Alnuur Family Clinic and Pharmacy

  • Home
  • Alnuur Family Clinic and Pharmacy

Alnuur Family Clinic and Pharmacy waa xarun caafimaad taas oo bixisa adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka qoyska guud ahaan

16/10/2025

It's an important to know your blood type to save your awn self and help others
Alnuur Family Clinic and Pharmacy

16/10/2025

It's an important for you to know your blood type to save your awn self and other.

02/07/2025
03/03/2024

Stop smoking now because it is the cause of the death of millions of people around the world. 🚬🫁

Stop the su***de of smoking 🚬🚭🚫🧣🎗

Baro Xanuunka macaan.Dr. xamse Cawil.
12/02/2023

Baro Xanuunka macaan.

Dr. xamse Cawil.

muuqaalkan waxaynu kaga hadli doonaa muxu yahay macaanka qaybihisa kala duwacan maxaa sababa iyo caalamadaha lagu garto

07/02/2023

Talo Dhakhtar..!

Iska ilaali cayilnaanta/Buurnida badan si caafimaadkaagu u sugnaado.

05/02/2023

Goormuu ilmahaagu u baahan yahay inaad xoqodo ka dawayso.

Daawo video-gan si aad u ogaatid shuruudaha caafimaad ee ku xidhan.

Fadlan Like Page, Share / Siina Faafi.

04/02/2023

Ballantayadu waa adeeg tayo leh oo dadkeena la jaanqaadaya.

Waliba shaybaadhka iyo computer hooyada uurka lehi waa bilaash...!!😅

Tilmaam: Burco, xaafada octobar, kasoo horjeedka macmacaankii h**e ee lafoole ama Qaran Pharmacy.

Tel: 063 4153716 ama 065 9333905

XOQADO XANNUUNKA IYO MAARAYNTOODA: W/Q Dr. Cabdiqani Siciid NuurXoqaduhu waa laba qanjidh oo ku yaal dalqada, waxayna qa...
02/02/2023

XOQADO XANNUUNKA IYO MAARAYNTOODA:

W/Q Dr. Cabdiqani Siciid Nuur

Xoqaduhu waa laba qanjidh oo ku yaal dalqada, waxayna qayb wayn ka yihiin wareega loo yaqaan waldeyer's ring ee habdhiska difaaca jidhka qaybta qaabilsan cunaha iyo madaxa.

Xoqodo xanuunka waxaa keena ili-ma-aragtiyo ay ka mid yihiin fayruusyo iyo bakteeriya.

MAXAA SABABA XOQADO XANNUUNKA?

Sida dibiiciga ah xoqodo xanuunku waa xanuun ku badan carruurnimada sababo la xidhiidha hab nololoodkooda koroya hasa ahaatee waxaa lagu arki karaa xataa qof wayn, waxaana sababa kuwooda ugu daran bakteeriyo loo yaqaan streptococcus pyogenes...!!

CALAMADAHA LAGU GARTO XOQODO XANUUNKA

Carruurta ka yaryar 3 sano waxaa suura gal ah inay soo bandhigaan uun qufac, cabudh, duuf midabkiisu yahay huruud/Jaalle, calool xanuun iyo xumad ka gaadha 38C lkn aanay xoqoduhu bararin.

Carruuraha ka wayn 3 sano waxay soo bandhigi karaan qanjidhada cunaha oo barara, qufac iyo xumad daran.

SIDEE LOO BAADHAA XOQODO XANUUNKA

Dhakhtarku isaga oo adeegsanaya aqoontiisa uu caafimaadka u leeyahay wuxuu ogaan karaa in ilmahan yar xoqodo xanuun hayo, isaga eegaya calaamadaha aynu kor ku soo xusnay iyo ilmaha oo uu jidhkiisa eeg-eego.

waxaa isna la isticmaali karaa shaybaadh si loo xaqiijiyo nooca caabuq sidaha keenay kuwaas oo ah in qofka yar laga qaado dhiig loo yaqaan A*O ama in cunahiisa dheecaan yar laga qaado.

SIDEE LOO DAWEEYAA XOQODO XANUUNKA.

Haddii uu keeno Virus, taas oo aad caloomadooda ku garanaysid xumad yar ama xumad la'aanba waxaa muhiim ah inaad ilmahaaga biyo cabida ku dhiiri gelisid, haddii uu xumad yeeshana aad ka jabisid.

Haddii ilmuhu xumad badan leeyahay taas oo gaadha ilaa 38C, waxaa suura gal inay bakteeriyo keentay xoqodo xanuunkaasi taas oo u baahan dawo antibiotics ah.

Daraasaadka iyo dawaynta ilaa hadda la hayo waa inay penicillin yihiin dawooyinka ugu fiican ee xoqodo xanuunka, waxaase sidoo kale la isticmaali ka dawooyinka kale ee Beta-lactamka sida cephalosporinska amaba macrolides sida azithromycin.

CAWAAQIB MA KEENI KARAAN XOQODO XANUUNKU..?

Haa. Waxaana ka mida
1. Ilmaha oo koriinku ka xumaado
2. Dhego xanuun
3. Ilmahoo habeenkii isku kaaja
4. Ilmaha oo habeenkii khuuriya
5. Oomitida oo ilmaha ka yaraata.

Ta ugu daran uguna xun waa xanuunka loo yaqaan Rheumatic Fever kaas oo caan ku ah
1. Curuuqo xanuun jidhka ku wareega
2. Wadno xanuun(Carditis)
3. Kurximo(Nodules)
4. Xanuun maqaarka ku dhaca(erythema marginatum)
5. Gariir ilmaha ku dhaca(syndenhams ch**ea).

Waxa dhif iyo naadir ah in nooc ka mida bacteeriyada keenta xoqodo xanuunku ay keeni karto kalyaha oo shaqodoodu gaabato, kuuna horseedi karta in kelyuhu qofkaas istaagaan.

La wadaag asxaabtaada si aqoontu u faafto.

Address

Burao

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Alnuur Family Clinic and Pharmacy posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your practice to be the top-listed Clinic?

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram