Dr Zahra

Dr Zahra The greatest wealth is health

20/10/2023

Dhammaan umada muslimiinta ah waxaan ka codsanaynaa in aan si wada jir ah ugu duceyno shacabka reer falastiin in uu rabi ka dul qaado dhibaatada .
Waa maalin jimco ah rabi waxaan idin weydiinaynaa in uu idinka dulqaado musiibada dagaalka .
Golaha Xirfadlayaasha Caafimaad ee Gabdhaha Soomaaliyeed

category of blood pressure🙌🏾
20/09/2023

category of blood pressure🙌🏾

Ramadaan Kareem ❤️
22/03/2023

Ramadaan Kareem ❤️

03/01/2023

*MEDICAL ABBREVIATIONS*

> Rx = Treatment.
> Hx = History
> Dx = Diagnosis
> qd = Every day
> qod = Every other day
> qh = Every Hour
> SOS = If needed
> AC = Before Meals
> PC = After meals
> BID = Twice a Day
> TID = Thrice a Day
> QID = Four times a day
> OD = Once a Day
> BT = Bed Time
> BBF = Before Breakfast
> BD = Before Dinner
> Tw = Twice a week
> SQ = sub cutaneous
> IM = Intramuscular
> ID = Intradermal
> IV = Intravenous
> QAM = (every morning)
> QPM (every night)
> Q4H = (every 4 hours)
> HS = (at bedtime)
> PRN = (as needed)
> Mg = (milligrams)
> Mcg/ug = (micrograms)
> G or Gm = (grams)
> 1TSF ( Teaspoon) = 5 ml
> 1 Tablespoonful =15ml

Dr Zahra

16/12/2022

22/05/2022

Fayruska Africka ka qarxay wax ka ogow monkeypox ( furuq daayeerka).

Monkeypox (Furuqa daanyeeradda) waa cudur uu keeno il ma'araga virus ka, oo qayb ka ah Orthopoxvirus genus, qoys ahaanna raacsan famil ka Poxviridae.

Monkeypox Waa Cudur fayruus ah oo ku dhaca xayawaaanka una gudba Bani aadamka (zoonotic disease) badanaana lagu arko kaymaha Africada Dhexe iyo Africada galbeed.

Monkeypox calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah
●Qandho
●nabaro afka biyo iyo malax ku wata
●qanjiro barar (fever, rash and swollen lymph nodes).

Monkeypox badanaa waa cudur si iskiis ah looga bogsado muddo 2 ilaa 4 asbuuc gudahood ah (self-limited disease with the symptoms lasting from 2 to 4 weeks).

Xaaladdo aad u daran ayaa dhici kara mararka Qaarkood oo dhimasho keeni kara (Severe complicated cases can occur).

Monkeypox wuxuu ku gudbaa taabashada qof ama xawaan qaba cudurkaas.

Calaamadaha lagu garto cudurkaan waxay u egyihiin calaamadaha cudurka furuqa oo dunida hada ka hor laga daba jaray iyadoo la isticmaalay Talaal xaaladii ugu danbaysayna cudurka furuqa dunida oo idil waxaa lagu arkay somalia gaar ahaan jubadda hoose.

Monkeypox waa ka faafid yaryahay, waana ka dhimasho yaryahay marka loo eego cudurka furuqa ( smallpox).

Monkeypox Waxaa looga hortagaa Talaalkii cudurka furuqa lagu daba jaray, kuwa cusubna hada ayaa loo helay. Sidoo kale waxaa dhawaan la helay dawooyin lagula tacaalo xaaladaha cudurkaa uu soo rito.

Dr zarqaawi

من عاب أخاه بذنب لم يمت حتى يفعله، اللهم لا تشغلني بأحد من خلقك واشغلني بإصلاح نفسي..... ♥️👏
09/03/2022

من عاب أخاه بذنب لم يمت حتى يفعله،
اللهم لا تشغلني بأحد من خلقك واشغلني بإصلاح نفسي..... ♥️👏

20/01/2022
بسم لله الرحمن الرحيم              الحمد لله رب العالمين              Marka ugu h**eyso waxan u mahadcelinaya Allah (swt...
01/10/2021

