Dr. Abdullahi Tuuryare

Dr. Abdullahi Tuuryare Waxan ahay Dr. Abdullahi Tuuryare, dhaqtar diyaarinaaya takhasuska Radiology-ga: USG, Xray, CT, & MRI

Oxford-AstraZeneca vaccine update Wakaalada midowga yurub u qaabilsan eegista iyo hubinta badqabka iyo tayada daawooyink...
18/03/2021

Oxford-AstraZeneca vaccine update

Wakaalada midowga yurub u qaabilsan eegista iyo hubinta badqabka iyo tayada daawooyinka ee layiraahdo Europeans medicines agency ( EMA) ayaa dib u eegis ku sameesay talaalka covid19 ka ee oxford- AstraZeneca waxay na dib u eegistooda ku ogaadeen in ilaa hada aan la arkin wax xariir ah oo ka dhaxeeyo talaalka Oxford-AstraZeneca iyo xijireysiga dhiiga (blood clotting) sidaas awgeed na talaalkan Oxford-AstraZeneca yahay mid aan khatar caafimaad laheen

Waxay kale oo ay wakaaladu cadeysay in faaiidooyinka talaalkan Oxford-AstraZeneca ay aad uga badantahay saameenta togan ee aadka u yar ee uu yeelan karo talaalkan

Hay'adda caafimaadka aduunka (WHO) aya ayadana khamiisti ina dhaaftay aduunka u sheegay in talaakan Oxford-AstraZeneca uu yahay mid aan wax khatar ah laheen walibana uu wax tar fiican oo ka hortaga cudurka covid19 ah leeyahay waxayna sheegtay in ay baaritaan ku wado maalinta jimcada ah na ay so saari doonaan natiijada baaritaankooda

Waxaan bulshadeena soomaaliyeed xasuusin laha in ay dhageestaan talooyinka dadka cilmiga u leh caafimaadka oo aysan ka dhigin arintan wax ruux walba uu fikir ka dhiiban karo

Aan dhageesano talada khubaradeena caafimaadka (health experts) iyo wasaarada caafimaadka soomaaliya oo aan ka faaiideysano talaalka la inaku deeqay

Link gan hoose waxaad ka heli karta natiijadii baaritaanka European medicines agency https://www.ema.europa.eu/en/news/covid-19-vaccine-astrazeneca-benefits-still-outweigh-risks-despite-possible-link-rare-blood-clots

Abdullahi Hussein Hassan.

COVID-19 Vaccine AstraZeneca: benefits still outweigh the risks despite possible link to rare blood clots with low platelets

10/03/2021

Facemask / af-saab

01/03/2021

Digniin Cusub
Wasaarada Caafimaadka Somalia

Waxaa sii badanaaya dadka lagahelayo caabuqa Korona Virus (COVID19).
Dhamaan Bulshada Soomaaliyeed waxaa lagu wargelinayaa inay qaataan taxadar Dheeraad ah raacaanna talooyinka:

Fadlan Xiro Af-Xirka si joogto ah.

Markasta u jirso qofka kale ugu yaraan 2 mitir

Gamcaha ku dhaqo Saabun iyo Biyo.

Waxaa taxadar gaar ah iyo ilaalin ubaahan Dadka Waaweyn iyo kuwa lanool Xanuunada Macaanka, Dhiigkarka iyo kuwa tabarta daran.

Qofkii isku og awood yari iyo difaac yari fadlan hala xiiriiro dhakhtarkiisa oo kor ha uqaado difaaca jirkaaga.

Haddii aad isku aragto calaamaddaha caabuqa Korona Virus, fadlan wac oo laxiriir 449 si laguusiiyo talooyinka kuguhaboon.

Fadlan si deg deg ah ugu dhaqaaq talooyinka si aad caabuqaan Covid19 uga badbaadiso Naftaada, Walaalahaaga, Waalidkaaga iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed.

Mahadsanidiin.

Wasaaradda Caafimaadka Somalia.

