Dr Zakaria Koshin

  • Home
  • Dr Zakaria Koshin

Dr Zakaria Koshin Waa Page Rasmiga ah Dr Zakaria Koshin

*Wilhelm Conrad Roentgen* wuxuu ahaa *saynisyahankii Jarmalka* ee caan ka noqday helitaanka *x-ray* (raajo), taasoo bede...
01/02/2025

*Wilhelm Conrad Roentgen* wuxuu ahaa *saynisyahankii Jarmalka* ee caan ka noqday helitaanka *x-ray* (raajo), taasoo bedeshay caafimaadka iyo baaritaanka cudurrada gudaha jirka. Taariikhdiisa iyo shaqadiisa waa mid muhiim u ah horumarka *radiology*.

*1. Taariikhda Wilhelm Conrad Roentgen*
- *Wilhelm Roentgen* wuxuu dhashay *27-kii Mart, 1845*, magaalada *Lennop, Germany*.
- Wuxuu ka qalin-jabisay Jaamacadda Utrecht ee *Netherlands* sanadkii *1869* isagoo ku takhasusay *engineering physics*.
- Roentgen wuxuu shaqooyin kala duwan qabtay, laakiin wuxuu ku noqday caan markii uu sameeyay tijaabo muhiim ah oo ku saabsan *raajada* (x-ray).

*2. Helitaanka X-rays (Raajada)*
- *8-da Noofambar 1895*, Roentgen ayaa sameeyay tijaabo muhiim ah isagoo isticmaalaya *cathode ray tube* (tuubada raajada) oo qayb ka ahayd tijaabooyin uu ku baarayay *electromagnetic radiation*.
- Inta uu ku guda jiray tijaabadiisa, Roentgen wuxuu ogaaday in *muuqaal aan la arki karin* uu ka soo baxay tuubada, kaasoo ka gudbi kara walxo kala duwan sida *caag, kartoon iyo xitaa jidhka bani'aadamka*.
- Tani waxay sababtay in uu ogaado *x-rays*, kuwaas oo markaas loogu yeeray "raajada Roentgen," ilaa maanta loo yaqaan *X-rays*.

*3. Muhiimadda X-rays*
- X-rays waxay noqdeen aalad muhiim ah oo loo isticmaalo baaritaanka caafimaadka. X-rays waxay si fudud u sawirayaan *lafaaha* iyo *sanbabada* iyadoo la adeegsanayo radiation ka soo baxa ilo elektaroomaginetik ah.
- Waxaa loo adeegsadaa si gaar ah in lagu ogaado dhaawacyada *lafaha*, *gooryaanka*, *dhimashada* ama xanuunada gudaha jirka sida *buruubyada*, *cudurrada la xiriira dhiigga*, iyo *cudurrada neefsashada* sida *pneumonia*.

*4. Ablaalmurinta Nobel Prize*
- Sanadkii *1901*, *Wilhelm Roentgen* wuxuu ku guuleystay *Nobel Prize* ee *Physics* si loo aqoonsado shaqadiisa muhiimka ah ee helitaanka raajada.
- Roentgen wuxuu ahaa *saynisyahankii ugu horreeyay ee ku guuleysta Nobel Prize* isagoo aan la aqoonin shaqooyinka kale ee radiology.

Dhaqtarka ugu horeeyay ee noqday *radiologist* wuxuu ahaa Wilhelm Conrad Roentgen, oo ahaa German physicist*. Roentgen w...
01/02/2025

Dhaqtarka ugu horeeyay ee noqday *radiologist* wuxuu ahaa Wilhelm Conrad Roentgen, oo ahaa German physicist*. Roentgen wuxuu caan ku yahay helitaanka *x-ray* (ama raajada), taasoo ka mid ah aaladaha ugu muhiimsan ee loo isticmaalo caafimaadka, gaar ahaan *radiology*.

Roentgen wuxuu ku guuleystay abaalmarinta *Nobel Prize* ee *Physics* sanadkii *1901*, markuu helay ogaanshaha *x-rays*. Waxa uu soo saaray oo sharxay *x-rays* sanadkii *1895*.

