Dr Abdifatah Abdullahi Adami

Dr Abdifatah Abdullahi Adami Welcome guys �you can get in here the latest news of the world and general informations about our community � Livestock is the backbone of our economy

Macmiil: Waa imisa boorashkaasi? Waxa uu baayacayay nooca loo yaqaan Kabtanka oo 500g ah."Waa15,000 SLSH" ayuu yidhi wii...
09/11/2021

Macmiil: Waa imisa boorashkaasi? Waxa uu baayacayay nooca loo yaqaan Kabtanka oo 500g ah.

"Waa15,000 SLSH" ayuu yidhi wiilkii dukaanka hayay.
Nin kale oo wax ka iibsanayay oo aan u malaynayo in uu ahaa qurbe-joog ayaa yidhi: "Waa qaali. Annaga mid ka wayn ayaa nalaga siiyaa hal dollar".
Macmiilka iibsanayay waxa ka muuqday in uu la yaabanaa ninka leh 15kun ayaa qaali ah. 15kun waa ku dhawaad 2$.

Arrintaasi waxa ay ku tusinaysaa in maceeshaddu ay qaali ku tahay dalkeenna oo aan la xisaabtaminba.

Sida aan maqlay dad badan oo qoysaskooda u raray Turkey, Uganda, Kenya iwm waxa ay sheegeen in maceeshaddu aad uga hoosayso kana tayo wanaagsan tahay ta dalka?

Arrimahaas ma la dareensan yahay, mise dawladuna cashuur ayay ka fekeraysaa, ganacsataduna macaash, dadkuna waa qof iyo nasiibkii?
ilo lagu kalsoon yahay ✔️

Lix  Qodob Kugu Dooran Mayno Ayaa Tolkii U Sheegeen Wuuse Qanci La'yahay.(Nimaan Quusanna' Isagaa Quusa)Wuu Samri la'yeh...
01/15/2021

Lix Qodob Kugu Dooran Mayno Ayaa Tolkii U Sheegeen Wuuse Qanci La'yahay.

(Nimaan Quusanna' Isagaa Quusa)

Wuu Samri la'yehee Tolkii Hadal Cad Waxay u Sheegeen in Anay Diyaar u Ahayn inay doortaan, waxayna u Sheegeen Lix qodob.

Afhayeenka Madaxwaynaha Somaliland Maxamud Warsame Jama
Ayaa Maalin Isugu Yeedhay Dhamaan Guddiyada Kala Duwan ee Waayeelka, Waxgaradka, Dhalinyarada, Aqoonyahanka, Culimada, Ganacsadayaasha, Shaqaalaha, haweenka, Beesha uu kasoo jeedo, Wuxuuna u Sheegay Inu Sharaxan Yahay Ayna Doortaan, Waxayna u Sheegeen Inay Ka Tashanayaan Saddex Cisho Ka Bacdi uu Kusoo Noqdo.

Hadeel Dheer Iyo Talo Qiimo leh Dabadeed Maalinti La Balansanaa Waxaa Loo Sheegay Lix Qodob ee Soo Socda:-

1- Afhayeen Haddaanu Nahay Beeshaadi Waxaanu Ku Dooranay Shalay Xaqna Maaha in Mar Labaad Lagu Doorto, Duca Qabe Musharaxnimadu Waa Meerto.

2-Haddaanu Nahay Beesha Aad Kasoo Jeedo Sidaanu u Dhan Nahay Waxaanu Nahay Waddani, K**a Bixi Karno Qodobadii Lagu Heshiiyay Shirkii Daalo Ee Beesha Habar Yonis iyo Kii Gacan Libaax ee beesha Garxajis,Kulmiyana Boos Uma Hayno.
Fiqina Tolkii K**a Jano Galo.

3-K**aad Bixin Secondary School, sidoo kale kamaad Bixin Jaamacad, Wax Xirfadana Ma Lihid, Sido Kale Da'dii Barlamaanka Maad Gaadhin.

4-Maanta Gobolka Sanaag Iyo Gobolada Kale Ee Barriga Dulmiga Ay Ku Jiraan Waxaa Kala Dabaalan Kara Oo Keli ah Xildhibaan Kaso Baxa Xisbi Mucaarad,
Loomana Baahna Xisbigii Laga Soo Reebi Lahaa Dalka In Isaga Cod Loogu Sii Daro.

