26/09/2024
Waxaa jiray nin boqor ah wuxuu lahaa wasiir aad ugu dhow mar walba oo boqorka uu dhib ku dhoco wuxuu dhihi jiray "in uu qeyr kuugu jiro ayaa laga yaabaa", maalin uu boqorku seef ku tababaranaayey ayaa far ka go'day wasiirkii sidii caadadiisa ahayd wuxiu yiri farta kaa go,day in uu qeyr kuugu jiro ayaa laga yabaa,boqorkii waa xanaaqay wuxuuna amray in wasiirka la xiro wasiirka sidii caadadiisa ahayd wuxuu yiri "in uu qeyr iigu jiro ayaa laga yaabaa xabsiga" maalin maalmaha kamid ah ayaa boqorkii ugaarsi ubaxay sida caadadiisa ahaydna ilaalo ma uusan wadan jirin isagoo wadada iska socda ayuu ku dhex dhacay qolo sanabka caabuda deedna boqorki ayeey qabteen si ay ugu gowracaan sanabka ay caabudaan, markii loo geeyay ninkii ugu sareeyay ayuu yiri ninkan uma qalmo inaan ilaaheena u giwracno maxaa yeelay far ayuu ka go'anyahay deedna way iskasiidaayeen,isagoo farxsaan ayuu kusoo noqday qasrigiisa kadib markii uu kabadbaaday gowrac ,deedna wuxuu amray in wasiirkii lasoosiidaayo cafis ayuuna waydiistay wuxuuna yiri oraahdii ahayd "qeyr ayaakuugujira" way rumowday ,balse wuxuu waydiiyay sababta markii loo xiray uu u dhahay "xabsiga qeyr ayaa iigu jira" wuxuu yiri hadii aanan xabsiga geli lahayn ugaarsiga ayaan ku raaci lahaa,deedna booskaada anigaa gali lahaa oo waa la igowrici lahaa
Gunaanad:waxyaabaha kugu dhacaya mar walba alle udaa oo sabir waxaa suura gal ah in uu qeyr kuugu jiro.