Marka la soo koobo, *Wilhelm Conrad Roentgen* wuxuu ahaa dhaqtarka ama cilmi-baarista ugu horeeya ee muhiim u ahaa horumarka *radiology*, isaga oo helay ogaanshaha x-ray sanadkii *1895*.

Gaas / Gaastiriko (Gastritis) Gaaska waa xanuun badanaa somaalida aad uga sheegato, wuxuu ku dhacaa caloosha, waxaana ke...
26/03/2023

Gaas / Gaastiriko (Gastritis)

Gaaska waa xanuun badanaa somaalida aad uga sheegato, wuxuu ku dhacaa caloosha, waxaana keena dhowr sabab oo kala ah:

# Daawooyinka qaarkood sida asprin-ka, antibiotics-ka qaar kamid ah iyo kuwa kalaba
# Aash*tada caloosha oo badata, taasoo ay badiso gaajada muddada dheer ah ama xanuun aash*tada caloosha ku badiyay.
# Aalkolo cabbid
# Cunnada kuwa dhanaan ama dufanka badan leh ama babaaska leh ama khamiirka leh
# Sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada

Qofka xanuunkaan qabo wuxuu dareemaa calaamad ka mid ah calaamadahaan oo kala ah:

# Calool xanuun (bog xanuun ama caloosha oo idil khaas ahaan qeybaha kore ee bidixda ama midigta ah)
# Dibbiro iyo daaco (aaryo caloosha ku dhex wareegata oo marmar isku taagta oo qofka u dareemo in qodxo caloosha dhexdeeda looga mudayo, qofka markuu daacsado ama dhuuso wuu nafisayaa)

# Lalabbo ama matagid (Cuntada oo markaa aragto lalabo ku qabato khaas ahaan haddii dufan badan leedahay)
# Kuleel iyo Kor hur (Khaas ahaan calaacalaha iyo cagaha iyo caloosha)
# Af qallayl ama carabka oo dhabro yeesho (Waa calaamad ay badanaa ka cawdaan dadka gaaska muddada hayay)
# Hurdo xumo (Hurdada oo qofka ka qasan, qarow iyo naxitaan hurdada dhexdeeda khaas ahaan hadduu qof kaa kiciyo)
# Wadna garaac (Qofka wuxuu u malaynayaa inuu wadna qabad hayo markuu gaaska aad ugu kacsan yahay, wadna garaac iyo wuxuu leeyahay cadaadis feeraha ah maadaama hawada caloosha isku xirtay ay feeraha cadaadin karto).
# Laab jeex (qofka oo cuntada uu cuno ama biyo kulul ku soo gadoomaan, oo afka ka dareemo qaraar iyo dhanaan isla socdo)
# Warwareer (in miisaanka uu kaa lumayo markaa istaagtid ama jiifka aad ka soo fadhiisato, tani macnaheeda maahan in dhiig
yari ku hayso, gaaska wuu leeyahay calaamadaaan)

Qofka wuu wada dareemi karaa calaamadahaas mid ama labo ka mid ah, qofka hadduu gaas qabo waa in uu takhtar la xiriiraa, si loo daaweeyo, lana ogaado gaaska uu qabo nooca uu yahay.
Nabarka gaastirikada meesha uu uur ku jirta kaga yaallo waxay ku xiran tahay qaabka uu qofka calaamadaha kor ku xusan u dareemo, haddii gaajada ama dharagta u daran tahay, haddii xanuunka uu hal meel ku eg yahay ama caloosha ku baahsan yahay ama xanuunka uu dhabarka meesha bogga ku aadan uu ka qabanayo qofka.

Warbixintaas waxaa wax ku dhisi krara oo ogaan kara takhtar aqoon u leh cudurrada gaaska, ee haddii calaamadahaas aad isku aragtay la xiriir takhtar.
Xanuunka gaaska, qaar badan oo ka mid ah waxaa keena bakteeriyo loo yaqaano "Helicopacter Pylori", hadduu qofka jeermiskaan laga helo waa in daawada gaaska loogu daraa daawo antibiotic si loo dirlo bakteeriyada gaaska ku samayso caloosha.