22/02/2021

Dhamaanteen waxan ka qeeb-qaadan karnaa ka hortaga faafida caabuqa

Courtesy:

01/05/2020

Kulan wacan saaxiibayaal waxan rajeynaya in aad caafimaad qabtaan, maanta waxan si kooban uga hadleena caabuqa

Cudurka coronavirus wuxu ka mid yahay cudurada faafa oo uu sababay virus dunida ku cusub oo la yiraahdo covid19

Caabuqa covid19 ilaa maanta wuxu ku dhacay bukaano ka badan 3 malyan waxana u dhintay in kabadan 230 kun wadankeena soomaaliya waxa la xaqiijiyay in kabadan 600 xaaladood oo covid19 ah taas oo ka dhigan in caabuqan uu aad u halis badanyahay

Waxa halis daran ugu jira dadka da'da ah ama kuwa qaba cudurada raaga sida macaanka, dhiig-karka, kansarka iyo bukaanada qaba cudurada qaar ee ku dhaca hab dhiska neefsiga, waxaase nasiib wanaag ah in 80% dadka uu caabuqa covid19 ku dhaco waxay dareemaan calaamado ama dhibaayo caafimaad oo aan darneen

Calaamadaha cudurkan waxa ka mid ah qandho (xumad), qufac qalalan, daal , bukaanada qaar waxa ugu darsama cunaha oo xanuuna sanka oo diif uu ka socdo ama uu xermo waxa kale oo calaamad muhiim ah in uu qofka waayo dareenka urinta iyo dhadhanka.

Caabuqan wuxu ku gudbaa ayadoo bukaanka qaba cudurka uu Hindhiso, qufaco ama uu hadlo kadib dhibcaha yar yar oo afkiisa kaso baxaya ay si toos ah u gaaraan ruux kale ama uu hawada ka jiito (neef ahaan u qaato) jeermiska covid19
Sido kale waxay u badan tahay in aad caabuqan qaadid hadii aad taabatid oogo ama meel uu jeermiska covid19 gaaray ama aad gacantaada kuso qaadid adigo salaamay ruux kale oo jeermiska gacmaha ku wata kadibna aad taabatid sanka, afka iyo indhaha.

Maadaama uu caabuqan laheen wax daawo ah iyo talaal aadna u halis badan yahay waxa lagama maarmaan ah in uu qofka sameeyo dadaal kahor tag oo dheeraad ah asaga sameyna sidan:
1. Dhaq gacmahaaha dhowr jeer maalintii ilaa mudo 20 ilbiriqsi ah markiiba adigo isticmaalaya biyo iyo saabuun ama dareeraha jeermiska dila
2. Ha taabanin afkaaga, sankaaga iyo indhahaaha adiga oon gacmahaaha dhaqin
3. Afkaaga iyo sankaaga ku dabool tiish ama maro nadiif ah marka aad qufaceysid ama aad hindhiseysid ama xusulkaaga oo laaban ku hindhis ama ku qufac
4. U jirso 2 mitir qofka kugu dhaw kana fogoow meesha ay dadku ku badanyihiin oo gurigaaga joog

Walal guuleyso caafimaad baan kuu rajeynaaya.

25/04/2020

Kulan wacan saaxiibayaal , waxan rajeynaya in aad caafimaad qabtaan.

Maanta waxan idin soo gudbinaaya fariirin aad u kooban oo ku saabsan



Talaalka (immunization) waa habka difaaca jirka banii-aadamka looga dhigo mid iska difaaci kara una adkeysan kara cudurada faafa (infectious diseases) ayadoo qofka la siinaayo talaal (vaccine), talaalka ayaa hab-dhiska difaaca jirka sii bara astaahama cudur sababaha (pathogens) si uu u sameesto difaac jir oo awood u leh in uu la dagaalamo kana takhaluso cudurkaas hadii uu lacala jirka soo weeraro mustaqbalka
Talaalku waa habka ugu wanaagsan ee cudurada faafa looga hor tago

Ilaa hada waxa jira in kabadan oo kala duwan oo ka hor tagi kara in kabadan 25 cudur oo aad u daran kuwas oo keeni kara dhimasho ama naafa-nimo joogto ah.

Faaiidooyinka badan ee talaalku leeyahay waxa ka mid ah:
1. Waxa uu hoos u dhigo halista aad ugu jirtid cudurka aad iska talaashay
2 . Waxuu ka qeeby-qaata ciribtirka cudurada
3. Waxuu kuu baajinaaaya qarash badan oo kaaga bixi laha is daaween.

Hada 2020 caalamka oo dhan waxa si fudud loo heli karaa talaalka aaas-aasiga ah in kasto ku dhawaad oo caruur ah aysan heli karin talaal caalamka oo dhan.

Khubarada caafimaadka aduunka ayaa isbuucan ugu magac daray si laysku xasuusiyo muhiimada talaalka

24/04/2020

Kulan wacan saaxiibayaal , waxan rajeynaya in aad caafimaad qabtaan

⚠️
Saaxiib raac tilmaaha caafimaad ee ka hortaga caabuqa covid19 waayo:
✔ intii isbitaal lagu seexin lahaa in aad gurigaaga joogto aya fiican
✔ intii isbitaalka laguugula tacaali laha tilmaamaha ka hortaga ee lagu faraayo in aad raacdo ayaa fiican

💧Gacmahaaga dhaq dhowr jeer maalintii mudo 20 ilbiriqsi ah markiiba adigo isticmaalaya biyo iyo saabuun.
🚫 Meelaha dadku ku badanyihiin ka fogaaw oo 2 mitir u jirso qofka kugu dhaw.

Abdullahi Hussein Hassan

23/04/2020

Kulan wacan saaxiibayaal waxan rajeynaya in aad caafimaad qabtaan, maanta waxan si kooban ugu hadleynaa muhiimda ka hortaga cudurada:

Ka hortaga cudurada (Disease prevention) waa ficillo iyo hab ama caado la sameeyo oo u qaabeysan yareenta suuragal-nimada uu cudur qof ugu dhici karo, kor-na loogu qaado badqabka shaqsiga iyo bulshada.

Waxaa kale oo ka hortaga cudurada soo galaaya in si dhaqsi ah loo joojiyo lana hakiyo kor u kaca xanuunka bukaanada haya iyo yareenta natiijooyinka xunxun ee ka dhasha cudurada sida naafa-nimo joogto ah oo maskaxeed ama jir ahaaneed ba.

Aad ayay muhiim u tahay in cudurada laga hortago waayo waxay kuu suura galin kartaa in aad caafimaad iyo nolol tayo leh ku noolaato hadi alle idmo, sidoo kale na waxay kuu baajineysaa qarashaad badan oo aad isku daaween laheed, hadaba ka hortaga cudurada waxay u qaybsantaa ilaa 3 heer:

1. Heerka 1 aad ee ka hortaga cudurada ( primary prevention) wuxu u qaabeysan yahay sameenta xeelado iyo ficilo aad uga hortageyso in marka h**e ba uu cudur kugu dhaco tusaale ahaan in aad is talaalaasho si jirkaaga aad usi bartid cudurka si difaac uga sii sameysto ama sameenta jimicsi/jirdhis joogta ah adigoo qaadanaaya cunto dheeli tiran taas oo ka hortagi karta cuduro badan oo kugu dhici hala sida kuwa wadnaha iyo xididada dhiiga ku dhaca.

2. Heerka 2 aad ee ka hortaga cudurada (secondary prevention) waxu u qaabeysan yahay in aad si dhaqso ah faragalinta ku haboon u sameysid hadii uu cudur kugu dhaco si uusan saameen xun kuugu reebin taasi na waxaad ku gaari kartaa in aad yeelato jadwal joogto ah oo aad ku booqatid dhaqtar si laguu baaro mar walba.

3. Heerka 3 aad ee ka hortaga cudurada (tertiary prevention) waxa loogu tala galay in lagu yareeyo sameenta aan wanaagsaneen ay ka tagaan cudurada iyo sidii aad dib ula qabsan laheed nolosha hadii cudur uu saameen aan wanaagsaneen kugu reebay sida curyaan-nimo

Alle waxan ka baryayaa in uu cudur oo dhan naga hayo, Igala qayb qaado gudbinta fariintaan oo share gareey page kana like saar

Guuleyso sxb caafimaad baan kuu rajeynaaya.

Address

Wakaliga Road
Kampala

Opening Hours

Monday 09:00 - 16:00
Tuesday 09:00 - 16:00
Wednesday 09:00 - 16:00
Thursday 09:00 - 13:00
Friday 09:00 - 11:00
14:00 - 16:00

Telephone

+252708830587

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Abdullahi Tuuryare posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr. Abdullahi Tuuryare:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category