Baalbaal

Baalbaal Somali

28/05/2018
01/04/2018
Single intrauterine fetus in a breach presentation
10/03/2018

Single intrauterine fetus in a breach presentation

Renal lithiasis (“stones” in the kidney)
08/03/2018

Renal lithiasis (“stones” in the kidney)

08/02/2018

**nal_bleeding
Infection of the pelvic organs (va**na, cervix, uterus, fallopian tubes, or ovaries) may cause va**nal bleeding, especially after in*******se or douching. ... Pelvic inflammatory disease (PID) causes inflammation or infection of the uterus, fallopian tubes, or ovaries, which can cause abnormal bleeding.

Gacmaha oo la dhaqo waa ka hor tagga cudurada:Gacantu waa Jeermis gudbiyaha ugu khatarsan waxay cudurada u gudbisaa:1-Af...
30/12/2017

Gacmaha oo la dhaqo waa ka hor tagga cudurada:
Gacantu waa Jeermis gudbiyaha ugu khatarsan waxay cudurada u gudbisaa:
1-Afka, 2-Sanka, 3-indhaha, 4- maqaarka, 5-Cuntada 6-dadka kale markaad salamayso.
Cudurada ay gacmuhu gudbiyaan waxaa kaa midah:
1- tiifoowga
2- cagaarshowga.
3- daacuunka.
4- jaardiya.
5- qaaxada ama Tiibiida.
6- Hargabka noohyadiisa kala duwan.
7- Sambabka
8- calool xanuunka nuucyadiisa oo dhan.
iyo cudurro aan lasoo koobi karin.

Gacantaada mayr mar walba gaar ahaan saabuun ku mayr:
1- markad musqusha kasoo baxdid.
2- markaad cuntada guraysid ama aad samaynaysid.
3- Mar walba oo aad cuntada guraysid ama aad cunaysid.
4- Marki qudaarta aad jarjaraysid.
5- mar walba ood taabatid gaariga dad waynaha meelaha dadku qabsadaan ama la cuskado.
6- marwalba oo aad xayawaan taabatid.
7- mar walba oo aad dad badan salaantid sidaa booqashada.
8- mar walba oo aad caruurta cunto siinaysid.
9- markaad caruurta u qubaysid ka dib.
10- Marki aad musqusha ama meelaha kale aad nadiifisid.
# # Ciyaalka adigu faraha ka dhaqq intay ka waynaanayan.
Dhamaan waqtiyadaan kor ku xusan gacmahaaaga ku dhaq saabuun ama Shaambo................
By

The greatest wealth is health 👑💼🏥 .Cumar☺
26/12/2017

The greatest wealth is health 👑💼🏥

.Cumar☺

 ?In addition to cases in which a fetus dies during delivery as a result of asphyxia (oxygen deprivation if the umbilica...
08/11/2017

?
In addition to cases in which a fetus dies during delivery as a result of asphyxia (oxygen deprivation if the umbilical cord becomes twisted) or difficult labor, others can die in utero before labor starts. This is usually followed by expulsion of the fetus from the uterus within a few days. However, in rare instances the dead fetus is not expelled from the uterus at once, but is retained for several weeks. Fetal death refers to the spontaneous death of a fetus at any time during pregnancy, although the term is often used interchangeably with ‘stillbirth’. A stillbirth is a death that occurs after 20 weeks of gestation.

This differentiation is important for statistical purposes because in many states an intrauterine fetal death does not have to be reported at less than 20 weeks or 350 gram birth weight (it varies from state to state). Before this, it is categorized as a miscarriage. However there is some overlap, a late miscarriage (called a spontaneous abortion) is the loss of a fetus after week 6 up until week 24. The stillbirth rate in America is about 1 in every 155 births, that amounts to about 26,000 stillbirths a year.

07/11/2017

Waa maxay Baabasiir (Hemorrhoids)?
________________________________
Babaasiirtu waa sida xidido laamo leh oo ku yaalla marinka futada. Marka xididada noqdaan kuwo la bararsan dhiig, waxa timaada babaasiir.
Xididka bararsani waxa uu saameyn karaa mareegta qaybteeda wax yar ka sareysa marinka futuda, halkasoo qaybtaasi aanay taageero sidaa weyn ka haysan duubka muruqa ah (sphincter), waxana taasi ay keentaa babaasiir gudaha ah. Ama waxa laga yaabaa inay
saameyso xididada ku yaalla xagga hoose ee marinka, meel wax yar ka hooseysa maqaarka, taasoo keenaysa babaasiir dibadda ah. Dadka qaarkii waxay qabaan labada noocba.
Babaasiirtu waa dhibaato dad badan laga helo waxana ay saameysaa qiyaastii 50% dadka waqti ka mid ah noloshooda. Inkastoo ay xanuun leedahay lagana xishoodo, caadi ahaan ma aha xaalad culus.

Calaamadaha:
Calaamadaha lagu yaqaano waa:
Cuncun agagaarka futada
Dhiig (aad u cas) oo la arko ka dib marka la saxaroodo
Xanuun iyo raaxo daro inta la saxaroonayo iyo wax yar ka dib
Barar la arki karo oo ku yaalla agagaarka futada
Dareen ah in si buuxda caloosha loo faaruqin ama loo saxaroon
Marmarka qaarkood babaasiirta ku jirta gudaha marinka saxarada ayaa dibadda uga soo baxda futada. Waxa taa loo yaqaana babaasiir soo dhacday (prolapsed/prolapsing haemorrhoids). Marka ugu horeysa, waxa laga yaabaa in babaasiirtu kaligeed dib iskaga noqoto, laakiin marka dambe waxa laga yaabaa inaad u baahatid inaad adiga dib u celisid adiga oo isticmaalaya fartaada.
Babaasiirta dibadda u soo baxsani waxay keeni kartaa cuncun maqaarka ah iyo raaxo-darro badanaana waxa jira axal ka yimaadaa xubinta axalka sameysa ee xadxatootay. Babaasiirtu waxay noqon kartaa mid bararsan, laakiin marmar dhif ah mooyaane aad uma xanuun badna, iyadoo la xiriira kala-dhambal ama kala-dilaacid dhab ah (futo dilaac).
Haddii babaasiirtu ay kuu keentay xanuun badan iyo raaxo-daro, waa inaad u tagtid Dhakhtar.

Sababaha:
Waxa loo haystaa in babaasiirta ay caloosha adagi sababto. Haddii calooshu ku adag tahay muddo dheer badanaana ay dhib kugu tahay sidii aad u dhigi lahayd saxarada adag, waxay taasi dhaawac u geysan kartaa gidaarka ama darbiga marinka futada. Haddii taasi kugu
dhacdo marrar xoogaa ah oo ku filan in dhibaato timaado, waxa laga yaabaa in xididada ay ka lumaan taageerada iyo badbaadinta caadiga u ahayd. Waxa loo haystaa in dadka qaarkii ay leeyihiin xidido u jilicsan dhaawaca noocaasoo kale ah. Waxay u badan tahay in taasi la
xiriirto kala duwaanta jirka dadka oo ah arrin nasiib ah.
Babaasiirtu k**a timaado fadhiga lagu fariisto meel adag oo qabow, sare joogga badan ama shaqada fadhiga ah.
Xididada dhiigga celiya (arooriyeyaasha) ee futadu waxay ku darsamaan xidido ka sii weyn kuwaasoo dhiigga sii maraya beerka kuna celiya wadnaha. Qaybtaa ka tirsan habka xididada dhiig-celinta (habka arooriyeyaasha) ee waaweyn ma laha albaabo ama kalaxireyaal, waxana imanaysa in miisaanka dhan ee dhiiggu ku dhaco xididada dhiig-celinta ama arooriyeyaasha ugu hooseeya habka, kuwaasoo kala jiidma. Wax kasta oo xayiraya kor-u-socodka xorta ah ee dhiigga maraya xididadaa waxa uu keenaya in cadaadisku ku kordho. Taasina waa sababta inta badan babaasiirta loogu arko haweenka uurka leh.

Cilad-sheegidda:
Dadka intiisa badan ee leh babaasiirta way gartaan calaamadaha lagu yaqaano. Weydii farmasiilaha la-talin, haddii aad shaki qabtidna u tag Dhakhtarkaaga.
Haddii aad qabtid dhiig-bax aan sababtiisa la garanaynin oo ka yimid malawadka ama futada, waa in Dhakhtarkaaga ku arko wakhtiga ugu dhakhasaha badan ee suurogalka ah.