Talooyin:
Cunto beddelid iyo daawooyin ayaa laga yaabaa in looga baahdo gaastirikada.
# Daawooyinkaaga sida lagu faray u qaado.
# Cun oo keliya cabitaanno cad ama cuntooyin aan dhadhan lahayn sida kuwa la dubay ilaa aad ka bogsato, ka fogow cuntada suugada, waxyaabaha saliidda leh, canjeerada iyo wixii khamiir leh, dhandhanaanka, basbaaska, cambuulada iyo wixii gasacaysan
iyo wixii la shiilay oo idil
# Si tartiib-tartiib ah cuntaadii caadiga ahayd ugu soo noqo. cun xaddiyo yar markiiba.(gaajada iyo dharagta labadaba way kuu daran tahay, cunto yar cun oo marar badan, sadaxda waqti ee cuntada la cuno kuma anfacayso haddii aad xanuunkaan qabto).
# Xilliga aad jiifan rabo 3 illaa 4 saac ka hor cunto cun, iska ilaali in aad ku seexato calooshaada oo buuxdo, taasi waa helis, haddii aad xanuunkaan qabto, gaajada in aad ku seexato xitaa waa heli, haddii aad gaajo dareento marka aad jiifan rabto, waxaad

cabtaa caano aan dhanaan ahayn oo qabow, caanaha waxay yareeyaan aash*tada caloosha waa daawo fiican.

Gaaska markuu qofka helis ku noqdo oo nabarro u yeelo, qofka wuxuu matagi karaa dhiig ama uu dhigi karaa saxaro dhiig ah, tani waa helis, inkastoo dadka qaar ay aaminsan yihiin markuu dhiig matago inuu caafimaadayo, tani maahan mid sax ah, waxaa dhici kara in qofka dhiig bax u dhinto haduu xidid caloosha ka furto oo nabarka qodo.

Fadlan isbitaal si degdeg ah u tag, haddii aad isku aragto dhiig saxarada la socdo (waxaadna ku ogaan kartaa saxaradaada oo madow noqoto, dhiig casaan ah ma arki doontid)

Maxaa ku badiyay cudurkaan Soomaalida?
Waa su'aal is weydiis mudan oo u baahan in baaritaan lagu sameeyo, laakiin takhaatiirta waxay qiyaasaan badanaa waxyaabaha halista ku ah ama keeni kara xanuunkaan in aan u badan nahay.
Tusaale ahaan, cuntada aan cunno, qaabka aan u cunno, daawooyinka sida aan u isticmaalno, stresska iyo welwelka iyo nolol xumada heysata dadkeena badankood iyo wayaabo kale oo aan weli la ogaan in ay jiri karto way dhici kartaa.
Cilmibaarayaasha xiiseeya diraasaynta cudurkaan in ay noo faahfaahiyaan waxyaabaha ah arkeen haddii ay jiraan waan jeclaan lahayn.
Way jiraan qoraallo la daabacay oo ku saabsan tiro ahaan inta uu saameeyo cudrkaan ama u dhinto oo badanaa qiyaas lagu dhisay, laakiin mid tafatiran oo wax lagu dhisi karo maahan, tusaale ahaan waxay sheegtay in 100,000-kii kun oo qof in 5 qof ay u dhintaa cudurka gaaska!!!.
Intii xanuunsan allaha ka caafiyo...

Dhamaan bahda Hayaan polyclinic Center oo ogu horeey Dr Zakaria Koshin iyo dhamaaan shaqalaha kale waxee manta farxada b...
18/07/2022

Dhamaan bahda Hayaan polyclinic Center oo ogu horeey Dr Zakaria Koshin iyo dhamaaan shaqalaha kale waxee manta farxada book difacashada la qeysanayaaa Nur Abdi Adow
Congratulations Congratulations ๐ŸŽŠ ๐Ÿ‘ ๐Ÿ’
Dadaalkaga halkaas kasii wad ayaaan ku lenahay

QeexidMurqo-xanuunku waa arrin caan ah oo wuxuuna ku dhacaa hal muruq iyo in ka badanba.Murqo-xanuunku waxaa la socon ka...
07/06/2022

Qeexid
Murqo-xanuunku waa arrin caan ah oo wuxuuna ku dhacaa hal muruq iyo in ka badanba.
Murqo-xanuunku waxaa la socon kara mergiyo-xanuun, seedo-xanuun, Lafo-xanuun iyo xanuun ku dhaca soohyada isku haya murqaha iyo xubnaha la xiriiraba.