بسم لله الرحمن الرحيم
الحمد لله رب العالمين
Marka ugu h**eyso waxan u mahadcelinaya
Allah (swt) oo ii suurta galiyay in heerkan soo gaaro👩‍🎓👩‍🎓
Marka xiga waxan u mahadcelinayaa dhamaan waalidintii naftooda iyo maalkoodaba ii huray sababtana u noqday inan xaqiijiyo hadafkaygii
Waxaa si qaas ah ugu mahadcelinayaa Eedadey Mcn ee ii aheed iina ah tiirka ugu ween oo noloshaydu ku tiirsantahy allah ka sakow ❤
Waxaa kaloo u mahadcelinayaa Aabahey mcn oo marna ii ah saxipkay,dhiigaliye boos walpana ii buuxiya❤
Sidoo kale dhaman adeeradey si qaas ah aderkay oo guushayda qayb wayn ka qaatay 🙏
Sidoo kale walaalahey gabdho iyo wiilalba ii muujiyay garab istaag aaminayna inan guulesan karo 🥰
Ugu danbeen waxan u mahadcelinaya Maamulkii iyo macalintydii jaamacada si qaas Ustaad Cabdicasiis Kanooni oo xaqiiqatan aan marwalpa iyo meel walpapa ku xusi doono inuu ahaa qofkii sababta u noqday inan manta doctor la iigu yeero magacasna ii hibeeyay sido kle ustad Abdirisak British oo aana marnaba ilaawin iyo Abdullahi Ismail Dhaqane idinma ilaawo iyo dhaman ardadii aan waqtiga dheer isla soo halganay 💯 I finally did 💯 Alhamdullilah
Dhamantiin sidaa ii garab gasheen alaha idin garab galo waku mahadsantihin garab istaagina
Special thnks to mi sis Lamiis Mohamed 🥰🥰

15/09/2021

Waligaa suuxidda qeybta dambe ma ka qaadatay maxaase faaido ku aragtay ama qasaaro ah ??

Suuxidda qeybta dambe ee jirka waxay leedahay faaiidooyin iyo dhibaatooyin badan haddii aan la helin dhakhtar takhasuskeed leh oo aan si fiican u kala aqoon xubnaha dhabarka iyo meesh la rabo in la mudo waxaa surta gal haddii uu qalad dhaco in aad xanuun la noolatid muddo.

Haddaba maxay faaido leedahay suuxidda qeybta dambe ee jirka (Spinal anesthesia)

●Xanuun yari xilliga qalniinka
●Wareer yari qalniinka kaddib
●Matag yari qaliniinka kaddib
●Soo kabasho deg deg (soo maaxid)
●Xanuun aadan dareemin muddo
●Qofka oo miirkiisa oo jooga xilliga qalniinka

Maxay leedahay qasaaro suuxidda qeybta dambe ee jirka

◇Dhabar xanuun kugu raaga.
◇Dhawac soo gaara neerfaha dhakhtarka suuxiya haddii uusan qibrad fiican u laheen xubnaha dhabarka waxaa suurta gal ah in uu dhaawac gaarsiiyo neerfaha dhabarka markaasna aad la noolatid xanuun dhanka dhabarka iyo murqaha
◇ Cun cun iyo jir barar ayaa laga qadaa dawada (Allergic)

◇Qalal dadka qarkood waxay ka qadaan qalal ama in ay suuxaan
◇Xawaaraha dhiiga oo dhaca(hypotension)
◇Madax xanuun

NB:Suuxidda qeybta dambe waxay kaalin weyn ka qaadataa nolashaada haddii uu dhakhtarkaada kugu taliyo in aad qaadatid cirbadda lagu suuxinaya qeybta dambe ee jirka ha diidin nolashaada waa nolasheena.

La wadaag asxaabtada siina sheer garee maclumaadkan.

Dr Cadceed

Qurux intaad raadinesid foolxumo ha u yeeran👌
27/08/2021

Qurux intaad raadinesid foolxumo ha u yeeran👌

Wayahay bishimo durro maxaa ka dhalan kara, addunyadan mar h**e ayuu soo gaaray in bishimaha iyo barida/Doolaha la durto.

lakiinse annaga hadda ayuu nagu cusub yahay in bishimaha la durto ee ma ku tala jirtaa in bishimaha duratid oo dawo lagu shubo.

Hadhowna lagu eegi waayo dhibta ugu yar ee ka dhalan karta waxaa waye in hadhow markii ay dawada ka baxdo bishimahaada shuuqaan markaas waxaa lagu moodo qof cafimaad darro haysa.

Sidoo kale bishimahaadii quruxda badnaa waxaa suurta gal in aysan soo noqon oo aad yeelatid bishimo kala qalloocsan.

Bal wayahay ee howsha i noo wada
Dr Cadceed
MD Salaad

Address

Kampala

Telephone

+252616980904

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Zahra posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Zahra:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category