5-Beesha Aad Kasoo Jeeda Waxay Shalay toole si Hufan oo Hagar La'aan ah Kuu Gaysay Xisbiga Waddani Iyo Golaha Deegaanka Ceerigaabo Codkii Labaad Ee Gobolka Sanaag ugu Badnaa ayaa Lagu Siiyay Waxaad Kaga Tagtay Meel Cidlaa,Waxaadna ku Biirtay Xisbiga Kulmiye, Berina Damaanad ka Noqon Mayno Inaad Ka Carrarto XilKanaad u Sharaxan Tahay.

6-Haddaanu Nahay Beesha aad Kasoo Jeedo Jilibka Hoose Ee Aad Ka Tahay Waxaa Laydin Doortay Afar Jeer:-
1-Axmed Xasan (Mr-Dinad) Oo ahaa Baarlamankii U H**eeyey
2-Ibrahim Dhaadhere (A.H.UN)Baarlamaankii Labaad
3-Siciid Mire Jama Gole Degaan
4-iyo Adiga Oo Ah Maxamud Warsame jama(Gole Degan)
Maantana Rag Kale oo Tolkaa ah Ayaa Han Siyaasadeed Leh ooTaagan, Qaarkoodna H**e Kugu Tanaasuleen ee Xishood.

Lkn Waxaan Kugula Talin Lahayn Shaqada Aad Joogto Dabada Ku Adkayso Maandhooooow.

Wuxuuna Balan Qaaday Inu Tolka Kala Goyn doono Haddaan Tiisa Lo Yeelin.

Wax Hadal ah Looguma Jawaabin.

lkn Nin Ragga Ka Mid Ah oo Ay Kaftamaan Ayaa U Sheegay In Dhakhtar Caafimaad La Gayn.

Waxbarasho bilaash ah oo aan haddana bilaash ahayn:-Sannadkii 2010kii waxaa xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo ay ku dhawa...
06/10/2020

Waxbarasho bilaash ah oo aan haddana bilaash ahayn:-

Sannadkii 2010kii waxaa xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo ay ku dhawaaqday in dhammaan dugsiyada Hoose/Dhexe ee dawladdu ay yihiin lacag la’aan, isla markaana arday kasta oo Somalilander ah uu heli doono waxbarasho bilaasha oo tayo leh.

Wakhtiga ay dawladdu ku dhawaaqday in waxbarashadu bilaash tahay waxaa ardayda dugsiyada dawladda laga qaadi jiray lacag ka yar $2 doollar, balse xaalku wuxuu ahaa mid ka sii daray uun, bilaashkii wakhtigaas lagu dhawaaqayna hirgalkiisii muu noqon mid lugo adag ku taagan, waayo maalintii lagu dhawaaqay illaa maanta dugsiyada dawladda ardayda lacag ayaa laga qaadaa, iyadoo weliba ay sannad kasta korodho, waxaana intaasi u sii dheer lacago kale oo iyaguna marmar ardayda si gaar ah looga qaado, sida dayactirka iskuulka, abaaraha, nadaafadda, i.w.m.

Ardayda dugsiyada dawladda dhigata intooda badan waa kuwo ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ee tahli kari waayay in ay wax ka bartaan dugsiyada gaarka loo leeyahay oo Somaliland gudaheeda waxbarashadooda la ammaano.

Wixii ka dambeeyay markii xukuumaddii Kulmiye ee 2010 ku dhawaaqday in waxbarashadu bilaash tahay waxaa uu ahaa qodobka ugu weyn ee xisbiga iyo xukuumadduba ku faanaan, iyadoo danyartuna ay garan la’dahay bilaashka la sheegayo halka uu ka hirgalay.

Dhawr jeer oo la waydiiyay xukuumadda Somaliland sababta uu u hirgali waayay in bilaash ay noqoto waxbarashadu, waxay ku adkaysteen mas’uuliyiintu in waxbarashadu lacag la’aan tahay oo aanay ogayn meel ardayda lacag lagaga qaado.

Maxaa sababay in lacag la qaado?

Sannadkii 2010 dawladdu markii ay ku dhawaaqday in waxbarashadu bilaash tahay, sidoo kale waxaa iyaduna ay ballan-qaaday in macallimiinta dugsiyada dawladdu ay si joogta ah ku heli doonnaan mushahar ku filan. Macallimiinta ayaana mushahar ahaan u qaata lacag dhan $100 doollar.

Si aan ugu kuurgalo sababta illaa hadda loo qaado lacagta dugsiyada oo ay dawladdu rumeysan tahay in ay bilaash yihiin ayaa waxaan tagay dugsiyada dawladda qaarkood si aan u soo hubiyo arrimaha keenaya lacag qaadista iyo waxa kallifaya. Waxaan la kulmay macallimiin iyo maamulayaal kala duwan, sidoo kale waalidiinta qaar ee arrintan ka cabanaya ayaan la sheekaystay.
Waxaana iiga soo baxday in sababta keenaysa lacag qaadista dugsiyadu ay tahay sidan:
Macallimiinta oo aaminsan in aanu ku filnayn mushaharka dawladdu
Baahiyaha dugsiyada dawladda, sida nadaafadda iyo biyaha oo aanay dawladdu bixin
Macallimiinta oo u bartay lacagta ay ka helaan ardayda, iyagoo caado ka dhigtay
Dawladda oo aan mas’uuliyad iska saarin dabagalka ballan-qaadkii ahaa in dugsiyadu bilaash noqdaan.

Waxaan sidoo kale la kulmay waalidiin lagu soo eryo ardaydooda marka ay kala raagaan lacagta dugsiga, iyadoo taasina ay tahay arrin kale oo warwar ku haysa waalidiinta danyarta ah.

Ardayda haatan waxaa laga qaadaa lacag dhan 35,000 oo shilinka Somaliland ah taasi oo u dhiganta $4 doollar, waa in ka badan libin-laab lacagtii laga qaadi jiray waagii xukuumaddu ku dhawaaqday bilaashka.

Waxbarashada iyo COVD19

Wakhtigan hadda lagu gudo jiro xanuunka faafaya ee COVID19 goobaha waxbarashadu waxay ahaayeen kuwo xidhan oo fasax ayaa la galay, dawladduna waxay sheegtay in ardayda loo qiimeyn doono imtixaankoodii h**e.

Waxbarashada waxay ardayda intooda awoodi karaysay ay kala socdeen Raadyaha iyo Telefishanka mana jirin dugsi iyo goob waxbarasho oo la tagay muddada fayraska koroona lagu gudo jiro. Waalidiiinta ayaa filaayay in aan wax lacag ah laga qaadi doonnin labadii bilood ee ay ardaydu fasaxa ahaayeen maadaama aanay ardaydu tagin dugsiyada, balse taas baddalkeeda waxaa haatan dugsiyadii dawladdu ay doonayaan lacagtii ay h**eyba u qaadan jireen weliba labadii bilood ee fasaxa ahaa ayay doonayaan in halmar la isku raaciyo taasi oo xisaabta ka dhigaysa ardaygiiba libin-laab.

Ardayad waxbarashada kala socota raadyaha.
Waxaana xusid mudan in xanuunkan uu dhaqaalaha qoysas badan uu dhibaato weyn u gaystay, isla markaana ay adag tahay xal u helidda lacagaha libin-laabka ah ee waxbarashada dawladda. Waxay ahayd wakhtigii ay dawladdu lacago iyo nolol ay u raadin lahayn danyarta aan haysan wax ay cunnaan.

Maxaa la gudboon dawladda?

In dawladdu si dhab ah u fuliso ballan-qaadkeedii ahaa, waa bilaash waxbarashadu.
In dawladdu ay kafaalo qaaddo daryeelka iyo dayactirka dugsiyada si joogta ah.
In macallimiintu ay helaan mushahar ku filan oo ay kaga maarmaan lacagta ay ka qaadanayaan ardayda danyarta ah.
In dawladdu ay si dhow ula socota habsami u socodka waxbarashada dugsiyada dawladda.

Fiiro gaar ah:

Waxaa xusid mudan in dugsiyada sare ee dawladdu ay yihiin kuwo lacag ah oo aanay weli dawladdu ku dhawaaqin in ay bilaash noqdaan.

Dhammaad

Xigasho~Khalid foodhaadhi

انا الله وانا إليه راجعون       Alle ha u naxariisto guddoomiyihii gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Oo goor dhawayd ...
06/07/2020

انا الله وانا إليه راجعون
Alle ha u naxariisto guddoomiyihii gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Oo goor dhawayd geeridiisa la xaqiijiyey.

Waxaan ka tacsiyeynayaa geeridda guddoomiyaha qoyskii,ehelkii,asxaabtii,Bulshadda gobolka Togdheer iyo guud ahaan ummadda reer Somaliland oo aan leeyahay Alle samir iyo iimaan ha inagga siiyo,isagana jannooyinkiisa ha ku casuumo.
أمين امين 🙏

03/28/2020

Beri ayaa uu Jabuuti roob aad u xoogani ka da’ay. Biyo ayaa meel walba fadhiistay. Kaneeco aad u badan baa ka dhalatay biyo fadhiisinkaasi. Dadweynihii reer Jabuuti ayaa aad uga cawday Kaneecadaasi. Dawladdii hoose ee magaaladda Jabuuti aad ayeey u dedaashay oo sun badan ayeey Kaneecaddii ku buufisay. Ha yeeshee Kaneecaddii ayaa h**e ugu dhiman weyday suntii lagu buufiyey. Kolkay cabashaddii dadweynahuna halkeedii ka sii socotay ayaa sida la sheegay nin wasiir xilligaasi ka ahaa dawladdii Xasan Guuleed Ilaahay haw naxariistee uu la hadlay warbaahintii Jabuuti waxaanu yidhi sidatan; “ Reer Jabuuti waxaanu idiin sheegaynaa in Kaneecadii ay suntii la qabsatay, dee idinkuna kolkaa la qabsadda qaniinyadeedda.!!!”. Kolkaa waa halkii wasiirkaasiye dadkeenuna xaalka cusub cudurkan Coronovirus sida uu nolosheena u badalay iyo ta adduunkaba inaynu la qabsano ayaa laynooga baahan yahay. Qof walowba is ilaali.

XIGASHO jamaal Cali Xuseen

Ma hadhooyinka laga hayo bakhaylada waxa ka mid ah:Nin baa waxa uu martiyey nin ay saaxiib ahaayeen oo bakhayl ahaa, Isl...
03/28/2020

Ma hadhooyinka laga hayo bakhaylada waxa ka mid ah:

Nin baa waxa uu martiyey nin ay saaxiib ahaayeen oo bakhayl ahaa, Isla markii uu ninkii gurigii galey ayaa ninkii bakhaylka ahaa inankiisii u dhawaaqay oo uu ku yidhi: "Aabbo maanta nin culus baa ina soo martiyey'e waxa aad soo iibisaa kiiloo hilib ah oo aad u wanaagsan".

Inankii baa baxay, waxoogaa markii uu maqnaa baa uu soo noqday isaga oo aan waxba soo iibin!!

Aabbihii baa weydiiyey:" Hilibkii mee?!"
Waxa uu yidhi inankii:" Waxa aan u tegey hiliblihii, waxa aan ku idhi hilibka ugu wanaagsan ee aad hayso iga iibi. Waxa uu igu yidhi hiliblihii: " Waxa aan ku siinayaa hilib aad subag moodo". Waxa aan is idhi:" Haddii ay sidaa tahay maan subagba soo iibiyo intii aan hilib iibin lahaa".

Waxa aan u tegey ninkii subaga iibinayey, waxa aan ku idhi "subaga ugu wanaagsan ee aad hayso iga iibi". Waxa uu igu yidhi " Waxa aan ku siinayaa subag aad malab moodo" Waxa aan is idhi:" Haddii ay sidaa tahay maan malabba soo iibiyo intii aan subag iibin lahaa".

Waxa aan u tegey ninkii malabka iibinayey, waxa aan ku idhi:" Malabka ugu wanaagsan ee aad hayso iga iibi". Waxa uu igu yidhi:" Waxa aan ku siinayaa malab saafinimadiisa aad biyo mooddo". Waxa aan is idhi :" Haddii ay sidaa tahay biyo saafi ahi gurigii wey yaallaaan". Sidaas baa aan guriga ugu soo noqday aniga oo aan waxba soo iibin.

Waxa uu ku yidhi aabbihii:" Alla fariidsanidaa wiilkaygiyow, laakiin hal arrin ayuun baa ku seegtay, sidaad kolba tukaan u tegeysay bay kabihii kaa dhamaadeen".
Waxa uu ku jawaabay inankii: "Maya aabbo, waxa aan sii xidhay kabihii martida!".
Imaanka laydinka qaad😂😂

Xigasho:Awo Kahin

School closedOffices closed Malls are empty Events called offFlights groundedEconomy downEven international borders clos...
03/15/2020

School closed
Offices closed
Malls are empty
Events called off
Flights grounded
Economy down
Even international borders closed

People are scared to look at each other, forget touching

But Hospitals are still open, we still touch patients to check their pulse and examine. We don’t hesitate and walk 3 meters away if you have cold, cough or fever.

The only community which is at highest risk, yet not stepping back, Doctors.

Proud to be a doctor.

Address

7903 Martin Luther King Jr Way S
Seattle, WA

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Abdifatah Abdullahi Adami posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Abdifatah Abdullahi Adami:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category