Murqo-xanuunku badanaa wuxuu la xiriiraa kacsanaanta qofka, welwelka, murqaha oo aad loo adeegsado ama jug ka soo gaartay jimicsi ama shaqo culus. xaaladahaasi xanuunku wuxuu ku dhacaaa murqaha kaliya ay culeeska la saaray ama dhaawaca soo gaaray wuxuuna bilawdaa isla markii dhibku dhaco ama jimicsigu ama hawshu dhamaato. taasi oo u sahalaysa qofka inuu ogaado waxa u keenaya murqo-xanuunka.

Murqo-xanuunka wuxuu kaloo calaamad u noqdaa dhibaatooyin kale oo saameeyaa jirka oo idil sida caabuqidda (infakshannada), tusaale ahaan ifilada/hargabka.
Wuxuu kaloo calaamad u noqon karaa cudurro asiiba murqaha iyo soohyada isku haya jirka oo dhan sida cudurka loo yaqaanno "Lupus" ee haweenka u badan.

Waxaa kaloo jira cudurro sidoodaba ku dhaca murqaha kaliya oo badanaa calaamado kale wadan.

Sababaha keena murqo-xanuunka
Waxyaabaha ugu caansan ee keena murqo-xanuunka waxaa ka mid ah:
# Dhaawac ama jug soo gaaray murqaha sida murgacashada ama culeys xad-dhaaf ah oo la saaro.
# In adeegsiga murqaha laga badiyo ama si dhakhso ah loo isticmaalo taasoo muruqa u adkaysan karin.
# Kacsanaanta iyo welwelka qofka.
# Qaadashada daawooyinka qaar sida daawooyinka loo yaqaanno "ACE inhibitors" ee hoos loogu dhigo cadaadiska dhiigga, Daawooyinka "Statins" ee lagu yareeyo dufanka Kolistaroolka iyo daawada "Co***ne" ee lagu yareeyo xanuunnada, dadka qaarkoodne qabatimaan.
# Huridda iyo balbalidda wadajirka murqahaiyo oogada ee loo yaqaan "Dermatomyositis"

# Carqalad ku timaado macdanta jirka ku jirta sida soodyamka, bootaasyamka iyo kaalshiyamka.

# Cudurka "Fibromyalgia" oo kudhaca murqaha iyo soohyada dunta ah ee loo yaqaanno "Fibrous".
# Infakshannada oo ay ka mid yihiin: ifilada, malaariyada, muruq-malaxawga, dabeysha iyo gooryaannada qaar.
# Cudurka "Lupus" ee dhaawaca murqaha iyo maqaarka.
# Cudurrada keena murqo-lafo xanuunka sida roomaatiisamka lafaha iyo murqaha "Polymyalgia rheumatica" iyo "Polymyositis"
# Cudurka sumoobidda murqaha ee "Rhabdomyolysis" (soohyada murqaha ayaa go'go'sun darteed)

Guri ku daaweyn
Haddii murqo-xanuunkaagu ka yimid dhaawac ama adeegsi xad dhaaf ah sida jimicsiyo badan ee aad samaysay, iska yareey, naso, qaado daawo yareysa huridda iyo balbalidda murqaha sida "Ibuprofen" kadibne baraf iska saar murqaha ku xanuunaya labadaba maalmood ee ugu horreeysa.

Haddii xanuunku kaa hayo murqaha kaliya ee jirka oo idil oo aad la dareemeysid caajis iyo wahsi, isku dheellitir jiifkaaga iyo dhaqdhaqaaqaaga kadibne sameey murqo-duugis/muroq-riixriixid (murqo-daliigid).

Haddii aad jimicsato, jimicsigaago ha noqdo mid fudud joogtane ah sida socodka, baaskiil wadidda, dabaasha IWM
hadii aad xanuun dareentid jimicsiga si aayar ah u billaw kadibne ku dar illaa murquhu soo ceshadaan tamartii iyo xooggii ay lahaayeen.

Haddii aad kacsantahay, wawalsantahay isku day in aad iska yareyso, isku mashquuliso wax ku halmaansiiya, hurdadane ku dadaal.

Haddii tallaabooyinka kor ku soo xusay aadan wax iskaga dareemin waxaad u baahantahay in aad dhakhtar u tagto si laguu wiisiteeyo, laguuna baaro.
Hadii la ogaado cudurka kuu keenay murqo-xanuunka waa in aad raacdaa tallaabooyinka uu kuu sheegayo dhakhtarkaaga.

La xiriir dhakhtarkaaga haddii
# Murqo-xanuunku sii jiro in ka badan 3 maalin
# Xanuunku uu noqdo mid aadan u adkaysan karin
# Aad isku aragto calaamad caabuq sida barar, gaduudasho iyo xanuun haddii murqaha la taabto ah
# Aad ku aragto murqaha dushooda finiinic/faruuruc
# Murqo-xanuunkaagu uu billawday daawo aad qaadan jirtay oo aad joojisay ama aad cabirka qaadashada aad badashay

Wac gargaarka dagdagga haddii
# Aad isku aragto culeys siyaado ah, barar iyo kaadi-yari
# Aad dhib kala kulanto neefsashada ama liqidda
# Aad isku aragto tabardarri ama aadan nuuxin karin murqaha
# Aad isku aragtid matag, qandho iyo qoor-kogid.

Su'aalaha aad kala kulmi doonto dhakhtarkaaga
# Goormuu xanuunka bilawday? meeqo ayuuna ku hayaa?
# Halkee ayuu xanuunka kaa hayaa? ma jirka oo dhan baa mise hal meel kaliya?

# Xanuunku ma halkiisa ayuu ku ekaadaa mise jirka ayuu ku faafaa?
# Maxaa kuu siyaadiya xanuunka maxaana kaa khafiifya?
# Maxaa calaamado ah ee la socdo murqo-xanuunkaaga?
# Qaabkee ayay murqaha kuu xanuunaan? xanuunkaasine heerkee ayuu gaarsiisanyahay?
# Wax daawo ah miyaa qaadataa?

Baaritaannada laga yaabo in laguu diro
# Baaritaan dhiig sida tirakoobka dhiigga ee dhameestiran
# Baaritaanno kale sida falgaldadajiyaasha murqaha (muscle enzymes)

F.G/ Hadii murqo-xanuunkaagu la socdo, daal, tabardarri, caloo-adeyg, qabowga oo aad u adkaysan karin, kalagoysyada oo ku xanuuna, Istaaga oo ku dhiba, miisaankaaga oo dhakkhso u kordhay waa in aad iska baartaa hormoonnada uu soo daayo qanjirka toroodhka (Thyroid gland).

Ka hortagga xanuunka murqaha
# Is kululey jimicsiga ka hor, kadibne isqabooji
# Is kala bixi jimicsiga kahor iyo kadibba
# Cab biyo badan jimicsiga ka hor iyo kadibba
# Iska ilaali in hal si' aad u fadhiisato ama u jiifsato muddo dheer.
Hadii aad qabto su'aalo dheeraad ah ama faahfaahin, iigu soo dir qeybta su'aalaha: Dr Zakaria Koshin

๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ถ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฏ ๐—ฑ๐—ถ๐—น ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ?Isbadallada ku dhaco carabka waxay qofka ku keeni kartaa welwel hadii uusan fikir...
10/01/2022

๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ถ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฏ ๐—ฑ๐—ถ๐—น ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ?
Isbadallada ku dhaco carabka waxay qofka ku keeni kartaa welwel hadii uusan fikir buuxa ka haysan waxa ay tahay.
Carabka wuxuu ka mid yahay meelaha jirka ugu muhiimsan ee ay dhakhaatiirtu warbixin ka raadiyaan hadii uu qofka uu xanuunsan yahay maadaama cudurro badan ay carabka astaamo gooni ah oo lagu garto u yeelaan.

sidaas awgeed waxa ugu badan ee dadka ka sheegtaan waa cillada carab dildillaaca ma cara jeexjeexa ama waxa dhakhaatiirta qaar u yaqaanaa "carab qooreedka = Scrotal tongue oo macnahiisu laga wado in carabka uu u ekaado sidii qooraha oo kale.

