29/12/2022
Saylac; December 29th, 12, 2022. Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Salal Jaamac Muse Cige oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka salal ayaa maanta kala diray shaqaalaha Caafimaadka ee gobolka salal oo Fulin doona ololaha talaalka Isku dhafan ee Jadeecada iyo Dabaysha.
Isuduwaha ayaa bulshada gobolka salal ugu baaqay inay qaataan talaalka isku dhafan ee Jadeecada iyo Dabaysha oo ay Wasaaradda horumarinta caafimaadku ka bilawday guud ahaa gobolada iyo dagmooyinka dalka.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa mudooyinkii u dambeeyay guud ahaan dalka ka waday olole balaadhan oo ka dhan ah xanuunada Jadeecada iyo Dabaysha.