Dr Fuaad mubaarak

Dr Fuaad mubaarak Gain and contribute

14/06/2019

WAX KA OGOW!

EBOLA VIRUS DISEASE marka ugu horeysay waxaa lagu arkay xaafad u dhaw wabiga EBOLA ee dalka DRC iyo South sudan 1976 kii.
2014-2016 wuxuu dib uga dillaacay galbeedka afrika gaar ahaan guinea wuxuuna xuduudda uga tallaabay sierra leone iyo liberia.
2018-2019 waxaa logu arkay DRC iyado dhawaan bukaan qaba laga helay dalka UGANDA

Calaamadaha uu leeyahay cudurkani:

Xilli huuriska cudurkani wa 2-21 beri.
Qofka cudurkani qaba ma gudbin karo illaa ay calaamadaha kasoo muuqdaan

Calaamadaha durba soo muuqda waxaa kamid ah:

1.qandho
2.daal
3.murqa xanuun
4. Madax xanuun
5.riiraxyo

Dabadeed waxaa raaca:

1.matag
2.shuban
3.nabro
4.dhiig bax gudaha iyo dibedda ah
5.killiyaha iyo beerka oo ay waxyeello so gaarto

Siduu ku gudbaa?

Ebola waxa laga qada dhiigga iyo dheecaannada xayawaannada qaba sida fiidmeerta iyo daanyeerrada.
Dabadeed waxaa uu qofka qaba ugu gudbin karaan qofka aan qabin taabasho toos ah(maqaarka o meel ka jeexan ama meelaha xuubka jilicsana sida afka iyo indhaha) sida:

1.dhiigga ama dheecannada qofka cudurka qaba ama u dhintay
2.agab leh dhiigga ama dheecanka qofka qaba ama u dhintay

Howl wadeenno badan o caafimaad ayuu cudurkani ku dhacay iyagoo daryeelaya bukaannada.
Sidoo kale duugta qofka udhintay cudurkani ayey dad badani ka qaadeen

Cudurkani malaha daawo toos ah laakiin waxa la daaweeyaa calamadihiisa dhiigna wa lagu shubaa qofka dhiig baxay
Dhibanaha cudurkani haleelo waa in la karantiilaa madaama fididiisu ay sahlan tahay

FG: WAX KA OGOW! waa barnaamij an uga hadli doono caafimaadka iyo waxyaabaha la xiriira fadlan nala wadaag fikirkaga lana wadaag asxaabtada mahadsanid

Address

Muqdishow

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Fuaad mubaarak posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram