaa.

Tusaale 3aad: Hadi aan sua'al waydiyo Dhaqtar internship u dhamatay ama u dhamaan rabto oo aan dhaho " Maxaad soo baratay sanadkaga intershipka?""

Ardayda ugu dadaalka badan Jawabta ay badankoodu bixiyaan waa "" Waxaan so bartay History taking,examination, sida cirbad loo duro, sida kaanulo iyo catheter loo galiyo.."" Iga raali noqda 🙏

waxaana Xaquudaan u doodi kara Somali Medical Association : Ku: SMA
Waxan idinka codsanyaa inaad Waqti iyo dadaal ku bixisaan Si Dhaqtar intership ku heli lahaa xaquudiisa. Waxaa si naxariis leh idinkaga codsanayaa ugu yaraan aad hergalisaan 2 qodob oo aan isleyahay Wax waa laga qaban karaa markaan eego xaalada hada wadanku ku sugan yahy oo kala ah:

1: Joojinta in lacag laga qaado Dhaqtar intern ah
2: Inay helaan Waxbarasho u qalanta sida aan kor ku soo xusay iyo inta aad ku dari kartaan.

Mahadsanidin.

Ku Socoto Intern Doctorska somalyed: Waxan idinkula taljnayaa Qodobadan soo socda:

1: Sameysta urur idin gaar ah oo aad ku midaysantihin
2: Ku Dhiiri galiya ( Daba gala ) SMA inay Xaqiina idin soo dhiciyaan.
3: La wadaaga baahidiina Warbaahinta si ay u gaarto cida ku shaqada leh
4: La kulma kala dooda xaqiina Gadoomiyaha Midowga jaamacadaha soomaaliya.

Mahadsanidiin

Share gare oo tusi jaamacadada wax qalbigaga ka guuxaayo waa hadii aad igu raacsantahy.

Baraarujin:Goobaha loogu adeego bukaanada u baahda urine catheter(urether catherization) labadan caado oo inagu badan ma...
15/04/2024

Baraarujin:

Goobaha loogu adeego bukaanada u baahda urine catheter(urether catherization) labadan caado oo inagu badan ma fiicna

1. Isticmaalka dhiiqada TTC loo yaqaan ama (tetra cycline skin ointment) ku badalo lidocaine gel taasaa bukaankana u fcn

2. Biyaha aad ku shubto catheterka si aanu u soo dhicin ha isticmaalin Normal saline ( hadii qofka mudo loo deynayo waxay samaysaa crystillization ama xabuub hadhow wuu ku dhagaa oo biyihii aad ku shubtey ma soo baxayaan) badalkeeda isticmaal biyo caadiya ( sterile water).

Xigasho dr sidiiq

11/09/2023
17/01/2023
28/01/2022
04/11/2021
21/09/2021
21/09/2021

Address

Maka-almukarama-mogadishu-somalia
Mogadishu

Telephone

+252615692373

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Abdirahman Sh Ahmed Nor posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Abdirahman Sh Ahmed Nor:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

DOCTOR

I maintains or restores human health through the practice of medicine. i will diagnose and treat human disease, ailments, injuries, pain or other conditions. i can be found in several settings, including public health organizations, teaching facilities, private practices, group practices and hospitals.

There is a specific type of doctor for almost every major system located in the human body. Listed below are just a few examples:

What does a Doctor do?

A doctor's schedule will differ depending on the kind of medicine they practice. Some doctors work in an office, others in the hospital, and some in places you may not think of, like laboratories where they develop new medicines and research cures.