04/11/2025
Wajid, Talaado, 4 November 2025 Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka DKGs oo safar shaqo ku jooga Degmada Waajid ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Degmada Wajid, halkaas oo ay kulan kula yeesheen maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka.
Intii ay halkaasi ku sugnaayeen, waxay kulan muhiim ah la yeesheen maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa adeegyada caafimaad ee degmada, kor loogu qaadi lahaa tayada shaqaalaha caafimaadka, iyo in bulshada Wajid ay helaan adeeg caafimaad oo tayo sare leh oo joogto ah.
Mas’uuliyiinta booqashada ku tagtay ayaa sidoo kale kormeeray qaybaha kala duwan ee isbitaalka, waxayna ku bogaadiyeen maamulka dadaalka ay ku bixiyaan horumarinta adeegyada caafimaadka bulshada.
Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed waxay ku howlan tahay dadaallo joogto ah oo lagu tayeynayo xarumaha caafimaadka iyo kor u qaadista adeegyada bulshada ee gobollada maamulka.