Daaweynta:
Dadka intooda badan ee qaba babaasiir waxay ku tahay khafiif ah waxana lagu daaweyn karaa daawooyinka la iska iibsan karo warqad dhakhtar la’aan kuwaasoo calaamadaha la isku arkay wax ka qabta. Babaasiirtu ugu dambeynta iyadaa iska tagi doonta daawo la’aan.
Babaasiirta ka timaada uurka caadi ahaan way iska tagtaa ka dib marka ilmuhu dhasho.
Calaamadaha waxa lagu daaweyn karaa daawooyin khafiifiya xanuunka, kuwaasoo badanaa qaabkoodu yahay labeen ama boomaato ama dabo-galis (suboosto).
Corticosteroids ayaa badanaa lagu labeeyaa daawooyinka xanuun-biiye goobeed ah waxana ay waxtar leeyihiin mudo gaaban (ilaa 7 cisho). Laguma taliyo in la isticmaalo mudo dheer ama lagu isticmaalo caruurta.
Marka babaasiirtu sidaa u sii daran tahay, waxa laga yaabaa in qalitaan ama daaweyn kale ay lagama-maarmaan noqoto. Babaasiirta oo qalitaan lagu jaro waxa la yiraahdaa babaasiir-jaris (haemorrhoidectomy). Babaasiirta inteeda badan laguma daaweeyo babaasiir-jaris, sababta oo ah hab beddelaad ah oo waxtar leh ayaa jira kaasoo ah ku-xiris duub rabar ah. Marka habkan la isticmaalayo, duub rabar giigsan ayaa lagu wareejiyaa qoorta babaasiirta si dhiiggii u imanayay ka joogsado ka dibna ay u ururto. Hababka kale waxa ka mid ah ku-duris daawo keenaysa in dhiiggu xinjirobo, burburis iyadoo la isticmaalayo baraf-ka-dhigid iyo daaweyn la isticmaalayo laysar.
Babaasiir-jarista waxa la isticmaala marka ay babaasiirtu weyn tahay ayna gudaha ku jirto.
Qalitaanka hawshii waxa ka mid ah xarig giigsan oo lagu wareejiyo salka babaasiirta si loo xakameeyo dhiig-baxa iyo xagga sare oo laga jaro. Taasi waxay keenaysaa inay jiraan qaybo gidaarka mindhicirka ah oon diir lahayn waxana qarin doona xuubka gudaha ee caadiga ah (epithelium) gudaha saddex ilaa afar todobaad. Inta lagu jiro mudadaan, waxa saxarada jileec lagaga dhigaa isticmaalka waxyaabaha biyaha xejiya sida ‘methyl cellulose’.
Badanaa natiijooyinka habkaa laga helo waa kuwo fiican, kaliyana tiro yar oo ah dadka laga qalay ayaa isku arka calamaadaha babaasiirta oo soo noqda. Inta lagu jiro mudada wax yar ka dambeysa qalitaanka, waxa laga yaabaa in ragga ay dhib ku noqoto kaadidu in mudo ah
waxana laga yaabaa in saxarada xoogaa la ceshan.

Ka-hortagga:
Ma jirto hab hubaal ah oo lagu joojiyo babaasiirta, laakiin cunto leh duf ama buushe badan ayaa wax wanaagsaan ah oo lagaga bilaabo ka-hortagga. Waxa taasi yareynaysaa halista caloosha oo joogsata iyo saxarada oo dhib iyo ducasho lagu soo saaro taasoo keeni karta
babaasiir.
Talooyinka guud waa:
Cun khudaar iyo cagaar badan oo daray ah ama cusub (ugu yaraan shan qaybood maalin walba)
Iska yaree baruurta (gaar ahaan dufanka xayawaanka), cuntada sonkorta leh, cuntada aad looga sii shaqeeyay ama la warshadeeyay
Cun cunto badan oo ah nooca digirta (sida digirta yaryar, digirta waaweyn, iyo digirta leh miraha balbalaaran)
Cun wax badan oo ah cuntooyinka laga sameeyay miraha ama xabuubka kaamilka ah ama dhameystiran (sida noocyada rootiga/rootiga ee laga sameeyay xabuubka kaamilka ah, ama baasta iyo siriyaalka xabuub kaamil ah laga sameeyay)
Khamriga ka fogow
Waxa kale oo fiican cunto duf badan leh haddii aad imminkaba qabtid babaasiir. Waxay taasi gargaar ka geysanaysaa caloosha adag iyo inaad ka baxsatid ducashada marka aad saxaroonaysid si aan babaasiirtu kuugu sii xumaan.
Babaasiirta gudaha ee dibadda u soo baxday waa in la celiyo, haddii ay suurogal tahay, iyadoo la isticmaalayo cadaadis khafiif ah oo faraha ah. Waa in taa la sameeyo iyadoo la jiifo. Haddii babaasiirtu aanay dib u noqonin, ama ay kugu hayso dhibaatooyin ku dhibaya,
waxa laga yaabaa in loo baahan yahay daweyn.
Cuncunka iyo raaxo-darada ka timaada babaasiirta waxa lagaga nafisi karaa noocyo kala duwan oo ah dabo-galis (subooso) iyo labeen ama boomaato. Kuwaasii waa tallaabooyin lagu daaweynayo calaamadaha laakiin ma bogsiinayaan xaaladda ku haysata.

12/10/2017

Address

MOGDISHO
Muqdisho
1122

Telephone

00252615583884

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Baalbaal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Baalbaal:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram