03/11/2020
Malakul Mowt ayaa u soo galay Nabi Daa'uud, kor ayuuna u kacay CS.
Wuxuuna ku yiri Soo dhawaaw Walaalkeygiyow iyo Xabiibkii Malakul Mowt ahaayow, ma waxaad iigu timid in aad Nafta iga qaado ama waad i soo booqatay.
Wuxuu yiri may, waxaan kugu imid inaan ku ogeysiiyo arrinta Wiilkaan ee Xertaada ka mid ah , Noloshiisa waxaa ka hartay 10 Maalmood.
Wiilkuna xilligaas waa 20 Jir la fariisto Nabigii Alle?
Markaasuu murugooday Nabi 'Daa'uud wuxuuna billaabay in uu sheeda kala socdo, waxaa dhamaatay Tobankii maalmood, mana uusan dhiman Wiilkii.
Maalmo kadib waxaa u soo galay malakul Mowt Nabi Daa'uud.
Wuxuu yiri soo dhawaaw Walaalkeey aan jeclaayow ee Malakul Mowt ma waxaad igu timid inaad nafta iga qaado mise waad i soo booqatay?.
Malakul Mowt ayaa yiri:
May waxaan u imid inaan warbixin kaasiiyo arrinta Wiilka dhalinyarada ah ee xertaada ka mid ah.
Nabi Daa'uud ayaa yiri: waxaad igu tiri 10 Maalmood , maanta 16 maalmood ayaa laga joogaa.
Wuxuu yiri: Rabigeyga ayaa i amray inaan Nafta ka soo qaado , kadib markii uu cuno islamarkaana uu cabo qiyaas biyo ah oo uu u qalmo, Bari iyo Galbeed ayaana tagay waan ka soo waayay wax u qalma.
Iyadoo ay u hartay Neefsasho kooban , isaguna uu socdo anna dhinaciisa aan socdo ayaa waxaa wadada soo maray Nin Sabool ah , wuxuuna ku yiri ilaahey ayaan kugu dhaarshee wax i sii..
Jeebkiisa ayuuna gacanta galiyay wuxuu ka soo bixiyay 6 Diinaar wuxuuna siiyay Ninkii faqiirka ahaa.
Faqiirkii ayaa yiri : Ilaahey Cumrigaada ha dheereeyo, hana kaa dhigo mid Jannada Rafiiq kula noqda Daa'uud.
Durba waxaa ii yeeray Rabul Cizzah iguna yiri Kaalay Malakul Mowtow , haka qaadin Nafta?
Malakul Mowt ayaa yiri: Rabiyow raashiin iyo biyo intee la eg ayaa u harsan si nafta aan uga soo qaado , neefsasho tirsanta baa u dhimane.
Alle ayaa yiri: miyaadan arkeynin waxa uu siiyay Ninka Faqiirka ah?.
Malakul Mowt Wuxuu yiri haa?
Alle: Miyaadan maqleynin Ducada Faqiirka?.
Malakula Muwt wuxuu yiri Haa:
Markaasuu Alle ku yiri u tag Nabi Daa'uud kuna dheh Nabad gelyo ugu Akhri duruusta una sheeg in Alle 6 Diinaar uu ugu bedelay 60 Sano.
Mana dhimanayo isagoò aan gaarin 80 Sano wuxuuna Rafiiq kugula noqon doonaa Jannada.
Haddaad dhameysatay soo qor:
🤲يارب
Maadaama aan nahay Adoomadiisa u baahan Naxariistiisa 😭😥.
Fadlan nagusoo biir 👍like saar page ka
✍ Mohamed Ahmed Jimale