15/01/2026
Agaasimaha Cusbitaalka Guud Ee Degmada Sheikh oo Ka Qayb Galay Tababarka Horumarinta Hoggaaminta Caafimaadka.
Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee sheikh Hamse Mohamed Dirie ayaa ka qayb galay tababar ku saabsan horumarinta hoggaaminta iyo maareynta adeegyada caafimaadka, kaas oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Tababarkan ayaa lagu qabtay iskaashi caalami ah oo dhexmaray Jaamacadda Wolverhampton University ee dalka Ingiriiska iyo Jaamacadda Burco, waxaana uu qayb ka yahay barnaamijka Wolverhampton–Burao Health Partnership, oo ujeedkiisu yahay kor u qaadista tayada hoggaaminta, maamulka iyo adeegyada caafimaadka ee Somaliland.
Agaasime hamse ayaa tababarka intii uu socday ka faa’iidaystay aqoon iyo waayo-aragnimo ku saabsan hoggaaminta casriga ah ee caafimaadka, qorshaynta istiraatiijiga ah, iyo horumarinta tayada adeegyada caafimaad, kuwaas oo muhiim u ah kor u qaadista waxqabadka Cusbitaalka Guud Sheikhb
Ugu dambayn, Agaasimuhu waxa uu uga mahadceliyey Jaamacadda Wolverhampton University, Jaamacadda Burco, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL iyo dhammaan bah-wadaagta barnaamijka Wolverhamptonsida ay uga go’an tahay horumarinta nidaamka caafimaadka dalka.