Dildillaaca carabka da' kasta way ku dhici kartaa laakiin waxay ku badan tahay ragga khaas ahaan wixii xilliga qaangaarka ka dambeeyo.

โ– ๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—ถ๐—ฐ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—บ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ธ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ผ?
Dildillaaca carabka badanaa wax dhib ah ma keeno ee si dabiici ah ayuu ku imaan karaa khaas ahaan hadduu qofka dhaxal u leeyahay, dildillaaca heerka uu gaarsiisan yahay iyo carabka dhinaca uu kaga yaallo iyo haddii ay nabro ama barar la socdaan ama afka uu la buko ayey dhakhaatiirtu ku kala gartaan kan dabiiciga ah iyo midka cudurka uu keeno.

Sidaas awgeed haddii dildilaaca uu la socdo, hambab ama lur, biijo, ama xanuun ama dhaawac ka muuqdo camanka afka gudahiisa waa in aad dhakhtar la xiriirtaa.
Badanaa dildillaca carabka waxaa la arkaa markii la waynaado oo caruurta kuma badna, waxaana badanaa ogaado dhakhtarka ilkaha oo loogu tago check-up oo dadka badanaa kuma baraarugaan.

โ– ๐— ๐—ฎ๐—ท๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐—พ๐—ฎ๐—น๐—ฑ๐—ผ?
Waxaa kaloo jira xaalad kale oo cilladaan badanaa lagu khaldo taasoo aan jeexjeex carabku ka muuqan, laakiin uu fiiqfiiqan yaha ama hoolan yahay, taasi waxaa loo yaqaanaa "Geogrpahic tongue", waa sidii khariidada oo kale, labada cillad mararka qaar way isla socon karaan, way kala socon karaan.

โ– ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฏ ๐˜‚ ๐—ฎ๐—ต ๐—ฐ๐—ถ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป?
Cilladda carabka fiiqfiiqan waxa keeno safiican looma oga, laakiin waxyaabo ay xiriir la leedahay ayaa jira sida:
1- Cudurka gaaska iyo laab jeexa,
2- Fitamiin yarida khaas ahaan nooca "B-ga", hadduu dhakhtarkaagu u maleeyo in fitamiinadaasi ay kugu yaryihin wuxuu kuu qori doonaa fitamiin B complex oo ka kooban dhowrka fitamiin ee lagu daaweeyo dildillaaca carabka, ama cuntooyinka laga helo fitimiinka.
3- Xasaasiyadda afka, waxaa la arkaa markuu qofka cuno waxyaabo uu Allargy ku yahay, markaas carabka ayaa fiiqfiiqmo, xanuun ayaan la dareemaa markii wax dhanaan ama kulul la cuno, laakiin midka jeexjeexan wax xanuun ah lama dareemo.
4- Nadaafad xumada afka iyo caabuqa ilkaha.

โ– ๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ ๐—น๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ฎ๐˜„๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ?
Faraha ka qaad hadduusan dhib kugu haynin, waxaa dhici karto inuu sidaas dabiici ku yahay ama aad ka bogsan doontid adigoo daawo qaadanin.
Ku dadaal nadaafadda ilkaha oo carabkane joogto u nadiifi khaas ahaan hadduu dildillaac leeyahay si aysan cunnada u galin
Iska yaree cunnada kulul iyo kuwa dhanaanka siyaadada ah haddii uu carabkaagu u adkaysan karin
Ku dadaal cabidda ama cunista geedka nacnaaca "Spearmint", waxaa la ogaaday inuu dildillaaca carabka iyo xanuunkaba uu yareeyo.
Wixii intaa ka badan fadlan la xiriir dhakhtar talo kaa siiyo cilladaan.
๐—น๐—ถ๐—ธ๐—ฒ&๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ lawadaag walaalaha kale

(Admin)

14/10/2021

kusoo dhawaada Hayaan Polyclinic Center oo ku yaalla Wadajir, Mogadishu, Somalia oo idiin qaban doona dhamaan edeegyada caafimaadka oo dhameystiran.
mahadsanidiin

Address

Madino

252

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252615477379

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Zakaria Koshin posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Zakaria Koshin:

  • Want your practice to be the top-listed Clinic?

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram