15/09/2025
Ururka Rejo ayaa deegaanka Baargoo ee degmada Sayla ka fuliyey adeeg caafimaad oo lacag la'aan ah. Kaas oo isugu jiray shaybaadh, daaweyn, talo-bixin caafimaad. Waxa loo shaqeeyey ku dhawaad 150 qof oo isugu jiray haween, carruur iyo waayeel.
Rejo oo iskeed isku xil-qaantay ayaa inta badan deegaanada aan lahayn adeega caafimaad u samaysa adeegyo bilaash ah.
Dhakhaatiirta ayaa la kulmay dadweyne aan h**e noloshooda u helin adeeg caafimaad oo isku dhamaystiran oo bilaash ah.